HomeSiyaasi Reer Sudan ah oo sheegay in dalkiisa iyo dawladdiisu u soo...

Siyaasi Reer Sudan ah oo sheegay in dalkiisa iyo dawladdiisu u soo jeesteen Taageerada Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa maxay Nuxurka farriinta uu Xukuumadda Somaliland ka gudbin doono Siyaasiga reer Sudan? 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi reer Sudan ah, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa Sudan ay yaallaan warar badan oo fiican oo ku saabsan Somaliland, isla markaana waddankiisa si weyn looga taageersansan yahay Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka dawladda Sudan Dr. Maxamed Awadallah Bannage oo qeyb ka ah Wefti uu hoggaaminayey La-taliyaha Sharciga ee Madaxweynaha Sudan iyo xubno kale oo Salaaddiin iyo Odeyaal reer Sudan ah oo booqasho ku yimi Somaliland dhawaan, ayaa sheegay inay mahad-celin ballaadhan u soo jeedinayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, taageeradoodii la xidhiidhay Nin reer Sudan ah oo muddo ku dhibaataysnaa magaalada Hargeysa oo uu xusay inay garab-istaageen.

former sudanese health ministerWasiirkii hore ee Caafimaadka Sudan Dr. Banage oo la weydiiyey ujeeddada socdaalkooda Somaliland, inuu ahaa mid shaqsi ah, amase mid rasmi ah, waxa uu ku jawaabay; “Ugu horreyn socdaalkayaga Somaliland ujeeddooyin badan ayuu leeyahay, kana mid tahay taageeridda inankayaga Fayaad iyo Mushkiladda lala wada socdo ee ka haysata Hargeysa, sidoo kalena aan u mahad-celinno dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland, Salaaddiin, Aqoonyahan, Culimaa’udiin Taageerada ay isla garab-taageen Fayaad. Waxa kale oo ujeeddada socdaalkayaga ka mid ah inaan eegno fursado maalgashi oo dhinacyada Caafimaadka, Xoolaha, Macdanta ah oo qeyb ay ka qaadan karaan Ganacsatada reer Sudan iyo ugu damabyn sidii aannu isugu xidhi lahayn labada shacab ee Somaliland iyo Sudan loogana wada-shaqeyn lahaa horumarkooda iyo wanaaggooda.”

Mar la weydiiyey maaddama dalka Sudan uu kaalinta koowaad kaga jirijiray waddamadda sida weyn uga soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland, ma isleedahay is-beddel ayaa mowqifkaa ku yimi, tan iyo markii Koonfurta Sudan ka go’day, maxaad odhan lahayd?

“Dhab ahaan, intaan ogahay, horena u ahaa Wasiirka Caafimaadka, Sudan kama soo horjeeddo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, balse sidaad la socotid Ururka Jaamacadda Carabta iyo guud ahaan dawladaha Islaamku waxay isku qanciyeen inaan Soomaaliya kala go’in. Laakiin, xilligan sidaan maqlay Sudan waxa jira warar fiican oo ku saabsan sidii Somaliland Xukuumaddoodu u heli lahayd madax-bannaanideeda, maxaa-yeelay? Waxa si weyn u soo jiidatay horumarka iyo xasilloonida ka jirta halkan (Somaliland). Waxaanay u muuqdaan kuwo taageero dheeraad ah u haya Somaliland.”

“Annagu farriimaha aan ka qaadno Xukuumadda iyo waxa aannu indhahayaga ku aragno waxaan gaadhsiin doonnaa Madaxda ay khusayso ee Sudan oo illaa La-taliyaha Madaxweynaha Sudan ee dhinaca Sharcigu uu nala socdo, waxaanan u ololeyn doonnaa sidii dalkan Somaliland loogu abaalmarin lahaa madax-bannaanidooda waxa ay qabsadeen awgeed. Waxaan qabaa in mustaqbalku la jiro Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee dawladda Sudan Dr. Maxamed Awadallah Bannage.

@himilo Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories