HomeSiyaasadda Waa Loo Samraa ee Lama Sardhiyo

Siyaasadda Waa Loo Samraa ee Lama Sardhiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

blankQofku rag iyo haween ba in uu damac siyaasadeed yeesho waa wax wanaagsan, waana qariisad rabbaani ah oo dadka qaarkood ku abuuran. Sida ay u kala hanweyn yihiin ayay ugu kala duwan yihiin heerka uu doonayo in uu siyaasadda ka gaadho, ha ku guulaysto ama ha ku hungoobe nin baa ku hamiyaya in uu madaxweyne noqdo mid kale ayaa isagu u xusul duuban in uu noqdo wasiir ama mansab u dhigma.

Ragga damacu shidayo ee meeli u caddahay inta badan way ka fikrado iyo aragti duwan yihiin dadka caadiga ah ee ku qanacsan nolosha caadiga ah; waxa kale oo ay leeyihiin dabeecado lagu garan karo sida firfircooni dheeraad ah, ismuujin iyo in uu hibooyinkiisa soo bandhigo sida kartidiisa, intelligence-giisa, akhlaaq wanaag run iyo is yeel yeel mid ay ka tahay ba si uu u soo jiito dareenka bulshada ama loo arko in uu yahay qof masuul ah oo xil weyn qaadi kara ama la dooran karo.

Haddii ay waxbarashadiisu ka hoosayso heerkii loo baahna wuxuu ku dedaala in uu kor u soo qaado ilaa heer la aqbali karo, xataa haddii ay da’diisu weyn tahay kama xishoodo in uu noqdo arday si uu yoolkiisa u gaadho. Wakhtigiisa inta badan wuxuu isku mashquuliya arrimaha siyaasadda, wuxuu jecel yahay in uu ku daydo hoggaamiyeyaal hore iyo kuwo hadda jooga oo uu siyaasadahooda ama aragtiyahooda la dhacsan yahay.

Shuruudaha aynu soo sheegnay ee kor ku xusan waxa ka muhiimsan siyaasigu in uu fahmi karo, saadaalin karo, xisaabin karo wakhtiga ku haboon ee shaacinta damaciisa, si kale haddii aan u dhigno waa in uu leeyahay garasho iyo garaad wacan oo uu isku garab dhigi karo fursadaha uu haysto iyo caqabadaha ka horiman kara si uu ugu go’aan qaato in uu ku dhiirado in uu galo tartan adag ama uu dib uga joogsado iskuna diyaariyo tartamada dambe iyo wakhti kale; hase yeeshee siyaasiyiinta qaarkood waxay ka degdegaan xilliga oo iyaga oo aan ka fiirsan ama aan si fiican u darsin gedgeddoonka waayaha siyaasadda iyo xaaladaha dhabta ah ee jira isku soo tuura miidaanka ciyaarta oo aanay meeli uga bannaanayn.

Khaladaadkan oo kale waxa sameeya ragga aan hore u soo jabin oo siyaasadda ku cusub ama aan lahayn khibrad iyo waayo-aragnimo ku filan. Sidaa daraadeed guuldarro aan lagu talo gelin waxay ku keentaa niyad jab iyo in uu ka siibto sallaanka ama gebi ahaanba ka baxo saaxadda siyaasadda oo haddii uu u samri lahaa mustaqbalka heli kari lahaa fursado fiican oo uu ugu cararo mansabkii uu ku tamaayay, waliba waxa laga yaaba in dadweynuhu iska illaawo ama ka saamaxo khaladaad hore oo aad ummadda ka gashay.

Si kastaba ha ahaatee culimada cilmiga siyaasaddu (Political Science) waxay ardaydooda kula sii dardaarman samirku in uu yahay siyaasadda rukun u muhiim ah, sardhiga iyo fudaydkuna ka reebban yahay.

Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories