HomeSiyaasi Cabdi Haybe Oo Kaaf Iyo Kala Dheeri Ku Sifeeyay Hoggaamintii Madaxweyne...

Siyaasi Cabdi Haybe Oo Kaaf Iyo Kala Dheeri Ku Sifeeyay Hoggaamintii Madaxweyne Rayaale iyo Hoggaaminta Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa,aasaasayaashii Xisbiga taladda dalka ee Kulmiyena ka mid ahaa ayaa sheegay inay Xukuumaddani ka aradantay nidaamkii dawladnimo, waxaanu tilmaamay inay ku fashilantay ictiraaf raadinta, isaga oo sheegay in Xukuumaddii Daahir Rayaale ay kaga wanaagsanayd dhinaca Ictiraaf raadinta iyo waliba dhinaca wada shaqeeynta Wasiiradda. Wuxuu Cabdi Haybe sheegay in hoggaamintii Madaxweyne Rayaale ay ka tayo wanaagsanayd hoggaaminta Siilaanyo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani wax gurmad ah aanay gaadhsiin dadka ku dhaqan Gobolka Hawd, mashraaciida horumarineed ee dalkana aanay waxba ka tarin, waxa kale oo uu ka hadlay Diiwaangelinta isaga oo Bulshada ugu baaqay inay si fiican isku diiwaangeliyaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya”Dawlad ay u hadhay sannad wax ka yar oo meesha ka sii socota oo ictiraaf raadinaysa waxa aan u arkaa faashil, waxay ahayd inay bilawgii raadiso ictiraaf, looma diro Ictiraaf raadinta Guddi ka kooban dhawr iyo toban qof, ee looyaro caalamiya ayaa Adduunka la qabsadaa oo qadiyadaada loo dhiibaa, oo lacag badan ayey qaataan, laakiin dhawr iyo toban qof oo Hargeysa iska jooga ayaan Guddi Ictiraaf raadina u magacaabaya waa faashil, Siyaasaddii Arrimaha Dibadduna waa faashil.

Dawladdii Rayaale ee UDUB ayaa kaga fiicnayd xagga Ictiraaf raadinta Xukuumaddan Siillaanayo ee Kulmiye, Dawladda UDUB markii ay xilka haysay qarka ayey Somaliland u saarnayd in la ictiraafo, markaas waxa ay Xukuumaddani dhoodhoobaysaa waxba kama jiraan”.

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko Siyaasadda Arrimaha Guddaha ee dalka ayaa yidhi “Xukuumaddan dhinaca kasta oo aad ka eegto wey ku soo ruqaysaa, dawladdan Kulmiye jaafajiriqeeda iyo qaabka ay wax u wadaan waad ka yaabaysaa, Dawladdii Rayaale Wasiiraddu way isku xidhnayeen, oo way wada shaqeeyn jireen, way wada shiri jireen, balse Xukuumaddan Wasiir walba dhinaca uu doono ayuu u eryayaa, shaqadii Wasaaradda Arrimaha Guddaha waxa shaqadeedii qaadatay Wasiiradda Maaliyadda, oo gargaarkii ka shaqeeynaysa, oo biyihii ka shaqeeynaysa, Wasaaradda Arrimaha Gudduhu wixii ay qaban lahayd Wasiir Samsam baa qabata, Cali Waran-cadde waxa uu u magacaaban yahay ayaanan garanaynba, Kaadhkii muwaadinimada oo isagu meelna gadhin waxa ka dhacday fashilaad, lacagtiisi waxaad mooda in lagu kala tagay”.

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Waa in dadaal xooga la sameeya, oo dadku is diiwaangeliyaa, oo kaadhadhkaas la qaata, si loogu galo Doorashada soo socota haddii ALLE yidhaahdo, waxaana ugu baaqaya Bulshada Xukuumaddan joogtaa way fashilantaye Xisbiga Waddani ha loo codeeyo”

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Turkiga iyo dhex dhexaadinta Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Turkigu ma ogala gooni istaaga Somaliland, waanan ka soo horjeeda, in Hargeysa looga furo qunsiliyada dawlad aan ku ogoleyn khalad baan u arkaa, Turkiguna Somaliweyn buu rabaa, Xamar buu dhisaa, Somaliland wax horumar ah oo uu ka sameeyey ma jirto, ee in dalka laga saaro ayey ahayd”

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Gobolka Hawd waxa uu yidhi “Dadka Gobolka Hawd wuu dayacan yahay, dad iyo xoolaba, dadkiina raashin la’aan iyo biyo la’aan ayaa iskugu darsamay, xoolihiina cudur baa ugu darsamay, gaar ahaan geela, oo la sheegayo inuu kud galay oo todoba neef ayaa u dhintay, waxaanan leeyahay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waa inay si deg deg ah u geysaa tiimkii daaweyn lahaa geela iyo adhigaba, markaas meeshaasi waxa ay u baahan tahay gurmad deg deg ah, markaas waxa aan jooga qurba jooga dibadaha jooga iyo dadka Hargeysa ee ladan inay dadkooda deg deg ugu soo gurmadaan”.

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda oo aanu wax gurmad ah gaadhsiin Gobolka Hawd ayaa yidhi “Waxaad mooda Gobolka inay Xukuumadda Kulmiye cuna-qabatayn saartay, ha noqoto mashaariicdii horumarinta, ha noqoto xaggii biyaha, ha noqoto dhinaca walba, lacagta loogu talagalay horumarka wadanka, in aanay Xukuumaddani shilin kamay siin Hawd, xittaa ceel biyo ayaa ugu yare, lacagta loogu talagalay dhaqaalaha ee dhismaha horumarka loogu talagalay kamuu soo gaadhin Gobolka Hawd, waanu ka aradan yahay, oo xittaa gaadhi yar oo yimid ayaa wixii ka dhacaayey la arkaayey, Kastam ayaa Gobolka ka dhisan Misaan ayaa yaala, Gaadhiga qaadka ee la cashuuray waa kuwii mari jiray xadka, , Gaadhigii oo la cashuuray, oo warqadii loo gooyey ayaa haddana dib abaarso loogu caliyey, markaas Wasaarada Maaliyaddu maxay uga jeeday hawshaas, ma kastam ayaan jiray oo aanay aqoonsanayn mise waa badheedh gooniya.”

Wuxuu sheegay inuu deeq biyo ah dhawaan gaadhsiiyay gobalkaas, “Anigu Toban Booyadood jeebkayga ah oo ii gaar ah ayaan bixiyey, oo aan u geeyey dadka abaaruhu haystaan ee Gobolka Hawd, markaas ninkasta oo Gobolkaas ka soo jeeda waxa aan u soo jeedinaya inay gurmad deg deg la gadhaan dadkooda.

Gobolka Hawd askari ma joogto, Ciidanka Boolisku aad ayey uga yar yihiin, Taliyaha qaybta jooga waa nin waxtar ah, Gobolkuna waa Gobol xad ku yaala, markaas Gobolka iyo Degmooyinkaba waa in Ciidanka loo badiyaa, waayo waxa aad arkaysaa Ciidanka Liyuu Booliska oo xadka labaatan km iska soo galaya, haddii markaas aanu Ciidan hagaagsani joogin waa dhibaato, markaas Taliyaha Ciidanka Booliska ee xadka Salaxlay ilaa Bali Cabane waa in booliska loo kordhiyaa,dhanka kale Badhasaabkii, Baddhasaab ku xigeenkii iyo Xoghayihiiba ma joogaan Gobolka Hawd,kama hawlgalaan, waxa jooga oo qudha Maayarka, markaas waxa cad in Xukuumaddani wax dan ah aanay ka lahayn Gobolka Hawd.”

Xigasho geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories