HomeSiyaasi Soomaaliya u metelayey Wadahadalkii ugu dambeeyey ee Somaliland ku dhex-mara Turkiga...

Siyaasi Soomaaliya u metelayey Wadahadalkii ugu dambeeyey ee Somaliland ku dhex-mara Turkiga oo ka soo dhex-mudhay Madax-dhaqameedka Hargeysa yimi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SIYAASIGAHargeysa (SLpost)- Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya, isla markaana xubin ka ahaa Ergadii dawladda Federaalka Soomaaliya u metelayey wada-hadallada u dhexeeya Somaliland, kana qaybgalay wejigii 5-aad ee wada-hadalka labada dal, kaasoo 16-kii bishii koowaad ee sannadkan 2014-ka ka furmay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga oo isagu wada-hadallada marti-geliyey.

Faarax Giindhe oo la sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii ugu ad-adkaa doodda labada dhinac u dhaxaysay ee sida wayn uga soo hor-jeeday qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland wakhtigaa uu ka midka ahaa Ergada Wadahadalka ee ka socday dhinaca Soomaaliya, isla markaana la sheegay inuu ku dhegganaa qaddiyadda Midnimada Soomaaliyeed, ayaa shalay ka soo dhex-mudhay Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya oo Arbacadii inna dhaaftay soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii ay diyaarad ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Faarax Giindhe waxa uu shalay hadal ka jeediyey kulan qado-sharaf ahaa oo uu Xisbiga UCID u sameeyey Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee Hargeysa soo gaadhay oo intii hore Warbaahinta afka ka xidhay, isla markaana shaki badani ku xeermay ujeeddada socdaalkooda, kulankaas oo ay Masuuliyiinta Xisbiga UCID su’aalo ujeeddada socdaalkooda ku saabsan ku weydiiyeen, uguna bandhigeen qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland inay tahay go’aan shacab oo lama taabtaan ah.

Waxa uu Faarax Giindhe oo ka mid ahaa xubnihii su’aalaha Siyaasiyiinta Xisbiga UCID ka jawaabay ee dhinaca Odayaasha u hadlayey, waxa uu sheegay inuu yahay xidhiidhiyaha Barnaamijka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse muu caddaynin in Barnaamijkaasi yahay wadahadallada sida caadiga ah ugu socda labada dawladood iyo in uu ula jeedo socdaalka Madax-dhaqameedku ku yimaaddeen Hargeysa.

“Barasho wanaagsan Aniga waxa la I dhahaa Faarax Giindhe, Ninka xidhiidhinayey runtii barnaamijkan Somaliland iyo Soomaaliya ka dhex socda min bilawgii hadda Guurtida xidhiidhinayey Aniga weeye. Marka xaqiiqda laga hadlayo Odayaashani iyagaa isa soo abaabulay, iyagaa gartay inay Walaalohood Somaliland inay soo booqdaan, iyagaa gartay bal waxa dhabta ah ee Somaliland ka jira inay xog-ogaal u noqdaan, iyagaa jeclaystay Jibbo iyo jacayl mid kale oo lixdankii jiray oo ka horreeyey inay mar kale iyagu idiinla yimaaddaan, maaha in iyaga wax loo soo yeedhiyey ee iyagaa go’aansaday inay Somaliland yimaaddaan.” Sidaa ayuu yidih Faarax Giindhe.

SIYAASISInkasta oo ay Odayaashii Dhaqanka ee Kulankaas shalay ka hadlay ay ku doodeen in ujeeddada socdaalkoodu aanay sal iyo raad toona ku lahayn mid siyaasadeed ee ay tahay arrin dhaqan iyo inay indhahooda ku arkaan waxa ay Somaliland qabsatay oo ay ugu hambalyeeyaan, isla markaana ka bartaan dhismaha nabadda iyo dawladnimada iyo abuuritaanka is-dhex-galka Bulshada, haddana markii Siyaasigan Faarax Giindhe lagu dhex-arkay Odayaasha waxa sii kordhaya dareennada siyaasadeed ee markii horeba laga muujiyey imaanshiyaha Madax-dhaqameedka Muqdisho ka yimi oo aan haba-yaraatee Warbaahinta Soomaaliya iyo ta Somaliland midna u caddaynin ajandaha ujeeddada safarkooda Hargeysa.

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories