HomeSiyaasadda iyo Dhallinyarada Somaliland! Bilow Fiican!! - W/Q. Cabdirashiid Jeeni

Siyaasadda iyo Dhallinyarada Somaliland! Bilow Fiican!! – W/Q. Cabdirashiid Jeeni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

– Hordhac.

In kasta oo ay qiraal tahay in xisbiyada Somaliland ay weli yihiin kuwo yeelan kara astaamo ah in qabiilku si xooggan uga dhex shaqeynayo, haddana saamaynta isu-muuqashada ku dhisan qabiilku waxay hadda ka hor ahaan jirtey mid soo yaraaneysa. Laakiin, beryahan waxa soo baxaya astaamo muujinaya in afkaarta hagaysa taageerayaasha xisbiyada (gaar ahaan Dhallinyarada baraha Bulshadu) noqdeen kuwo u eg dhufays qabali ah, waxa muuqata in dhallinyaradu aad ugu kala fogaaneyso kuna sifoobeyso kuwo difaacaya wax ka duwan wixii aynu xisbiyada u samaysanney.

JeeniMaxaynu Xisbiyada u Samaysaney?

Mar walba waxa dagaal ku jira aqoonta iyo aqoon darrada, aqoon-darradu waxay weheshataa qabiilka, ma leh tol iyo xigto kale, aqoontuna waxay kaashataa fekerka iyo ilbaxnimada. Manhajka siyaasiga ah ee ku salaysan xisbinimadu waa mid u hiilinaya dhallinyarada (oo badankoodu ah dad aqoon leh), uguna hiilinaya in ay soo bandhigaan aqoontooda, waa haddii ay sida saxda ah u adeegsadaan manhajkaas. Dabcan hiiraalka fog ee xisbiyadu waa in lagaga boxo qabyaaladda, bulshaduna noqoto mid ay aragtida saliimka ahi mideyso, aqoontuna hagto. mar kasta oo xisbiyadu u muuqdaan kuwo mideynaya bulshada, waxa wiiqmaya kuwa ku adeeganaya qabiilka, waxayna dan u tahay inteenna da’da yar ee aqoontu hiilka u tahay, taas baa abuureysa is-jacaylka bulshada oo ah sawirka guud ee aynu xisbiyada u samaysannay. Xisbiyada waxaynu u samaysannay in innaga oo kala aragti duwan aynu isku oggolaano iskuna jeclaanno.

Ma Sax Baa Doodda Odhanaysa Dhallinyaradu Xisbiyada/Siyaasadda Ha Iska Daayeen?.

Sidaan hore u sheegay aqoonta iyo aqoon-darradu waa is-riixayaan, kaadirka aqoon-darradu marba wuxu la yimaaddaa qorshe uu aqoonta iskaga celinayo, tan ah in dhallintu siyaasadda ka fadhiisato waa is-riixii oo nooc cusub ah.

Siyaasaddu waa noloshii bulshada, bulshadu waxay ubaahan tahay caafimaad, waxbarasho, dhaqaale, aqoonsi, iyo ammaan IWM, dhammaan arrimahani waxay u baahan yihiin cilmi cusub iyo shaqo cusub, mar kasta oo dadka kuwaas ka shaqeynayaa noqdaan dad aan aqoonteedii lahayn, waxa imanaya caafimaad-xumo, aqoondarro, dhaqaale-xumo, aqoonsi-la’aan, iyo amni darro. Haddii aynu ka- dhallinyaro ahaan arrimahaa isu taagi weyno; sow innagu jahliga fursad maynu siin? Sow innagu jabkaa qayb kama nihin. Dhanka kale, mar kasta oo uu jahliga ama dadka fekerka qalloocaa ku badtaan suuqa siyaasadda, maxsuulka siyaasiga ah ee aad halkaas ka filataa waa gurrac siyaasadeed, go’aammo qalloocan, fashil iyo horumar la’aan.

Waxa tusaale kuugu filan doorashadii Golaha Deegaanka ee ugu danbeysey, waxa la furay dabarka siyaasiga ah ee dhallinyarada ka hor-joogey in ay soo galaan siyaasadda, balse markii tartanku furmay waxa soo baxay oo xildhibaanno noqday dad u badan dhallinyaro, dhallinyaradaasi may ahayn kuwii saxda ahaa ee waxa soo saaray suuqa siyaasiga ah oo hore u dheelliyayey ayna ka buuxeen dad aan aqoon siyaasi ah iyo aragti toonna lahayn, kuwaas ayaa qaadtay magicii dhallinyarada isla markaana abuuray sawir xun oo ah in markii dhallin la doortay ay sidaas xun wax noqdeen. Laakiin runtu waxay tahay taas waxa keenay dadkii dhismaha qaranka wax ka tari lahaa, dhallinyaradana ahaa oo dib u istaagey, soona geliwaayey siyaasadda, iyo kuwii aan ehelka u ahayn oo hore soo maray. Sidaa awgeed, xalka saxda ahi ma aha in dhallintu ay siyaasadda ka joogsato ama ka baqato.

Muxuu Yahay Xalku Saxda Ahi?, Sidee Looga Baxaa Jaah-wareerkan?, Maxaase Dhallinyarada la gudboon?.

Xalku wuxuu yahay:

  1. Waa in aynu fahamno in Somaliland leedahay cadow badan, isla markaana maalin kasta eegeya gol-daloolooyinka aynu leenahay. Mar kasta oo kala-qaybsanaanteennu sii badato waxa badanaya fursadaha cadowga Somaliland, waxana yaraanaya suurtagalnimada horumarka Somaliland.
  2. Dhallihnyaradu (Aqoon-yahanku) waa in ay xoog u soo galaan, isla markaana dheelli-tiraan suuqa siyaasadda ee hadda u xidhan dadka aan hawlaha dawliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ehelka u ahayn, isuna arkaan masuuliyiintii maanta (maaha kuwa berrito).
  3. Heerka fahamka iyo doodda dhallinyaradu waa in uu ka koraa afkaarta ku salaysan beelaha iyo reeraha, fekerkaas oo ah mid aan dib-u-dhac mooyee aan horumar keeneyn, isla markaana jahligu doonayo inuu ku wiiqo sharafka dhallinyarada. dooddaadu waa in ay noqotaa mid ku salaysan Afkaar, isla markaana laga waantoobo in la gacan-togaaleeyo meelaha hoose ee aan u qalmin garashadeena iyo garaadka ummaddeenna.
  4. Mid kasta oo ka mida dhallinyarada ku jira asxaabta siyaasaddu waa in uu isku dayaa oo ku dedaalaa in uu xisbiga uu ku jiro ka dhexbilaabi karo dareen dhallinyaranimo (aqoonyahannimo) oo ka baxsan fekerka qabiiliga ah ee waxshiga ah, waa la og yahay in ay yaallaan caqabado aad u badan oo kaa hor imanayaa, lana fili maayo isbeddel degdega laakiin yeelo ku-dhiirrasho, iskuna day in aad wax uun ka qabato waajibka guud ee aqoonyahannimo, Somalilannimo.

5.Abuur feker, six or ah u dood, ka-kac gelgelinta qabiilka, una gudub heerka qofnimo ee ku faraya in aad tanaasul samayn karto marka lagaa saxan yahay.

DHAMMAAD

Ramadaan Kariim

Abdirashid Maxamed Aadan( Cabdirashiid Jeeni),

ajeeni@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories