HomeSiyaasi Reer Somaliland ah Oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Somalia Oo Kenya...

Siyaasi Reer Somaliland ah Oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Somalia Oo Kenya Lagu Xidhay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankNairobi (SLpost) – Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo doonaya inuu u tartamo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, ayaa lagu xidhay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Siyaasigan oo lagu Magacaabo Mohamed Yassin Ismael, ayaa lagu eedeeyay inuu 4 Million oo lacagta Kenya ah, hab aan sax ahayn uga qaatay Nin sida la sheegay uu ku qanciyey inuu iibsado Guri la deggan yahay, inkasta oo aan weli kiiska loo haystaa dibedda u soo wada bixin.

Jariiradda standard oo ka mid ah Warbaahinta Kenya, ayaa baahisay in Siyaasigan oo sidoo kale ah Hantiile iyo Maalgashade uu ku xidhan yahay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Pangani oo ka mid ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Xadhiggiisa waxa amartay Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi, sida uu sheegay Wargeska standard oo Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay.

Joseph Mburugu oo ah Dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiska siyaasigan, ayaa diiday in la siidaayo, isagoo walaac ka muujiyey in haddii la siidaayo uu baxsado.

Maxkamadda oo xiganaysa baadhaha kiiskan, ayaa sheegtay in Maxamed Cumar Xasan oo ah Ninka soo eedeeyay Siyaasiga Maxamed Yaasiin Ismaaciil uu sheegay in eedaysanuhu u sheegay inuu awood u leeyahay inuu iibiyo Guri la deggan yahay, ka dibna uu lacagta ka qaatay bishii February, 2021.

Wargeysku waxa kale oo uu soo weriyey inay jiraan Lacago gaadhaya illaa 100 Milion dollar, kuwaasi oo uu ku eedaysan yahay Siyaasiga u dhashay Somaliland ee doonaya inuu u tartamo Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories