HomeSiyaasiyiin Ku Dhawaaqday GOLE Xukuumaddu si weyn uga Qaylisay oo Sharraaxaad ka...

Siyaasiyiin Ku Dhawaaqday GOLE Xukuumaddu si weyn uga Qaylisay oo Sharraaxaad ka Bixiyey Nuxurka uu xambaarsan yahay Gole-weynahoodu

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiin todobaadkii hore magaalada Hargeysa kaga dhawaaqday Gole loogu magac-daray GOLAHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA, ayaa shacbiga tafaasiil dheeraad ah ka siiyey Nuxurka iyo nooca Golaha ay ku dhawaaqeen oo Xukuumaddu si weyn uga Qaylisay.

War-saxaafadeed Xambaarsan Ujeeddada loo aasaasay golahan oo Guddida Golahani caawa ka soo saareen magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:

“BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Waxaanu Ummada Somaliland meel kastoo ay joogto leenahay Ramadaan kariim

Waxaa shir dheer oo Xubnaha Goluhu  isugu yimid laga maarmi waayey in aan mar labaad shacabka sharafta iyo qadarinta leh  ugu celino nuxurka Golaha wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Kelmada GOLE waa erey ka da’ weyn  dhismaha dawladda aynu iminka naqaano, oo Somaalidu soo isticmaalaysay wakhti aan dawlad ba la aqoon. Tusaale: Gole Geel-jire, Gole ciyaareed, Gole wada hadal, Gole colaadeed, Gole nabadeed, iyo Gole xidid iyo Gole Diineed.

Iminkana waxa loo isticmaalaa Golaha Salaadiinta , Golaha Cuqaasha, Golaha Suugaanta iyo Golaha Barayaasha.

Sidaa darteed, waxa hadalka Xukuumadda ka muuqday inay dadweynaha  sifo khaldan ugu dhigeysay , taas oo  aanu ku sharaxnay ereyga GOLE isticmaalkiisii hore iyo kan dambeba.

Golayaasja Qaranka ee Dastuurku jideeyey waa sadddex: 1) Golaha Xukuumada, 2) Golaha Wakiilada iyo 3) Golaha Guurtida, midna maanaan sheegan. Xisbi Qaran maanaan sheegan, ee waxanu nahay Muwaadiniin talo aanu isleenahay wax bay u tareysaa Dalka iyo Dadka u soo jeediyey, sida Dastuurku xaqa u siiyey inuu fikirkiisa cabirikaro.

Sida darteed, waxaanu  Ummadda  Somaliland u sheegeynaa nuxurka Goluhu waa waxa ha la saxo, waana  waxaynu wada leenahay dhamaanteen oo u baahan inaynu ka wada tashno marka ay timaado kale duwanaansho fikir iyo aragti ku salaysan xaguu   Waddanku u socdaa ma tahay wadadii guusha?

Waxanu Mar Labaad Caddeynaynaa Inaanu Golahanu Ahayn Gole Ku Jira Tartan Siyaasadeed.  Nuxurkuna Waxa Weeye  Inaynu Wixii Khaldan Ku Dhameysano Talo Loo Wada Dhanyahay Oo Hareeraha Laga Wada Joogo, Sidii Somaliland Ku Caano Maashay Loo Adkeeyo Midnimadeena.

ALLA MAHAD LEH,

WAA INOO TOOSIN IYO TURXAAN BIXIN INSHAALLAH.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories