HomeSiyaasadda Dibedda ee JSL: Siyaasad leh ku Dhac, Hadaf iyo Himilo...

Siyaasadda Dibedda ee JSL: Siyaasad leh ku Dhac, Hadaf iyo Himilo Toosan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Eng Hussein Adan EgehMarkii Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay talada iyo hoggaanka dalka la wareegtay (27.7.2010), waxa uu go’aansaday inuu la yimaado Siyaasad cusub oo fur-furan oo ku dhac iyo ku dhiirashoba leh taasoo ummadda u horseedaysa wax kasta oo magac, mansab, maamuus iyo manfacba u leh dalka iyo dakaba. Sidoo kale waxa uu la yimid Siyaasad ay ka go’antahay inay ka dhiidhido wax kasta oo wax u dhimaya magaca, milgaha iyo meeqaamka dalka iyo dadkaba. Xukuumadda hadda talada haysaa waxay la timid Siyaasad ku salaysan wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi. Siyaasad aan sugayn in keliya dunidu iyada ay fahanto oo ay iyada (Somaliland) wax tarto, balse siyaasad diyaar u ah inay iyaduna dhankeeda dunida wax ku soo kordhiso oo ay ka shaqayso xilka ka saaran danaha ka dhexeeya mandaqadda iyo beesha caalamkaba dhan kasta oo ay tahayba.

2. Siyaasad leh Hadaf Toosan iyo Himilo Cad:

M/weynaha JSL Mudane Ahmed M.M. Silaanyo, isagoo haysta kalsoonida shacabkiisa, isagoo kaashanaya khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isagoo ay Xukuumadiisu si cad uga tarjumayso Dareenka iyo Rabitaanka Shacabka Jam. Somaliland, waxa ay Xukuumaddiisu la timid Siyaasad ku dhac leh oo soo jiidatay indhaha iyo dhegaha Ummadda JSL iyo beesha caalamkaba , taasoo ah in Dalka Soomaaliya lala bilaabo wada-hadallo toos ah oo keliya khuseeya Madaxbannaanida iyo Gooni-isu-taagga JSL.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid hadafkii iyo hannaankii Siyaasadeed ee uu Qaranka Jam. Somaliland kula gar-naqsan lahaa dunida. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda dunida ay ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.

Tallaabadan ay qaadday Xukuumadda M/weyne Silaanyo waa tallaabo ku dhac iyo geesinimoba leh oo ay ku dheehantahay Isku-kalsooni, Hawlkarnimo iyo Aragti-dheeri Diblomaasiyadeed, taasoo suurto gelisay in Jam. Somalilanday beesha caalamka ka dhaadhiciso kuna qanciso inaan beesha caalamku isku qaldin  JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwan; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba. Hadafka iyo hannaanka Siyaasadeed ee ay Xukuumadda M/weyne Silaanyo la timid wuxuu ummadda geliyey Rejo,Yididiilo iyo kalsooni, ay ku kalsoonaadaan kuna qanacsanaadaam ahaanshaha umadnimadooda, kartidooda iyo awoodda shacabkooda iyo jiritaanka qarannimada JSL.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silanyo waxay si farshaxannimo leh bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigtay guud ahaan muhimadda iyo qiimaha ayJam. Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaanna sida ay Jam. Somaliland bulshada caalamka wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo sidii xal waara loogu heli lahaa mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya.

Kasbashada Kalsoonida Shacbigu waa Qiimaha ugu weyn ee loo Tartamayo.

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada wax-qabad ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo. Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa la gudboon inaanay taageerada shacbiga u qaadan  mid aan weligeed isbeddelayn oo abadiya ah. Xukuumaddu yeyna u qaadanin in ummadda oo dhammi ay aaminsan yihiin fikir la mid ah ka ay Xukuumaddu aaminsan tahay. Helitaanka kalsoonida shacbigu waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ku loollamaya.

Shaki kuma jiro in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin. Qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u qiri karaa. Waa dhacdo dabiici ah inaan cid waliba ku qanaci doonin horumarka bulsho iyo wax-qabadka uu qaranku ku tallaabsado, guushuna cadow badan ayay leedahay. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo la kulanto carqalado iyo xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, himilo iyo hanqal-taag siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga Jam.Somaliland.

Qof ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somalilandoo dhan ayaa Guulaystay!!

Guntii iyo geba-gabadii; Hanashada quluubta iyo maanka dadweynuhu waa farsamo u baahan hayal-samaan siyaasadeed oo aad u xeerl-dheer taasoo salka ku haysa daacadnimo, runsheegnimo, eex-la’aan, xeer iyo xaq-soor sharci oo loo simanyahay. Xukuumadda waxa la gudboon inay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay shacbiga JSL si miisaan iyo mugba leh ugu gudbin lahayd in horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumaddu ku tallaabsato ayna cidina gaar u lahayn balse iyagu (shacbiga) ay yihiin kuwa leh horumar iyo guul kasta oo Qaranku ku tallaabsado. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waa inay si dhab ah uga hawl-gashaa inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin.

W/Q:|| Eng.  Hussein Adan Igeh || Hussein Deyr || ||Hargeysa, Jam. Somaliland ||

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories