HomeSiyaasiyiin iyo Aqoon yahan Tageero ballaadhan u muujiyey Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta...

Siyaasiyiin iyo Aqoon yahan Tageero ballaadhan u muujiyey Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SIYAASIYIINHargeysa  (SLpost)- Guddoomiyihii Ururkii ku hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee NUUR, Siyaasiyiin iyo aqoon-yahan kala duwan, ayaa ka hadlay mawqifkooda ku aaddan Golaha Wada-tashiga ee dhawaan Hargeysa lagaga dhawaqay.

Axmed Sandoon Xasan, Axmed Cabdillaahi Asaari, Dr. Maxamed Muuse Cawaalle, Aqoonyahan Maxamed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Axmed Odowaa Cigaal oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Huteelka Xaruf ee  Magaaladda Hargeysa, ayaa taageeray ku-dhawaaqista golahaas oo ay sheegeen in ku dhawaaqistiisu salka ku hayo siyaasiyiinta bud-dhigga u ahayd oo shaki wayn oo ka qaday Madax-bannaanidii Somaliland.

Safiirkii hore ee Dawlada UDUB u fadhiyey Dalka Itoobiya Yuusuf Jaamac Buraale oo ugu horayn halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in waddamo taageeri jiray qadiyada Somaliland ay ka niyad jabeen, waxaanu yidhi, “Waddamadii ina taageeri jirey waxa ku dhacay niyad-jab, wixii ka soo horjeeday qaddiyada Somaliland oo fursad u helay inay shaaciyaaninaynu ka mid nahay Soomaaliya,shacabka Reer Somaliland ee aragtida mideysan ee mitidka ahayd waxa imika soo galay gooni-isu-taagii Somaliland ay keentey madmadow ka galay jahadii Somaliland ku socotey. Waxay Dhaawac ku tahay arragtida mitidnimada iyo midnimadii ku dhisnayd gooni isu-taaga  Somaliland, ayuu yidhi Yuusuf Jaamac Buraale, waxaanu hadalkisii sii raaciyey ,“Soomaaliya oo markii horeba ka soo horjeeday madax-baanida Somaliland oo aynu inaggu fursad u siinay  ku faafinayaan ama ay ku caddeynayaan inaynu ka mid nahay Soomaaliya.”

Yuusuf Jaamac Buraale waxa kale oo uu sheegay in waddamada qaarkood ay shaki ka galay gooni isu-taagii Somaliland, waxaanu yidhi. “Waddamada qaarkood ayuu shaki ka galay gooni isu-taageenii Somaliland, innaga (Somaliland) ayaa keenay inuu shaki ka gallo bulshada caalamka ee doonaysa inaynu gooni isu-taagno, waxaanu tageeraynaa todobadii qodob ee Goluhu ku baaqay in shir la is-kugu yimaado.”

Axmed Sandoon Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sheegay, markii ay qiimeeyeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasada,dhaqaalaaha iyo nolosha bulshada, inay ka qawadeen marxaladaa oo ay baalmareen cidii uu sharcigu u siiyey inay fuliyaan “Markiii aanu qiimaynay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasadda dhaqaalaha, Nolasha Bulshada waxaanu qawadnay marxalada ay manta marayso oo ah mid ay baal mareen ciddii sharcigu u sii yey, markaa waxaanu u arragnay in Golahan uu yahay mid ay bulshadu u baahan tahay.”

Mujaahid Axmed Ibrahim (Wadne) oo halkaas ka hadlay, ayaa dhaliilay hoggaaminta siyaasadeed ee madaxweyne Siilaanyo, “Madaxweyne wax kale layskuma haystee waa qaranimadii iyo madaxbanaanidii Somaliland, waanad aasaysaa ee halka aad ku aasaysid goob joog ha loo wada ahaado,” ayuu yidhi Muj. Ibraahim Wadne.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories