HomeSIYAASADDA MAALIYADDA IYO KAALINTA AY KA QAADATO HORUMARKA DHAQAALAHA

SIYAASADDA MAALIYADDA IYO KAALINTA AY KA QAADATO HORUMARKA DHAQAALAHA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(QAYBTII 1AAD)

Hannaanka waddan kastaa u maamulo maaliyaddiisa iyo siyaasadda uu u dajiyaa waxay door weyn ka ciyaartaa kobaca dhaqaalaha ama dib u dhac dhaqaale oo dalkaas ku yimaad. Maamulka maaliyadda waxa maaraynteeda u xil saaran wasaaradda maaliyadda, ahmiyadda siyaasadda maaliyadda laga leeyahay ayaa ah in la dhiirrigaliyo kobac dhaqaale oo hannaqaada. Inkasta oo siyaasadda loo marayo si kobac dhaqaale oo sugan loo helo ayey waddamadu ku kala duwan yihiin, haddana marka dhaqaalaha laga hadlayo waxa jira qodobo laga siman yahay. Qormadeenana waxaynu ku soo qaadan doonaa dhawr qodob oo laf dhabar u ah siyasaasadda maaliyadda.

1. In la kordhiyo heerka maalgashiga (To increase the rate of investment) ujeedada uguweyn ee ay siyaasadda maaliyadda, waa in la dardar galiyo heerka maalgashiga taas oo dhabada u xaadhaysa in la gaadho kobac dhaqaale oo isku dheeli tirin oo ka yimaadda dhanka dawladda iyo dhinaca bulshada ba, qodobkani wuxuu dib u habayn ku leeyahay heerka maalgalinta ee dawliga ah, habaynta kuwa gaarka ah iyo qorsheyntooda, waxa sida oo kale iyadu na meesha ku jirta dhimista cashuuraha maalgalinaha mihiimada gaarka ah leh.

2. Dhiirrigalinta maalgalinta bulshada (To encourage socially investment) si horumarka dhaqaalaha loo tiigsado waxa ay siyaasadda maaliyadda lagu dhiirigaliyaa addeegyada bulshada sida, tayeynta caafimaadka, kobcinta waxbarashada, horumarinta waddooyinka, is gaadhsiinta, biyaha, laydhka , abuurridda suuqayada ganacsiga iwm. Dhammaan adeegyadan aynu xusnay iyo wixii la hal maalaba waa kuwo kama kacdo u ah bulsho kasta iyo qaran kasta ba.

3. Kobcinta fursadaha shaqo abuurka (To increase employment opportunities) ahmiyadaha laga dheefo siyaasad maaliyadeed qorshaysan ayaa ah in la abuuro fursado shaqo lagu na dhimo shaqo la’aanta, si loo abuuro fursado shaqo waa in maanka lagu hayaa kharashaadka dawladdu inay noqdaan kuwo ku salaysan inay kobciyaan baahiyaadka aasaasiga u ah bulshada iyo maalgalintooda taas oo lagu jaan gooyo qorshaha mustaqbalka dhaw iyo kuwa mustaqbalka dheer. Inta badan waddamada dib u dhaca dhaqaale ka jiro, bulshadooda ugu badani waxay ku nooshahay dhulka miyiga ah, sidaa darteed waa in lagu saleeyaa sidii halkooga lagu gaadhsiin lahaa kaabayaasha aasaasiga u ah, halka kuwa magaalooyinka ku noolna ay tahay in la dhiirrigaliyo suuqyada ganacsiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka waddanka.

4. Kor u qaadidda xasiloonida dhaqaalaha ( Promotion economic stability) si uu macquul u noqdo kobaca dhaqaale ee la doonayo in la gaadho waxa lagama maarmaan ah in siyaasadda maaliyadeed ay noqoto mid ku salaysan feejignaan laga feejignaanayo baaxad deg ku yimaadda dhaqaalaha iyada oo lagu xisaabtamayo suuqa gudaha iyo kuwa dibadda ba, si looga diyaar garoobo in hoos u dhac maaliyadeed lagu dhaco.

5. In laga hortago sicir bararka (To counteract inflation ) tiir dhexaadka laga leeyahay siyaasadda maaliyadda ayaa ah daweynta iyo indho ku haynta sicir bararka oo ah cudur aafo ku ah kobaca dhaqaalaha, ahmiyadaha ugu waaweyn ee laga dheefo siyaasad maaliyadeed caafimaad qabtaana waa kobac dhaqaale oo la gaadho, sidaa darteed siyaasadda maaliyadeed waa in ay noqotaa mid u ah dawo irbadeed sicir bararka taas oo noqonaysa in la isku dheelitiro baahida suuqa iyo dalabka suuqa ba iyada oo la garabsanayo hanaanka lacageed ee baanku masuulka ka yahay. Iyada oo laga duulayo arrintaas waxa mihiim ah in la sameeyo dhawrkan qodob……………

La soco qaybaha dambe

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories