HomeSiyaasi Maxamed Xasan Dirir oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Deegaamo ka...

Siyaasi Maxamed Xasan Dirir oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Deegaamo ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu Hankiisa u soo bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Muddada aan siyaasadda ku soo jiray, waxaan soo dhisay hoggaamiyeyaal iga fadal horeeyey. 2010-kii waxaan soo dhisay Faysal Cali Waraabe, sannaddadii ka dambeeyey oo ilaa 2018-kii ahaydna waxaan soo dhisay Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani.”

 

“Hoggaamiyaha umad hor-kacayaa waxa weeyaan qof qalbi xalan oo laab xaadhan oo aanay qalbigiisa ku negaanin dhacdooyinka iyo loolannada siyaasaddu,” Siyaasi Maxamed Xasan Dirir

 

Saaxil (SLpost)- Maxamed Xasan Dirir oo ka mid ah siyaasiyiinta Da’da Yar ee Somaliland, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan gobolka Saaxil oo uu booqday, halkaas oo dadweyne tiro badan oo isugu jira Odayaal, wax-garad, Haween iyo Dhalinyaro ku gaashaaman calanka Somaliland iyo Sawirka siyaasiga ku qaabileen.

 

blank

 

Dadweynaha ku dhaqan Deegaanka Xiin-weyne iyo Magaalada Dalow oo ka tirsan gobolka Saaxil, caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Siyaasigan Da’da yar, waxaanay halkaas uga ballan-qaadeen inay ku garab-taagan yihiin hankiisa siyaasadeed.

 

Munaasibad loogu qabtay soo-dhaweynta siyaasi Maxamed Xasan, ayaa waxa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha, madax-dhaqameedka, Dhalinyarada iyo haweenka deegaanka uu booqashada ugu tagay kuwaas oo dhammaantood sheegay inay ku garab-taagan yihiin hankiisa siyaasaeeed iyo himilada uu hiigsanayo.

 

blank

 

“Maxamed Xasan wuxuu doonayaa inuu ka mid noqdo madaxda sare ee dalka iyo inuu u tartamo kursiga ugu sarreeya ee dalka xilligiisa, sidaasi awgeed hankiisa siyaasadeed ee ku wejahan awoodda intaas le’eg, annaguna waanu ku soo dhawaynayaa, cudud iyo maalba waa la garab-taagannahay,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay Munasibadda.

 

‘Odayaasha, Wax-garadka, Haweenka iyo Dhalinyarada ka hadashay madasha soo-dhaweynta loogu sameeyey siyaasi Maxamed Xassan Dirir, ayaa ka sokor inay xooggooda iyo maalkooda ku garab taagan yihiin sidii uu hankiisa siyaasadeed uga midha-dhalin lahaa, waxa kale oo ay Eebbe uga baryeen inuu ku garan-siiyo ugana dhabeeyo damaciisa ka-qayb-galka hoggaaminta mustaqbalka ee dalka.

 

Gebogabadii munaasibadda, siyaasi Maxamed Xasan Dirir ayaa hadal uu ka jeediyey ku sharraxay  xilligii uu ku biiray saaxadda Siyaasadda Dalka, kaalintii uu ka soo qaatay iyo halka uu geeddigiisu ku wejahan yahay, waxaanu halkaas dhankiisa uga mahad-naqay soo-dhaweynta lagu qaabilay, isagoo u ballan-qaaday inuu si daacad ah ugu shaqeyn doono haddii hankiisa siyaasadeed u suurto-galo.

Waxa uu sheegay inuu kaalin muhiima ka soo qaatay guulo siyaasadeed oo ay maanta hadhsanayaan Madaxda xilligan hoggaamisa laba Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo labadooda uu la soo shaqeeyey.

 

blank

 

“Dadka gobta ah ee deegaanka Xiin-weyne iyo Magaalada Dalow ee aan maanta halkan ku soo booqday aad baan ugu mahad-naqayaa soo-dhaweynta ballaadhan iyo xamaasadda aad igu qaabisheen. Dadka ku nool deegaankan Gacan-libaax, Go’o, Xiin-weyne, Geed-Galoole iyo dhammaan deegaanka ku teedsani waa dad astaan u ah gobanimada oo lagu tilmaansado Geesinimada,” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Dirir.

 

“Waxaan siyaasadda Somaliland ku biiray 10 sanno ka hor oo si toos ah markii aan jaamacadda ka qalin-jabiyey. Waxaan uga dan lahaa inaan gaadho oo aan xaqiijiyo Himilo aan xambaarsanaa oo ahayd inaan umaddayda u horseedo badhaadhe, qarankaygana hoggaamiyo. Halka Dhalinyaradii dhiggayga ahayd codsiyo shaqo u qoranayeen hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.”

 

blank

 

 

“Muddada aan siyaasadda ku soo jiray, waxaan soo dhisay hoggaamiyeyaal iga fadal horeeyey. 2010-kii waxaan soo dhisay Faysal Cali Waraabe, sannaddadii ka dambeeyey oo ilaa 2018-kii ahaydna waxaan soo dhisay Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani, Ujeeddada aan sidaas u samaynayeyna waxay ahayd aniguna inaan gaadho himilo iyo han aan xambaarsanaa ilaa yaraantaydii,” Sidaas ayuu yidhi.

 

Isagoo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo raaciyey, “Himiladaydu waa inaan noqdo Hoggaamiyo dadkiisa Jecel oo doonaya iyaguna inay is-jeclaadaan oo is-aamin, is-jacayl iyo wada-jir ka dhex-abuuro, wada-jirkoodana gows-dambeedka ku haysta. Hoggaamiyaha umad hor-kacayaa waxa weeyaan qof qalbi xalan oo laab xaadhan oo aanay qalbigiisa ku negaanin dhacdooyinka iyo loolannada siyaasaddu,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah oo si ballaadhan ugu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Muuqaalka Hoose ka Daawo

https://www.youtube.com/watch?v=hO9hgBlvY6k

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories