HomeSiyaasadda Somaliland iyo Saadaasha Mustaqbalka Dhow!!

Siyaasadda Somaliland iyo Saadaasha Mustaqbalka Dhow!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Somaliland waxaa si sharci ah uga jira saddex xisbi qaran oo keliya, mana jirto musharixiin si madaxbanaan doorasho u geli kara xisbi la,aan, hadaba dhowaan markii shirweynaha xisbiga kulmiye qabsoomay, garab ka mid ahina saluugay sida hawsha loo maamulay iyo hogaankaba.

Weji cusub oo siyaasadeed ayaa bilaabmay, waxaana arintaas si dhow ula socdey dadka siyaasada daneeya iyo siyaasiyiinta labada xisbi ee kale WADDANI iyo UCID, waxa aad looga dhursugayaa halka ay sal dhigan doonaan garabka isbahaysiga kulmiye, xisbiga ucid oo xantaa hoose ku kala shakiyey waxa markiiba xilkategis qoray musharixii madaxweyne xigeen ee xisbigaas, hadaba iyadoo aan rajo badani ka muuqan in garabkaasi kulmiye ku sii negaan doonaan, waxa la filayaa inay waddani iyo ucid midkood cududooda ku kordhiyaan, waxa isweydiin mudan midkee u haboon inay geediga ku furaan maxayse ku kordhin karaan labadaba, si kooban hadaan aragtidayda uga jawaabo weydiimahan, an ku horeeyo ucid, xisbiga ucid oo had iyo jeer kaalinta saddexaad gala hadii ay isbahaysigu ku biiraan, marka koowaad waxay wiiqayaan taageeradii xisbiga kulmiye,

Waxay sidoo kale wajahayaan dildilaac ay xisbigaa ku kala gurtaan musharaxa iyo gudoomiyaha oo aan haatanba isu laabfurnayn midkooda jagada baneeyaana awoodii xisbiga sii laciifin karo, rajada guul loogu filaa ucidna ma badna maadaama uu xisbiga saddexaad yahay xaga taageerada, hadaba xisbiga waddani oo taageeradiisu lixda gobolba si mug leh uga muuqato, waxay isbahaysiga guul u tahay inay ku biiraan, laba sababoodba waa mida horee waxay la geli karaan heshiis aan madmadow lahayn oo mustaqbalkooda dhow hiil u ah haday taageeradooda ku biiriyaana waa hubaal inay talada waddanka hantiyaan marka la eego taageerada muga leh ee waddani haysto iyo cududa ay iyagu kala soo jabayaan xisbiga kulmiye waa mida labaade waxay ka heli karaan boosas culus iyadoo ay daaqada ka saari karaan rag aan taageero buuran lahayn oo kuraas sare fadhiya sida gudoomiye xigeenka waddani axmed muumin seed iyo xoghayaha guud maxamed cabdilaahi uurcade, waxay sidoo kale ka guulaysan doonaan muuse biixi oo ka dhega adaygay inuu cududaa aqoonsado, hadaba xisbiga waddani waxa u taala siduu ragaa ku soo xero gashan lahaa kuraasta ay calmadaana ugu hagarbixi lahaa, sidoo kale garabka isbahaysiga kulmiyen waxaa u taal siday isu muujin lahaayeen xisbiga waddanina wax ugu darsan lahaayeen dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa.

 

Bashiir Cumar Geele (Xiddig)

Hargeisa, Somaliland.

Alahayoow sidii khayr leh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories