HomeSiyaasadda Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Gorfeeyey

Siyaasadda Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Gorfeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu gorfaynayo Siyaasadaha Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa dib-u-eegis lagu sameyn doona qaar ka mid ah hab-raacyadda iyo siyaasadaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire,Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aaden,Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Salaf, Wasiir xigeenka Arrimaha dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda, Wakiilada Somaliland ee caalamka qaarkood, Marwo Edna Adan, khubaro kale iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha dibedda.

blankAgaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibedda Siciid Axmed Cabdikariin oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in lagu faaqidi doono dokumentiyo Wasaaradu diyaarisay,si ka qeybgelayaashu fikirkooda ugu kordhiyaan.

Md.Siciid Axmed Cabdikariin ayaa sheegay in Wasaaradu diyaarisay afar dukumeenti oo muhiim ah, kana mid yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland (Somaliland Foreign policy), Xeerka shaqaalaha arrimaha dibadda Somaliland (Somaliland Foreign Service Act), Hagaha Safaradaha Dibadda ee Somaliland (Somaliland Foreign Mission Act) iyo Siyaasadda Isgaadhsiinta (Communication Act).

Marwo Edna Adan Ismaaciil oo madasha ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay kaalinta Wasaaradu ugu jirto Qaranka iyo caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxaanay tidhi waxaan u baahan nahay in dhammaan waddamada caalamka aynu dar-dargelino sannadka cusub si aynu u soo xaqiijino xuquuqda caalamka inagaga maqan.

blank“Waxaynu u baahanay labada boqol (200) ee dal ee adduunka ka jira inaynu gelino dardar dheeraad ah oo xaqii inaga maqnaa oo ah aqoonsiga, sannadkan cusub (2023) ee fooda inagu soo haya,inaynu ku soo dhacsanno, oo xaqiijinaya inay Somaliland tahay dal jira ”. Ayey tidhi Marwo Edna Aaden Ismaaciil.

Wasiirka Maaliyadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shirkaasi ka hadlay ayaa ku dooday in loo baahan yahay diyaarinta qorsheyaal, istraatiijiyad iyo hal-beegyo, sannad walba lagu xisaabtamo.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa raaciyey in sababta aqoonsi loo heli waayey iyo dalalka ugu dhow aqoonsigeena jawaabahooda waa inaynu qorshe ka yeelano.

“Waxaynu u baahanay inaynu yeelano qorshe iyo istaraatijiyad, iyo hal-beegyo, sannad walba aynu ku xisaabtami karno halka aynu ka joogno. Labada Su’aalood ee ugu badnaa waxay ahaayeen maxaa laydiin ictiraafi-waayay? Yaad umaleynaysaan inay idin ictiraafayaan?”.Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

blankWasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadam Cilmi oo hadal ka jeediyey in khubaro kala duwan talooyin dhaxalgal ah soo jeediyeen, isla markaana waxuu ku amaanay madaxda Wasaarada Dibedda dedaaladooda.

Safiir Adan Muuse Jibril oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in wax baddan Somaliland u qabsoomeen la innagu amaano, uguna weyn tahay nabada oo dib-u-heshiisiin ku timi, maadama nabad aan dib-u-heshiisiin ku dhisnayn aanay dunnida sadexaad ka hirgelin.

Wasiir xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac oo kulanka furay ayaa sheegay in siyaasada Arrimaha Diebdda marka laga hadlayo tahay shaqo guud iyo siyaasad wadareed, maadama masuuliyada ugu weyn tahay sidii aynu Qaran caalamka ka mid ah u noqon lahayn.

Md. Cabdinaasir ayaa sheegay in muhiimadeena ugu weyn tahay sidii aynu u saxi lahayn khaladkii aynu lixdankii galnay ee sida fudud gacmaheena uuga baxday gobonimadii iyo dawladnimadii aynu haysanay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories