HomeSiyaasi Ismaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Wada -hadallada Cali Khaliif iyo Xukuumadda...

Siyaasi Ismaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Wada -hadallada Cali Khaliif iyo Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post) Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka ka hadlay xidhiidhka siyaasadaha Soomaaliya iyo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliland, oo uu ku taliyey in Somaliland ay aad indhaha ugu hayso xaaladaha is badbadalaya ee dalkaas iyo wada hadallada xukuumadda Somaliland la furtay kooxda Cali Khaliif hoggaamiyo. Sidoo kalana wax laga weydiiyey shir ay wadeen isaga iyo siyaasiyiin kale oo ay dhowaan diideen madax dhaqameedka beesha Koonfurta Bari ee Hargeysa.

 

blank

 

 

 

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ugu horayn  ka waramaya arimaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waa inaan dib indhaha looga qarsan waxa Soomaaliya ka socda oo aad loo eegaa, waana in laga fikiraa danta Somaliland ugu jirta, xuquuqda iyo aqoonsiga caalamiga ah ee ay Somaaliland doonayso waa mid ay xaq  u leedahay maxaa yeelay 1960-kii  ayey xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska iyada oo dawlad ah ayey Somaliland la midawday dibna xoriyadeedii way ula soo laabatay , haddii Somaliland la ictiraafana waxa  dhab ah in degenaanshaha Koonfur wax badan ka tari lahayd”

 

 

 

Sidoo kale Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa ka hadlay wada hadalka u bilaabmay xukumada Somaliland iyo maamulka Khaatumo waxaanu yidhi “Wada haddaladaas  aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa, Cali Khaliif  waa nin aanu aad saaxiib u nahay  aadna isku naqaano in badan oo isaga la iga wareystay  waxaan ku celcelin jiray Cali Khaliif waa nin reer Somaliland ah, laakiinse Beeshiisu waxbay tabanaysaa, waxaana loo baahan yahay in wixii dhibaatooyin ah ee tabasho ah meesha laga saaro, waxaan u arkaa in wada hadalkaasi uu dhismaha Somaliland qayb culus ka qaadanayo  waxaana wanaagsan in Bari ilaa Galbeed Somaliland is raacdo  oo Caalamkuna u arko Waddan degan oo dadkiisu is wada raacsan yahay”.

 

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ka hadlaya doorashooyinka soomaaliland iyo qabsoomidooda ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadda oo soo jeedisay in mudo kordhin loo sameeyo maanu maqal, hay’addaha ku shaqada lehna kamaanu maqal, markii haddii aan wax cad la haynin waxay aniga iila muuqataa mala awaal waxan la sheegayaa,  laakiin wax kasta oo la keeno waa inaan la sharaysan oo la eegaa wixii dan ah wixii aan dan ahayna laga waaniyaa dawlada iyo cid walba oo wadata, wixii umada dan u ahna waxa wacan in lagu dhaqmo.”

 

 

 

Mar Siyaasiga uu wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey dareenkiisa ku aaddan hadalkii dhowaan madax-dhaqameedka beesha Koonfurta Bari ee Hargeysa ku diideen shir ay isaga iyo siyaasiyiin kale damacsanaayeen in beesha loo qabto, iyo weliba bal in uu jiro cadaadis xukuumadda kaga imanayaa ayaawaxa uu ku jawaabay, “Shirkani waa fikir la soo jeediyey  oo ah in  Beesha Garxajis wixii dhex yaalla iska  dhammayso, Beelaha kale-na  si wanaagsan ula dhaqanto  sida aan hore u sheegayna waa arrin dhaqan, waxaanan ka maqlayey shirkii lagu qabtay Scandinavian Hotel  in shirkani ku saabsan yahay arrimo siyaasiya oo aan wali la gaadhinba, shirkani maaha mid dhibi ka imanayso ee waa mid ahmiyad balaadhan u leh Beesha, waxaana run ah haddii aan Beelaha dhexdooda waxba laga qaban oo aan la dejin dhinaca siyaasaduna degi mayso, marxaladu uu imika taagan yahayna waa marxaladii Madax-dhaqameedka ee  yaan la siyaasadaynin, cidii fikrad ka qabta marka la isku yimaaddo ha dhex timaado shirka oo wixii tabasho ama cabasho ah ee ay dhinacooda ka arkayan ha ka soo jeediyaan, laakiin in shirka la siyaasadeeyo waxay aniga ila tahay in aanay Somaliland dani ugu jirin, beeshana dani ugu jirin”

 

 

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa xukuumada ugu baaqay inay si isku mid ah ula dhaqanto shirarka reeraha waxaanu yidhi  “Aniga waxay ila tahay inay Xukuumaddu Beelaha isku si ula dhaqanto, Xukuumaddana kamaanu maqal beel hebel ma doonayno inay shirto, dadka aan shirka doonayn ee magaca Xukuumadda wata  ayaad mooda inay meeshii ka dhalinayaan is qabsasho, iyaga oo wax kale wadana waa kuwa yidhaahda waa inay Xukuumaddu ama dawladdu wax ka qabataa, Xukuumaddu wey u siman tahay Beelaha oo dhan ee wixii qaranka wax u keenaya waa inay xukuumaddu Beelaha ka waanisaa in aanay ku dhaqaaqin, laakiin wixii wada islaax, wanaag iyo caafimaad inay dhiiri geliso ayaa loo baahan yahay  markaa  xukuumadda waxba kamaanu maqal ee hadalada aynu maqlaynay malaa waa dad iyagu doonaya inay Xukuumadda isku xoojiyaan”

 

 

 

Ugu danbayn Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa waxa uu soo dhaweeyey heshiiska maal gashiga ee Dekeda Berbera, waxaanu sheegay inay soomaaliland wax badan ka faa,iidi doonto.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories