HomeSiyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay - Qalinkii C/raxmaan Colaad...

Siyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay – Qalinkii C/raxmaan Colaad Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CabdiHomoeSiyaasi darjiidhay oo diinta meelkaga dhacay, maalmihii lasoo dhaafay waxa aad loga hadlayey  Magalada Hargeisa Qoraal taxxane ah  oo uu qoray Maxamed C/da’uud oo ahaa Badhasaabkii Hore ee Gobalka Maroodi-jeex waxa uu ciwaan uga dhigay Heesa iyo Muusigu maxaaraanbaa? Isaga ayaa ka jawaabay waxa lakiin layaab noqotay in  uu sicad  inkaro Nas iyo daliil kasta oo diinta ku sugan waxana hadaladiisii ka mid aha “majiro hal Ayad ama Xadiis xarantinimayanaya Muusiga iyo Heesa)  isaga oo Alle SWT Quraanka kuleh Suratul ( Luqmaan)  Ayada 5aad.
“dadka waxaa ka mida qaar iibsanaya gadanaya sheeko mideeda laysku mashquuliyo,wakhtiga laysku dhaafiyo maaweelo ah iyagga oo aan cilmi ulahayn , waxanay ka dhigganayaan jees jees  waxanay  leeyihiin kuwaasi cadaab dulleeya).waxaa saa  ku fasiray  asaxaab  badan   sida Turjumaannun Qur’aan C/laahi ibunu Cabaas oo Nabigu SCW ugu duceeyey  in Alle Kitaabkiisa fahansiiyo  Fasirkiisana  baro. Waxana Xadiiska saxeexinaya Cullimo badan sida Imaamu Bukhaari uu ku sheegayo Kitaabkiisa Fii adabul  Mufrad, Ibinu Shayba,Ibinu Jariir Adabari . Waxa kale oo ka sugan  C/laahi Ibinu Mascuud oo Nabigu Scw yidhi qofkii doonaya Quraanka inuu u akhriyo sidii uu ku soodegay ha qaato qira’ada  C/laahi Ibinu Mascuud waxanu  uu ku dhaartay  saddex jeer C/laahi Ibinu Mascuud in Ayadaasi ku soo degtaya Heesaha. Waxana Xadiiskaa saxeexinaya Culimo badan sida Ibinu Qayim, Ibinu Shayba,  Waxa kale oo ka sugan Cikrima Mawla ibinu Cabaas  oo ka mida ardaydii saxaabada inuu Ayadaa ku fasiray Heesaha. Waxa uu leeyahay  Imaamu Waaxidi  Culumada Tafsiirka badan koodu  waxay Ayadaasi ku Fasireen  Heesah su’aasha iswaydiin tale waxay tahay haddii Tafsiirkii Asxaabta, ardaydoodii iyo Salafkii  saa yahay mawaxaynu qaadannaa  wadaad manta jooga Tafsiirkiisa.? su’aashu waa Maya maxaa yeelay Alle waxa uu ku amaanay Asaxaabta fahanka diinta iyo Manhaj kooda. waxa kale Alle Quraanka Suratul  ( Albaqra )  Ayadda 136aad. Alle  ku leeyahay. “sidaad wax u rumayseen haday u rumeeyaan way hanuuneen   si ka duwan haday u qaataan u way idin khilaafeen.”    Sidoo kale Nabiguna SCW waxa uu xadiis saxeexa ku leeyahay “Umadayda waxaa ka mid noqon doona oo aakhiru samaanka iman doona qaar xalashada Sinada, Xariirta,Heesah iyo Muusiga.”  markale waxa  laga warinayaa Anas Ibinu Maalik inuu Nabigu  SCW yidhi laba cod ama laba sawd  oo dhegtu maqashaa way nacdalan yihiin adduun iyo aakhiraba   waxana ka mida  Muusiga ta labaadna waa   Baroorta.  Maxamed C/da’uud waxa uu ku abtirsadaa Culimada iyo ducaadda mana ah qof jahli loogu cudur daari karo lakiin way muuqataa inuu ka dhacay fahanka diinta iyo nusuusteeda,   binu adamka noloshiisa ayeyna  ka mid tahay wax kasta oo naftu rabto  iyo aragti kasta oo aan sal lahayn ayaad inay  ayiddo , waxanay tani barmadaw ku noqon doontaa Maxamed C/da’uud  sida ku dhacday qaar badan oo ka horeeyey oo fara  geliyey Diinta  Alle Xiftiyey.

Waxaan ugu nasteexayn- nayaa Maxamed C/da’uud inuu Alle u soo noqdo kana Toobad keeno Xadgudubka iyo gefka uu kula kacay Diinta Islamka

W/Q: C/raxman Colad Cumar

Email: abdirahmaan002@gmail.com

Tell: 0025634177118

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories