HomeSiyaasiyiin MAGAC ay la baxeen Xukuumadda Tamar Badan ku lumiyay oo u...

Siyaasiyiin MAGAC ay la baxeen Xukuumadda Tamar Badan ku lumiyay oo u diga-rogtay MADASHA wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

golaha wada-tashigaHargeysa (SLpost)- Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Bilowgii Bishii Ramadaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay tamarta iyo wakhtiga ay ku lumisay sharcinimada Erayga GOLE ee ay magaciisa qaateen, kaas oo xukuumaddu ku tilmaantay mid baalmarsan sharciyadda iyo dhismaha dastuuriga ah ee Dastuurka dalku u jideeyey hay’adaha Dawladda.

Siyaasiyiinta Golahaas hore ugu dhawaaqay, ayaa war-saxaafaded ay maanta ka soo saareen Hargeysa, waxa ay ku shaaciyeen inay ka Guureen magacaas isla markaana ay la baxeen MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA.

Qoraal kooban oo warbaahinta loogu talo-galay oo ay ku shaaciyeen go’aankan, ayaa u qornaa sidan:- “Ugu horayn waxaynu dareensanay hadii aynu nahay ummada reer Somaliland in dawlada iyo xukumada madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ay waxbadan isku mashquulisay sharcinimada erayga  GOLE, oo ay in ka badan intii uu mudnaa eray Soomaali ahi ay galiyeen, wakhti badan  iyo tamar  badanina ay ku luntay.

Sidaas oo ay tahay waxaanu u sheegaynaa ummada reer soomaaliland in erayga GOLE yahay eray ka da’weyn  dawladnimada, waana  eray dhaqan oo magacyo badan lala isticmaalo. Tusaale ahaan : GOLE dhaqameed, GOLE culimo, GOLE ciyaareed I.W.M. waana eray caam ah oo hadba erayada ka danbeeya ayaa iftiimiya macnaha iyo ujeedada uu u taagan yahay.

Waxaynu dareensanahay in  xukumadu  inbadan ku celcelisay  GOLE Distuuri ah , GOLE Distuuri ah ,waxaanu leenahay Golayaasha Distuuriga ahiwaa kuwa distoorku jideeyay waxaana ka mid ah: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukuumada,  iyo  Golayaasha Deegaanka.

Golayaashani waxay ku sifaysan yihiin golayaasha Distuuriga ah, waxaanay taasi tusaysaa inay ka duwan yihiin golayaasha kale ee dhaqameed ama bulsheed.

Hadaba anagu lamaanu bixin gole Distuuri ah ee waxaanu la baxnay gole wadatashi iyo toosineed , waana magac sheegaya  in lawada tashado oo lays toosiyo, ujeedada aanu ula baxnayna  waxay ahayd  in laysku yimaado oo laga wada tashado  danta dalka iyo ummada oo ah wax lawada leeyahay.

Sidaas oo ay tahay may haboonayn  in eray wakhti badan lagu lumiyo, waxaanuna doonaynaa inaan wakhti danbe lagu lumin magac,  balse laga wadatashado danta dalka iyo dadka .

Si aan halkaa uga gudubno waxaanu  ka guurnay magacii hore waxaanuna u guurnay magacan kale  ee ah  “MADDASHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA”.

 Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku waxay diyaar u tahay wadatashi iyo toosin  si loo maareeyo xaalada dalka oo meelo badan ka cakiran, waxaanay diyaar u tahay inay la xaajooto cidkasta oo danaynaysa ka wadatashiga danta qaranka , ha noqoto goloyaasha guurtida iyo baarlamaanka, aqoonyahanka, waxgaradka iyo  oday-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada  iyo  bulshada guud ahaanba.

Hadii  hadaba ay xukumadu diido ama ka cago-jiido in lawada tashado oo laga tashado danta iyo jiritaanka dadka iyo dalka, wuu soconayaa wadatashigu xukumadana loo garba duubnaanmaayo.

Guntii iyo gabogabadii wadatashiga iyo toosintu waa wax bulshada reer Somaliland ku soo caanomaashay waana wax  distoorkeena iyo diinteena islaamkaba ku banaan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories