HomeSiyaasadda Soomaalida Iyo 2015

Siyaasadda Soomaalida Iyo 2015

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sannadkii tagay ee 2015 dunida iyo soomaalidaba waayo badan buu u lahaa. Guud ahaan duruufaha nololeed iyo siyaasadeed ee dhulalka soomaalida Geeska Afrika wax weyni is ma bedddelin; wax badani ma wanaagsanaan.

1) Jamhuuriyadda Soomaalilaand shacbigeedu waa ay ku mintideen ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, dhinac walba. Waxaa se dhacay masiibooyin dawladeed, oo ay ka mid ahayd dadweyne badan oo ay dawladdu laysay. Ta u gu sii darani waa baajinta doorashooyinkii dastuuriga ahaa ee Madaxtooyada iyo Wakiillada, baajintaas oo ahayd awood ay si gunnimo iyo budhcadnimo ah u gu tagrifaleen kooxo is bahaystay oo haysta awoodda dalka, kuwaas oo dantooda qofaf ahaaneed ka doortay danta guud ee umadda iyo aayaheeda.

Maamul xumada, sharci darrada, daacad darrada, iyo musuqa (oo uu dadweynuhu ku sifeeyay bililiqo), wax ay saadaal xun ka bixinayaan mustaqbalka Soomaalilaand. Siyaasadda xisbiyadu sida ay u socoto ayaa tusaale u ah ayaxa Siilaanyo eesha uu ka tagayo. Durba lacagtii umadda ee masuulka la ga ahaa ayaa xisbiyada la gu ka la laaluushayaa.

2) Soomaaliya sannadkan xaalkeedu wax uu ku idlaaday jugjug meeshaada joog, oo la mid ah labadii sannadood ee ka sii horreeyay. Sidii loo ga gudbi lahaa foolxumada 4.5, sidii loo macnayn lahaa habka Federaalka, iyo sidii loo gaadhi lahaa doorasho dadweyne 2016, intiiba caawa faro madhan baa la ga joogaa. In ay sidaa noqoto, oo ay dawladnimada Soomaaliya sannadkan sii hagaasto, waxaa u sabab ah xilgudasho la’aan ku jirta masuuliyiinta haya xilka (heer federaal iyo heer gobol). Daacad darro iyo karti darro mid ay ahaataba, natiijadu weli waa tii sannadkii hore.

Maamul goboleedyada hoos yimaadda – ay ahayd in ay hoos yimaaddaan – Dawladda Fadaraalku, sannadkan wax ay u dhaqmeen si aan habboonayn oo duminaysa dawladnimada sideedaba. Gaar ahaan Butlaand iyo Jubbalaand wax ay is ka dhigeen sidii ay yihiin dawlado ka madaxbannaan Dawladda Soomaaliya. Cabdiweli Gaaas iyo Axmed-Madoobe labadooduba wax ay bulshada dhexdeeda iyo dunidaba isu tuseen in ay awoodda Qaranka ku la loollamaan madaxweynahooda Xasan Sh Maxamuud. Dhaawac halis ah ayay taasi ku ahayd Dawladnimada Soomaaliya ee habeen iyo maalin la ga hadlayo

3) Ismaaciil Cumar Geelle, kelitaliyaha ku ibtiloobay talada dalka Jabbuuti, sannadkan mar kale wax uu mujiyay xilkasnimo darradiisa ku saabsan danayn la’aanta aayaha dalkiisa. Si la mid ah saddexdii siyaalood ee uu hore u sameeyay, wax uu yidhi aniga ayaa madaxnimada u sharraxan, oo macnaheedu yahay, aniga ayaa mar kale madaxweyne noqonaya, waayo ma jirto awood isaga oo kelitaliye ah la tartami kartaa. Durba dhiig buu ku fooldhaqday oo dad buu gumaaday. Haddii aan qofkaa bahaloobay dabar la gu xidho loo helin, Jabbuuti balaayo ayay rimman tahay.

4) Soomaali-Galbeed, sannad kale waxaa sii socota rumoobidda riyada Xabashida ee ah in ay dhulka soomaalida ku gumaysan karaan adeegsiga dad soomaaliyeed oo iyaga eey u ah. Ina Cabdi-Iley iyo maamulkiisu wax ay guteen xilkaa taariikhiga ah, wax ayna noqdeen eey dadcun ah, cidda ay cunaanna tahay soomaalidooda. Xaaladdani shaki la’aan sannado badan oo soo socda waa ay sii jiraysaa marka la eego duruufaha caalamka ka jira.

5) Dhulka Soomaalida ee Kiiniya Haysato (NFD), falalka waallida iyo gawraca bahalnimada ah ee al-Shabaab ka geysatay aad buu u xumeeyay nolosha bulshada gobolkaa. Taa Maamulka Kiiniya wax uu ka dhigtay fursad uu dadka soomaaliyeed ee dhulkaa ku dhaqan dhiiggooda iyo sharaftooda ku bannaysto. Foolxumooyin waaweyn oo la qariyo ayaa caawa gobolkaa ka socda, taas oo ay taariikhda bani aadamnimadu ka yalaalugoon doonto.

Xilligan ay umadda soomaalidu bani aadamnimada ka ga jirto meesha u gu hoosaysa, waxaa jira nin u dhashay soomaalida Kiiniya oo aan hubo in uu ku hadhi doono taariikhda wanaagsan, ninkaas oo ah mudane Faarax Macallin. Soomaalida xilalka siyaasadeed haysa oo dhan haddii la is ku wada daro, ma yeelan karaan gobannimada iyo garashada uu ninkaasi lee yahay. Qofka moodaya bulshada soomaaliyeed ee ay Kiiniya haysataa in ay tahay bulsho mugdi ah, ha iftiinsado Ilayska Faarax macallin muxaaddarooyinkiisa iyo waraysiyadiisa olkomaya.

Dunida guud ahaan sannadka dhammaaday anigu wax aan u arkaa in uu u ahaa sannad aad iyo aad u digo kulul. Masiibooyin iyo gumaadyo badan baa dhacay: Soomaaliya, Kiiniya, Itoobbiya, Carab inteeda badan, Afgaanistaan, Afrikada Dhexe, Nayjeeriya, Maali, Muslinka Kamboodiya, iyo meelo kale oo badan.

Kacdoonkii Guga Carbeed weli wax uu ku sii dhex jiraa abaar iyo oodalullul, kolka la ga reebo Tuunis… Laakiin Kacdoonka Guga Carbeed waa taariikh ay dhacdooyinkeedu weli socdaan oo aan la qiimayn karin; dhab ahaantii waa taariikh muddo dheer isbeddelkeedu sii socon doono, da’deennan oo aan dunida ku noolayn ayaana raandhiiska la arki doonaa.

Anigu qof ahaan, mar haddii aan wax qoro, dhammaadkan sannadkan wax aan dhulka isu dhigayaa dadka aadka u badan, siiba dhallinyarada waxbaratay, hadalkooda joogtada ah ee aanan ka wada jawaabi karin ee odhanaya ”fikirkayga aad baad u saamaysay”. Mahadnaq guud ka dib, i ga rumaysta dhallinyaroy, anigaba maalin walba in aad fikirkayga saamaysaan, sidaasna aan abaal iyo mahadnaq idiin wada hayo.

– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Siyaasadda-Soomaalida-Iyo-2015-%E2%80%93-Qalinkii-Ibraahin-Yuusuf-Axmed-Hawd.html#sthash.L9IYoN7q.dpuf

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories