HomeSiyaasadda iyo Salaadiinta Casriga ah

Siyaasadda iyo Salaadiinta Casriga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Markii Ingiriisku dalka yimid wuxuu wada xaajood la yeeshay Salaadiinta Soomaalilaan wuxuu markiib u bilaabay inuu siiyo mushar badan, si aanay Beelahoodu ugu kicin gumeysiga. Waa tii Soomaalid hore u tidhi” Af wax cunay xishoo.” Markaa wixii hawl ah ee gumeysigu doono ee dhinaca Beelaha ah wey fulin jireen. Markii aynu calanka qaadaynay dawladihii rayidka ahaa ee kala dambeeyey iyo weliba xukunkii Kacaankii Maxamed Siyaad waxa jiray saluug ay mar kasta ka dhexjiray bulshada, taasi oo ay buuxin jireen Salaadiintu. Saluugaasi wuxuu salka ku hayey tabashooyin ay tirsanayeen Beeluhu dhinaca siyaasadda.

Sidoo kale waxa ay xallin jireen is-maandhaafka siyaasiyiinta, oo aan ku kala bixi jirin xeerarka qornaa ee distoorka ku yaala. Soomaalida oo dawladnimadu ku cusbayd iyo dhaqankii Baadiyaha oo soo galay magaalooyin aanay hore aqoon iyo ab ugu lahayn, ayaa bulshadii Soomaalilaan ku riday jahawareer. Dawladihii hore waxa ay salaadiinta u adeegsan jireen in ay xalliyaan dhibaatooyinka ku salaysan xeerarkii Baadiyaha, balse ay faraha kala baxaan waxa aan loo hayn xeer miyi, oo dawladaha loo daba-fadhiisto. Waxa xusid mudan waxa Soomaalilaan ka jiray Salaadiin kooban, oo aan ahayn kuwan wakhtigan faraha ka baxay, waxa aynu ka xusi karnaa. Saddex Suldaan guud iyo laba Garaad, kuwaasi oo kala ahaa, Suldaanka Guud ee Habar-awal, Suldaanka Guud ee Garxajis, Suldaanka Guud ee Warsangeli, labada Garaad Guud ee Dhulbahante,  Suldaano ka tirsan Samaroon iyo Ugaaska Ciisaha.

Isku Daygii Samaynta Gole Salaadiin ah 2001-dii

Koox ka mid ah salaadiinta Soomaalilaan oo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaan Xaddi, Suldaan Axmed Sheekh, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani Iyo Suldaan Barre Xaaji Xuseenoo shirkani ka dhacay gurigiisa, kooxdan salaadiintu waxa ay doonayeen inay samaystaan Gole-Salaadiineed oo ay ku bahoobaan dhammaan salaadiinta soomaalilaan, balse xukuumadii Cigaal ayaa arrintaasi ka hor-joodsatey kuna dooday inaanay sharciga waafaqsanayna in la sameeyo gole salaaddin ah.

Waxa ay xukuumadu soo daliishatay in dastuurka Soomaalilaan sheegayo in dalka uu ka jiro saddex gole oo sharci ah, sida Golaha Xukuumadda, Golaha Barlamaanka iyo Golaha Guurtida, laakiiin ay sharci daro tahay in la sameeyo gole afraad, oo dastuurku xaaraantinimiyeeyey , iyadoo xaaladu halkaasi marayso oo salaadiintii ku adkaysanayaan inay samaysanayaa gole, ayey xukuumadii Cigaal amar ku bixisay in  la soo xidh-xidh kooxdan. Bishii ogoste ee sannadkii 2001-dii, salaadii hore ayey ciidanka Boolisku weerar ku qaadeen, gurigii Suldaan Barre, oo saldhig u ahaa Salaadiinta. ciidan beeleed ilaalinaayey salaadiinta iyo booliskii ayuu dagaal dhexmaray, markii in muddo ah la isku haystay guriga ayey u suurto gashay ciidankii boolisku inay xoog ku galaan guriga, ka dib ay qab-qabtaan  qaar ka mid ah salaadiinta , halka qaar ka mid ahina ay ka  baxsadeen guriga, ka hor intii aanu Boolisku qabsan. Markii la wada maqlay dhacdadaasi ayey Golihii Guurtidu shir ay yeesheen ka dib waxa la go’aansaday in ergo loo diro kooxdan salaadiinta ah iyo xukuumada oo la soo af-jaro, halkaasi waxa lagu soo gebogabeeyey khilaafkii. Aakhirkii qorshahaasi wuu fashilmay.

Shaqada Salaadiintii Hore

Shaqooyinka ugu mihiimsanaa ee salaadiintu u hayeen Beelahooda waxa aynu ka xusi karnaa:

v  Xallinta colaadaha iyo ka shaqaynta nabadda beelaha dhexdooda ka dhex-dhaca

v  Ka dhex-shaqaynta isku dhacyada dhexmara Beeshiisa gudaheeda iyo Beelaha kale

v  Soo ururinta magta Beeshiisa dhexdeeda lagu leeyahay iyo soo xaraynta magta ka maqan beeshiisa

v  Wuxuu lahaa awooda go’aan ka gaadhista wixii la isku qabsado, waxaanu ciqaab marin jiray ciddii aan garta qaadan.

Shaqada Salaadiinta Casriga Ah

Salaadiinta casriga ahi waxa ay heleen fursado aanay haysan kuwii iyaga ka horeeyey, ama ay ka dhaxleen saldanada. Markii laga yimid xeerkii dhaqanka baadiyaha ee magaalooyinka la soo galay, waxa soo baxay shaqooyin cusub oo hawsheeda leh. Shaqooyinka ay qabtaan Salaadiinta casriga ahi waxa ugu mihiimsan

v  Waxa ay bakhtiyaan rabashada siyaasadeed ee ka dhaca dalka. Waxa aanay ku xaliyaan isu-tanaasul, xeer jajab iyo duco qaado. Waayo xeer dhaqankii Baadiyuhu kama shaqaynayo magaalooyinka iyo nolosha casriga ah

v  Waxa ay xaliyaan dhibaatooyink ay soo kordhisay magaalooyinka, sida, Dhac ku salaysan qaab casri ah, kufsi casri ah, dhibaatooyin ay keentay Tiknoolajiyadu, Tuugo aan hore arag nooceeda, dil-siyaasadeed iyo af-duubka kooxaysiga.

v  Kala saarista siyaasiyiinta damacyo kala duwan leh iyo furfurida Fajida ay isku aasaan. (Faji waa eray suuqdi ah oo la micno ah shirqool hoose).

v  Shaqo geynta aqoonyahanka Beeshiisa, isagoo gacanta haya ayuu wasaarad kasta iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay u geynayaa.

v  Xil-u-raadinta siyaasiga Beeshiisa. Suldaan sita C.V-ga aqoonyahan Beeshiisa ah oo Madaxweynaha u geynaya si xil loogu magacaabo.

v  Waxa ay horkacaan mashruuca loo yaqaan WEJI KU MACAASHKA marka Madaxweynaha loo kordhiyo mudada, waxa ay qabtaan shirar lagu taageerayo muddo kordhinta xukuumada wakhtigaasi jirta.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

calicoomay@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories