HomeSiyaasi Mustafe Qodax oo Afar Sanno kaddib Hargeysa ku soo laabtay

Siyaasi Mustafe Qodax oo Afar Sanno kaddib Hargeysa ku soo laabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa Magaalada Hargeysa maanta soo gaadhay Ex-xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsanaan mudanayaasha aqalka sarre ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, balse dhawaan iska casilay xilkaasi, kana tanaasuliey mowqifkii uu hore u aaminsanaa, kaddibna uu cafis weydiistay madaxweynaha Somaliland oo ka aqbalay.

blankMustafe Qodax oo ka soo amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa bishii u dambaysay, ayaa afar sanno uu baarlamaanka Soomaaliya ka mid ahaa kaddib, si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Mustafe Qodax oo ka hor intii aanu Muqdisho u doonaan booska xildhibaanimo, xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland, ayaa madashii lagu soo dhaweeyay ka sheegay in uu ka tanaasulay mabdi’ii uu qaatay ee uu ku tagey Soomaaliya, islamarkaana cafis uu weydiistay xukuumadda Somaliland.

“Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo, muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan ku soo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay, bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhaweeyey,” sidaas ayuu yidhi Mustafe Qodax oo hadal ka jeediyey madashii lagu soo dhaweeyey.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dubai ayaan joogay muddo bil ah, xilkii aan ka haayey Soomaaliya halkaas ayaa iskaga casilay xaflad lagu qabtay, halkaas anniga oo jooga ayaan cafis ka soo dalbaday, sidii ayaan ku imid wixii dambe waan isaga imaanaynaa, maanta runtii aad ayaan ugu faraxsananahay”.

Dhanka kale bil ka hor ayay ahayd markii uu magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtay xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, kadib markii uu cafis ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ka aqbalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories