HomeSiyaasiga Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Iyo Wada Hadalada Isbahaysiga

Siyaasiga Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Iyo Wada Hadalada Isbahaysiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland isla markaana ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynuhu  ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbay Ingiriiska,  waxaanu sheegay in ujeedada safarkaasi ahaa sidii Saldhig Milatari looga dhigi lahaa madaarka Berbera.

1-34-150x150

 

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in labada Doorasho ee la kala qaaday ay Somaliland u keentay in sumcadii ay Caalamka ku lahayd hoos u dhacdo, waxa kale oo uu ka hadlay Shirka Golaha dhexe ee Waddani, wada hadalada Isbahaysiga, iyo arrimo kale,  waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya safarkii Madaxweynaha ee Dubia ayaa yidhi “Waxyaabahan la sheegayo ee la leeyahay Odaygu marku tagay Dubai Warshada Sibidhka iyo Saldhig Milatari ee la leeyahay Imaraadka ayaa la siinayaa, oo la yidhi Ciidamada  iman doonaa waxay noqon doonaan Masaari., Imaaraad iyo waxyaabo noocaas ah, waxay taasi keenaysa inay colaad ina dhex dhigaan Itoobiya, waayo haddii Masaari meesha soo gasho macnaheedu wuxuu noqnaya Biyaha Niilka ayaa lagu dagaalamayaa, inagana dhibaato ayey inoo tahay haddii Masaari soo gashay,”.

 

Cabdi Haybe mar aanu wax ka weydiinay Labada Doorasho ee la kala qaaday wuxuu yidhi “Markii hore labada Doorasho waa la isa saaray oo waa lagu heshiiyey, Caalamkuna markhaati buu ka ahaa,markii dambena waa la kala qaaday, markaas haddii laga baxay wixii lagu heshiiyey oo carqaladi timid, aaminaadii baa xumaanaysa, oo aad bay u adkaanaysa in Caalamku ina aamino mar kale haddii ay timid in heshiiskii laga baxay, lana dhegaysan waayey, waxaanad moodaysa hadda in indhihii Caalamku inaga sii jeedsanayo, oo sumcadii aynu Caalamka ku lahayn uu soo xumaanayo, madaama wixii lagu heshiiyey laga baxay, ee ALLE ha inoo sahlo”.

 

Cabdi Haybe mar uu fariin u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinku waa inay xilkooda ka soo baxaan, oo Doorashooyinkan marna la kala qaadayo marna la isku dhufanayo wali hadalkoodii lagama hayo, waa inay ka hadlaan, oo bal Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeedii ay ku dhacdo”

 

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa wuxuu  yidhi“Shirka Golaha dhexe ee Xisbigu wuxuu dhacaya tobanka bishan, wuxuuna ku dhammaan doonaa guul insha allaah”.

 

Isagoo ka hadlaya wada hadalada isbahaysiga wuxuu yidhi  “Waxaan rajaynayaa in Isbahaysigu todobaadkan gudihiisa ku soo biiri doono Xisbiga Waddani,waana Siyaasiyiin culus oo Xisbiga cudud, awood iyo taageere Xisbiga ku soo kordhin doona  waxa kale oo isla todobaadkan ku soo biiri doona Xisbiga dad aad u badan, shaqada Xisbiguna meel fiican ayey hadda maraysaa, guul ayaana Xisbiga u rajaynayaa”,

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories