HomeSiyaasad ku Salaysan Shillin Urursi ma sii Waarto

Siyaasad ku Salaysan Shillin Urursi ma sii Waarto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Somaliland Waxaa ka jira  xisbiyo kala duwan oo mid walba uu leehay ujeedoyin iyo hadafyo kala duwan oo uu doonaayo inuu kaga dhabeeyo yoolkiisa siyaasadeed kaasoo ku qotoma inuu ku guulaysto hantana maamulka wadanka. Waxaa xisbiyadaa ku lifaaqan siyaasiyiin ah shaagaga uu xisbigu ku socdo oo gooya kolba waxyaabaha ay urkaan inay dadweynaha indhasarcaad ugu dhigaan si ay u hantaan kalsoonidooda waayo waxan siyaasiyiin ama xisbiyo la iskugu magacaabayaa waa in lootashado ama la hantiyo ama lagu danaysto hantida umada ka dhaxaysa iyadoon ujeedada ururadu ujiraan ayna ahayn mid waxqabad laakin ay tahay ana waa markaydii ee aan maalo maandeeq.

Maalmahan danbe waxaa Somaliland ku soo batay suldaano aan tiro lahayn oo maalintii cadeedi soo baxdaba midbaa la caleemosaaraa laakin suldaankaa soo kordhay ujeedadiisu maaha ka qayb qaado xalka ama nabada umada laakin wuxuu usoo cumaamatay inuu hantida umada usoo fuulo si uu salaan ugu noqdo siyaasiga ugu raaska dhaw oo uu doonaayo inuu hantidaa umada usoo ururiyo waxaana inbadan dhacday in masuul hantida umada lunsaday marka xidha la is yidhaado inuu suldaankaasi qayliyo oo uu yidhaahdo reer hebelbaaa loo jeedaa si uu uyool habaabiyo kana difaaco eedaymaha ama musuqa dulhoganaaya ninkaa siyaasiga ah ee uu dirsaday ee ay qaraabada yihiin.

Saaxada siyaasada Somaliland waxaa dhawaan ka dhacday inay wasiiro iyo kuxigeeno ay iscasilaan taasoo uu hal wasiir hogaaminaayey una keenay warka fitnada kiciyey kana dalbaday inay iscasilaad ku caawiyaan maadaama uu isagu marka horeba magacaabistooda qayb ka ahaa anigu  markaan maqlay waxaan iswaydiiyey ninka wasiir kuxigeena ama agaasime ah hadduu shaqadan uu haystay iska casilay ka uu martida unoqondoonaa shaqo tan ka saraysa ma uhayaa mise waa tayda maanta ila xooji taada yeelkeede laakin taasi waxay ka turjumaysaa inaaanay jirin siyaasad cad oo laguwada socdaa ama dadku ay isku aamini karaan marka laga reebo halkeen ka weerarnaa hantida umada ka dhexaysa iyo sidaan dadka u khiyaamaynaa taasoo ay dadka qaarkii uyaqaanaan siyaasad am siyaasiyiin is urursaday laakin ay xaqiiqada jirtaa tahay in ninwalba marka uu xilka uu muda ku taamaayey uu gaadho uu lasoo baxo mididii uu mudada dheer lisanaayey ee ujeedadiisu ahayd kolay gaada buuxso .

Siyaasiga u soo cumaamata inuu hantida umada lunsado isaga oo aan aduunyada korkeeda ku nool oo aan weli ka tegin ba waxaa ka muuqanaysa inuu xanuuno badan oo kale duwan qaado sida macaan ,dhiig kar iyo kuwo kale oo badan iyo caruurtiisa oo noqota kuwo faraha lagaqaad ah waayo qoyskuba waxaa laga yaabaa waxa ay maalin walba quutaan waa xaaraan uu aabuhu soo musuqmaasuqay isagoo aduunyadii jooga oo taas la il daran ayaa waxaa aakhirona udanbaysa cidaab iyo xisaabtii rabi taasoo uu wadiindoono xoolahan uu maanta uruursanaayo iyo halka uu ka keenay iyadoo ay umadii oo dhami udabataagan tahay hantidaa u ifka kaga soo xaday.

Iyadoo ay siyaasiyiin qaldani ay wadanka ka buuxaan hadana waxaa ku dhex jirta in daacada oo hawlaha ay wadanka u hayaan ka daacada una hanweyn inay umadadooda iyo dalkoodaba horumar iyo badhaadhe gaadhsiyaan.

Siyaasiyiinta, xisbiyada iyo madaxdhaqmeedka oo runtii maanta ah dad isku xidhan xaga waxwadaraadsiga waayo waxaan inbadan aragnay arimo waayadii hore ahaan jiray ceeb oo maanta aad maalin walba ka daawanayso Tvga oo aad arkayso suldaan leh beeshayadu waxay taageertay ama ay ku biirtay xisbi hebel waxaa laga yaabaa in suldaankaa isaga uun shilimo loo dhiibay laakin ay beeshu badan tahay laakin uu xilka uu u hayo kaga faaidaysanaayo inuu shilimaad ku helo taasina ay wadanka iy umada Somaliland ba ay ceeb ku tahay ay dhaawacayso hore usocodka umada iyo qarankaba.

Waxaan kula talinlahaa dhamaan xisbiyada ,siyaasiyiinta iyo salaadiintu inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo umada balse aanay ka shaqayn dano gaara oo iyaga uun ku kooban maadaama qaranka iyo dalku uu umada oo dhan ka dhexeeyo.

 

 

 

ALLA MAHADLEH

Abdiqafar Hassan Maal

E-mail: abdiqafaar_85@hotmail.com

Mobile: 063-4427659

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories