Home"Siyaasadda ceeb kuma aha in aad guuldaraysato, Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah...

“Siyaasadda ceeb kuma aha in aad guuldaraysato, Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah in aad garan weydo sababta keentay guuldaradaada” – Maxamuud Xaashi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Xukuumaddii hore ee Xisbiga KULMIYE Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay loolankii loogu jiray Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, taasi oo lagu kala Calaf-qaaday Salaasadii Toddobaadkan.

Maxamuud Xaashi oo ay siyaasad ahaan isku hayaan Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Dalku ka gudbay loolankii siyaasadeed ee xisbiyada ka dhexeeyay, sidaasi darteed lagu abshiro natiijadii ka soo baxday doorashada.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo Qoraal dheer ku baahiyey Internet-ka ayaa u qornaa sidan:-

blank“Saddexdii bilood ee u danbeeyay waxaa dhexdeena ka socday loolan iyo laacdan siyaasadeed, taas oo salka ku haysay tartankii doorashada golaha wakiillada iyo degaanka ee dalka ka qabsoontay. Eebe mahaddii shalay (Doraad) ayaynu soo gunaanadnay xamaasaddii, xanaftii, iyo xafiiltankii ololaha ee u dhexeeyay qoodha iyo qamaamuurta siyaasadeed ee Qaranka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa doqontu haddii la ficiltamayo, waxay mooddaa in la kala tagayo. Sidaa darteed, maanta laga bilaabo waa inaynu xalay-dhalay ka noqonaa xamaasaddii iyo xagtimihii doorashada.

Maanta mar haddii uu Qarankeenu guulaystay waxaa dhaba in aynu Dhamaanteen guulaysanay. Waxaynu muujinay in aynu nahay ummad bisil, oo leh aragti iyo ujeeddo fog, taas oo aanay kala irdhayn karin olole siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan midina. Waxaynu tusnay adduun-weynaha intiisa kale iyo asaageenba in aynu nahay dad leh dal, diin, dhaqan, kala danbayn, nidaam dawladnimo, dastuur ay ku kala baxaan, duqay iyo waxgarad dhexdhexaadin kara xilliyada aynu noqono laba dhinac oo midba meel ku dhago.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u soo jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland, Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Maxkamadda sare mudane Aadan Xaaji Cali, Xubnaha gudida doorashooyinka Qaranka, Madaxda saddexda Xisbi Qaran, guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, mudanayaasha cusub ee golaha wakiillada iyo dhamaan shaqaalihii golaha wakiillada ee shalay (Dorraad) xilka u gutay sida hufan.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa xubnaha shir-guddoonka cusub ee la doortay

  • Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed (guddoomiye)
  • Mudane Siciid Mire Faarax (gudoomiye ku-xigeenka koowaad)
  • Mudane Cali Xaamud Jibriil (guddoomiye ku-xigeenka labaad).

Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa saddexdii murashax ee aan guulaysan

  • Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
  • Mudane Cumar Jaamac Faarax
  • Mudane Cabdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

Sidii geesinimada, gobanimada, iyo guurtinimada lahayd ee ay u garwaaqsadeen natiijadii doorashada.

Ugu dambayn siyaasadda ceeb iyo cay kuma aha in aad guuldaraysato. Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah in aad garwaaqsan weydo in lagaa guulaystay, ama aad garan weydo sababta keentay guuldaradaada. Guul iyo gobanimo Somaliland”. Sidaas ayuu Maxamuud xaashi ku yidhi qoraalkiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories