HomeSIYAASI AAN LA SIFAYN KARIN

SIYAASI AAN LA SIFAYN KARIN

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wuxuu leeyahay laba sifo oo isku soo horjeeda, aadna u kala duwan. Wuxuu leeyahay samaan iyo xumaan isku-dhafan. Waa xariif midabyo badan, balse aan lahayn meel loogu soo hagaago. Dhanka wanaag marka laga joogsado, waa madaale karti badan awoodna u leh in uu dhawr cisho shaqeeyo nasasho la’aan, iyada oo aan marnaba laga dareemayn habyaraatee wax daal ah. Waa hadal-yaqaan ilaahay ku manaystay xus iyo xusuus xad-dhaaf ah, hibona u leh in uu aragtidiisa bulshada u sharaxo, sidoo kalena beerlaxawsan kara. Maaha qaba qaad u sujuuda madaxda xilka haysa, wuxuu ku qancsan yahay waxa ilaahay u qoray in uu meelna ku seegayn, helina doona goor ay ahaataba. Waa bulshaawi aanay
habayaraatee jirin islaweyni, kibir, aftaag iyo fatoosh. Kuna dedaala qof kasta in uu qaabilo oo uu dhegaysto, islamarkaana qanciyo.

Hibadaasi ilaahay ku manaystay hadduu si habboon u adeegsan lahaa waa hubaal in uu naftiisa iyo dalkiisaba horumar baaxad leh ku tallaabsan lahaa. Marka dhanka xun laga eego waa shakhsi aan diinta islaamka ku fiicnayn kuna soo koray kelinnimo iyo ciilqab, wixii gef ah ee hore loogu geystay, uurkana ku haya. Manhajkana ugama jirto in uu iloobo, waxaana ka mid ah xigmadiisa halku-dhiga ku salaysan caaqiido xumo ku aroorta cuqdad taaso biyo-dhaceedu yahay “Never forget never forgive.” Waxna ha iloobin, waxna ha cafin. Mar waa gob una abaalguda qofkii in yar mustaqbalkiisa waxa u taray, marna waa uur-ku-dhogorle aan iloobin wixii xumaan lagu sameeyey, kana ficil qaata.

Gabadh markuu yaraa jacayl xagiisa ka yimid la qaadan weyday, wuxuu ka aargoostay 50 sannadood ka dib, markii uu awood u helay, aakhirkiina birta ayuu dhaafiyey. Markuu bannaan joogay wuxuu ka dhuubnaa miiq dun ah, balse maanta wuxuu ka naaxay kalyaha sidii gofone dhiig ka jaqay neef xoolo ah. Markii hore wuxuu ahaa halyey haybad sare oo lagu soo hirto, cidna aan u habran, maanta se waa maangaab aan waxba odoris Karin, oo calooshii la ciyaar noqday. Markuu siyaasadda dibada ka joogay wuxuu ahaa waddani dalkiisa jecel, balse maanta wax kasta wuxuu ku dhaafaa maxaa iga galay kol haddii aanay aniga I soo gaadhayn. Marna laguma sifayn karo dhammaan tilmaamaha ummadda midkood noqon karo ee kala ah: Waddani ama khaa’in, daljire amma jaajuus, halyey amma habacsane, aamin ama tuug, badbaadiye amma burburiye, samataliye ama dagaal-ooge, indheergarad ama maangaab, caalim ama jaahil, sheekh ama shaydaan.

Marna waa daallin musuqmaasuq iyo tuugo madax martay oo kursi jecel la sakhraamay. Nin ay walaalo yihiin ayaa dukaan haystay, balse markii walaalkii xilka qabtay ayuu beddelay meheradii, waxaanu helay hanti ay ummaddu leedahay oo aanu weligii ku riyoon. Xaaskiisa oo dumarka jaarku ku xaman jireen hebaaloy maanu ninku waxba siin waa tan bakhtiyeysee, maanta laba libaaxna madhin maayaan, oo gurigeeda labada faradadood ayaa la furaa cayilaad awgeed. Waa dhaqan siyaasi iyo caadkii

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories