HomeSiyaasiga Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Shirkii IGAD Iyo Qodobkii Midnimada Ka...

Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Shirkii IGAD Iyo Qodobkii Midnimada Ka Hadlayey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SL.Post) Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay shirkii Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay Somaliya, ee lagu soo hadal qaaday midnimada Somaliya, waxaanu sheegay in mar kasta oo shir la isugu yimaado ay iska magac u yaal iyo maamuus tahay in midnimada la soo hadal qaado, laakiin dawladda Somaliland looga baahanyahay in la sameeyo dedaal lagaga hortagaya.

 

ismaaciil-buubaa

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay,   ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Madaxweynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Isagoo ugu horayn ka hadlaya shirka IGAD ee war-murtiyeedkiisa midnimada lagaga hadlay wuxuu yidhi “Shir kasta oo IGAD ah ama Shirarka Golaha Amaanka waa la yidhaahda midnimada Somaliya waa muqadas,baratakoolada ayey ka mid tahay marka arrimahaas la soo hadal qaadayo, laakiin waxa loo baahan yahay inay Somaliland arintaas dedaal aad iyo aad u xoog badan ka gasho, waxaanan Xukuumadda Somaliland u soo jeedin lahaa sidii loo soo afjari lahaa arinta ku shuqul leh midnimadii la iskugu yimid lixdankii,oo laba Dawladood oo walaal ah oo wada shaqeyn kara aynu noqono, Xukuumadduna waa inay la timaada fal curis waana inay ka hadashaa sidaasi sidii ay u suurtoobayso, oo qaddiyada madax banaanideeda u jeedisaa  Beesha Caalamka, Wadamada Geeska Afrika, caamatan dadka Soomaaliyeed iyo  dadka Soomaaliyeed ee Somaliya degan ee aynu lixdankii  aynu isku darsanay, arintu waxay u baahan tahay in Ictiraaf raadintu halka ay taalo in laga eego oo meel aanu ictiraaf ka soo baxayn aan wax wakhtiya la iskaga lumin”.

 

Ismaaciil Buubaa, wuxuu sheegay inaanay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ahayn goosasho ee ay tahay la soo noqosho madaxbanaani, “Somaliland codsigeedu maaha goosasho laakiin waa soo celinta madaxbanaanidii ay heshay lixdankii.” ayuu yidhi Buubaa.

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko aragtidiisa ku waajahan go’aankii Madaxweynaha ee kala qaadista labada Doorasho ayaa ku jawaabay “Qanuun Maxkamadeed ayaa meesha yaala,qanuunka Maxkamaddana ciddi kama sarayn karto, Madaxweynuhu wax qaanuunka khilaafsan ma keeni karo, Baarlamaanku ma keeni karo Guurtiduna ma keeni karto, kol haddii arintii lagu heshiiyey ee qanuunku ku saleeysnaa ayaa looga fadhiyaa in lagu dhaqmo dadka reer Somaliland”.

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlay aragtida Beesha Caalamka iyo kala qaadista labada Doorasho ayaa yidhi “Waxa Caalamka jira qanuunka sharciya, waxaana Caalamku isku xukumaa xukun, xukunkana cidi kama hor tagto, Calaamkuna waxa uu uga fadhiyaa Dawladda Somaliland inay xukunkaas fuliso, sidaas ayaana looga fadhiya Dawladda Somaliland”.

 

 

Somalilandpost.Net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories