HomeSiyaasi Cali Guray oo Iftiimiyey Caqabado ku Gudban Heshiiskii Xisbiyada iyo Madaxweynaha,...

Siyaasi Cali Guray oo Iftiimiyey Caqabado ku Gudban Heshiiskii Xisbiyada iyo Madaxweynaha, Furista ururrada iyo Doorashadana ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa markii ugu horaysay sheegay inuu dalku marayo meeshii ugu xumayd abid.

Cali Guray ayaa sheegay in gud ahaanba ay fashilmeen nidaamkii xisbiyada iyo doorashooyinka Somaliland, midaasi oo uu ku tilmaamay mid rabitaankii Somaliland ka dhigeysa filim dhamaaday oo lagu kala tagay madax-banaanideedii.

blankSiyaasigan ayaa si adag u dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Biixi, isagoo xusay in Somaliland ay ku sii socoto mustaqbal madow, kaasi oo ka dhalanaya doorashooyinka aan qabsoomin ee mudo dhaafay.

Siyaasi Cali Guray oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ka mid ahay inta reer Somaliland rumaysan in nidaamkii xisbiyad badan iyo doorashooyinka tooska ah ay gabi ahaanba fashilmeen, nidaamkaasna waxaynu soo wadnay tan iyo wakhtigii aan dastuurka u codaynay, tobankii sannadood ee hore itaal aynu doonaba aan lahaanee hore ayuu u socday haduu doono haba gaabiyee, tobankan sano ee danbena waxaan ku jirnay burburintiisa nidaamkaas doorashooyinka iyo xisbiyada badan”.Ayuu yidhi Cali Guray

Sidoo kale, Siyaasi Cali Guray ayaa xisbiyadda jira ku tilmaamay hadhaagii xisbiyadda “Hadda waxan jira ee aan xisbiyo ku sheegayno in aanay xisbiyo ahayn ee lufankii xisbiyada ka hadhay uu yahay waa la og yahay, doorasho Somaliland ka dhacaysa oo danbena ma jirtaba  aniga xagayga, hadii laga tagi waayo waxa wax laga wad-wadi karaa doorashooyin gollaha deegaanka ah oo aan la garanayan wakhtiga ay dhacayso, mana jirto doorasho ka qabsomeysa Somaliland”.

Dhinaca kale, Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Somaliland mustaqbalka halka ay ku socoto tahay madow“Somaliland 2022-ka mustaqbalkay ku socotaa waa madow. Reer Somaliland waxay ku socdaan meel aan la garanayan markaan ku leeyahay wax doorasho ah ma dhacayaan waxii aan ku wada joognay waa waxii aan ku heshiinay ee dastuurka iyo sharciga ku qoran tii markay isa soo xidho anigu ma garnaayo waxa ka danbeeya, mar waxaan is idhaahdaa waa dhamaadkii Somaliland oo waxyanu ku jirnayba filin buu ahaa filimkana hadii ‘The End’ uu soo baxo dadku kuraasta iskama fadhiyaan ee kadimadaa la boobaa oo labadii is agfadhiyay ayaa midna kadinka waqooyiga ka baxaa midna kadinka koonfurta”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Maanta waxa leh in la kala adkaado danaysiyada gaar ah, waxan laysku haysta oo dhami maaha dan guud, maaha Somaliland iyo wanaageeda, markaas inta danta guud ay danta gaarka ah mudnaanta ka leedahay Somaliland hoos ayuunbay u sii soconaysaa.”

Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Madaxweynaha lagala xisaabtami doonno wixii qaranka ka xumaadda ilayn isaga ayaa masuuliyadeeda leh“Masuulka koowaad ee qaranku sow ma jiro, waxa alle iyo wixii ka xumaada dalka isaga ayaa alle qiyaamaha la waydiinayaa  imikana masuul ka ah,wixii u wanaagsanaadana isaga ayaa ajarkeeda leh, looma sinaan karo, isaga ayay u taalaa inuu dan yar oo gaar ah ku mashquulo iyo  inuu umadiisa midaysto”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories