HomeSiyaasadda Arimaha Dibada Somaliland Oo Noqotay mid fur furan Isla markaana Kasbatay...

Siyaasadda Arimaha Dibada Somaliland Oo Noqotay mid fur furan Isla markaana Kasbatay Wadamo kala duwan Oo caalamka ku yaala

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Siyaasada arimaha dibada Ee Somaliland ayaa Noqotay shanti sano Ee ugu Danbaysay Mid aad iyo aad Looga sameeyey horumar balaadhan Taasoo keentay in Somaliland ay Cilaaqaadka Siyaasadeed Ee ay la leedahay wadamada Caalamka guud ahaan inuu noqdo mid wanaagsan Oo Dawladaha awoodaha sheegtaa ay Somaliland yaqiinsadeen in uu yahay Dal amaan ah calan iyo Dawladino iyo Nidaam iyo Dimuquraadiyad ka hana qaaday guud ahaanba dalka.

Wadamada jaarka la ah Somaliland Ee Geeska Africa iyo Africa inteeda kale, Kuwaa Qaaradaha Asia iyo Europe, iyo Sidoo kale America intoodaba Somaliland waxaa ay la leedahay Cilaaqaad wanaagsan iyo saaxibtinimo hanaqaaday mudooyinkii ugu danbeeyay Siyaasada Arimaha debedaEe Somaliland gaar ahaan Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku salaysan in Si balaadhan Oo xeeldheer Loo soo jiito indhaha caalamka iyo Dawladaha waawayn Taasoo loo soo bandhigayo inay ka garaabaan Dawladnimada iyo Qaraniimada tisqaaday Ee Somaliland iyo Go’aanka shacabka ee Gooni iskutaaga iyo Midnimada Somaliland.

Iyadoo marwalba Siyaasada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ee Arimaha debeda Somaliland ku Salaysantahay In aqoonsi buuxa laga helo duwalka Caalamka ayaawaxaa la hirgaliyay Xafiisyo iyo Safaarado badan Oo Somaliland ay kasamaysatay Wadamo badan Oo ku yaala caalamka taasoo sharaf iyo karaamayn gaar ah u leh shacabka Reer Somaliland.

Wasaarada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamka Somaliland waa mid marwalba Ku Hawshoon in ay dardar galiso kobcinta iyo Kor uqaadida Siyaasada arimaha dibada iyo cilaaqaadka ay la leedahay wadamada kale ee aduun waynaha Marar badan waxaa Gudaha Somaliland soo gaadha Ambassadoro’ aad u badan Oo dhamaan ka kala yimaada wadama Caalamka kuwaasoo isugu jira qaar kasoo jeeda Dunida muslimka ah iyo kuwa aan ahayn intaba dhamaantoodna waxaa ay danaynayaan in ay adkaato is kaashiga iyo xidhiidhka ay la wadaagayaan Somaliland iyagoo arintaana ku faraxsan.

Somaliland waa wadan ku yaala meel aad u muhiim ah gaar ahan Bariga qaarada Africa Oo dhinaca kasaaran badda cas jaarna la ah wadamo ay aad u saaxiib yihhin Sida Jabouti iyo Itoobiya iyo Sidoo kale wadanka Somaliya mandaqada ay Somaliland ku taalaana waa mid marwalba Xasaasi ah Oo u baahan feejignaan iyo digtooni gaar ah madaama uu Gobolka Geeska afrikada bari yahay mid mar walba Buuqiisa iyo amaandaridiisu ay taagaan tahay Somaliland’na waa la ogyahay nabada iyo amniga iyo Daganaanshaha uu ilaahay ku Galada.

Taasi waxa ay keenaysaa in Somaliland ay noqoto meel lagu soo hirto Guud ahaana wadamada Caalamka ee daneeya Arimaha siyaasada Bariga qaarada Africa ay ku soo Hirdamaan saaxiibtinimada iyo Xidhiidh la samaynta Somaliland Si looga hor tago ariamah amni darada iyo rabshada ah Ee ku dhax wareegaya Gobolka gaar ahaana wadanka Somaliya Oo noqday mid u wiiqmay nabad galyo darro,

Si kastaba ha ahaatee Dawlada Somalilnad Ee Madaxweynaha haatan kayahay Axmed Siilaanyo waxa maaliba maalin hore ugu sii dhaqaaqaysaa dhanka Horumarinta Guud ahaanba dalka gaar ahaana siyaasada arimaha dibada Somaliland taasoo imaka meel wanaagsan maraysa isla markaana Somaliland ay kasbatay Asaxaab badan iyo wadamo kala Gedisan Oo ku yaala daafaha dunidaTaasina waa wax lagu farxo Oo amaan sharaf iyo karaamaba u ah Dawladnimada curdinka ah ee Somaliland barina waxa iman kara horumar hiigsi mustaqbalka ah Oo lagu gaadho guul.

Qalinkii: Umalkhayr Mohamed
Beeldaajisa@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories