HomeSiyaasiyiin ku dhawaaqay Guddida Bad-baadinta Somaliya oo Mar kale yeeshay Kulan Shaki...

Siyaasiyiin ku dhawaaqay Guddida Bad-baadinta Somaliya oo Mar kale yeeshay Kulan Shaki ka dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaasi Somaliya oo dhowaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay isbahaysi ay ku mucaaradayaan dawladda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, ayaa mar kale habeen hore kulan ballaadhan isugu yimi magaalada Nairobi.

Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Raysul-wasaareyaal xilal ka soo qabtay Somaliya oo kala ah Cali Khaliif Gallaydh, Cali Maxamed Geedi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Musharaxiintii ku guul-darraysatay doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo kala ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Baadiyow, Yuusuf Garaad Cumar, Sheekh Maxamed Yaasiin iyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi, waxa kulanka ku wehelinayey siyaasiyiin dalka Kenya u dhashay  oo ka ah Diiriye Cabdullahi Maxamed, Maxamed Shidiye iyo Ilyaas Barre Shiil.

Kulankan oo markii hore loo malaynayey inay siyaasiyiintani ku sii xoojinayaan ujeeddada kulan ay todobaadkii hore ku qabsadeen isla magaaladaas, ayaa u muuqday mid weji kale leh, waxaana lagaga hadlay dhibaatooyinka dalkaasi Soomaaliya haysta.

kulanRaysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka kulankan uu yahay sidii nabad looga dhalin lahaa dalkaasi Soomaaliya, , isagoo walaac ka muujiyay rabashadaha ka dhacay maamul-goboledka Puntland iyo dagaallada asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay Kismaayo.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay qorshihii uu ku bilowday maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka oo uu sheegay in dawladii hore ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed inay qorshahaasi si bilowday. “Waxaan sugaynay in dawlada dhalataa ay meesha kasii wado heshiisyadii ay galeen dawladihi hore, dawladii hore ee Soomaaliya ayaa Kenya ka codsatay inay ka taageerto maamul u samaynta gobollada haatan laga sameeyay Jubbaland” ayuu yidhi Gaandi.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo dhalleeceeyay xildhibaanada dalbanaya inay Kenya isaga baxdo dhulkooda ayaa sheeegay inaysan Kenya ku jirin wax damac ah oo ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed. “Annaga ayaaban ogolayn in taako kamid ah dhulka Soomaaliya ay Kenya hunguriyayso, war waxaan idin leenahay inta aad dhisanaysaan ciidamo adag ammaankiina iyo ammaankeena waa isku xiranyahay, waana ku khasbanahay inaan idin taageerno” ayuu yidhi Shiil.

Xildhibaan Maxamed Shidiye oo isna ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in Soomaalida ay isu taagaan adkaynta midninadooda iyo ammaanka dalkooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo kulankaas soo xidhay ayaa sheegay in qabiilka Soomaalida ee la isku haysto aanu caddaynba in la wada dhashay. “Qabiil baa la sheegayaa, yaa DNA u kala qaaday, war hoy meesha wax la isku dilaa ma yaalliin ee Soomaalidu danahooda ha qabsadeen” ayuu yidhi Galaydh.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories