HomeSixir Bararka Maxaa Saldhig u ah?

Sixir Bararka Maxaa Saldhig u ah?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Marka sixir bararka ama kor u kaca qiimaha la micnayanayo waxa lagu micneeyaa lacag badan oo eryanaysa alaab yar. Tusaale ahaan haddii shan sano ka hor uu $ 20 doolar goyn jireen isku joog dhamays tiran oo dhar ah, waxa maanta laga yaabaa in lagu iibsado shaadh ama surwaal.  Inta badan sixir bararka marka dhaqaalaha laga hadlayo waxa sal looga dhigaa aragtiyo aynu ka xusi karno aragtida xadiga lacagta (Quantity Theory of Money Model), aragtida isu badalka lacagaha (Currency Exchange Model) iyo aragtida wax soo saarka (Production Model). Aragtiyahaasi waa kuwo sharraxaya meelaha uu ka iman karo sixir bararku, haddaba in yar aynu dul istaagno oo aynu  fahan kooban uga qaadano.

Aragtida xadiga lacagta oo ugu mihiimsan waxa ay xoogga saaraysaa (real economy) oo ah alaabta suuqa, qiimaha (Price) iyo wareega lacagta (Velocity of Money) marka saddexdaas laga duulo waxa ay noqonaysa lacagta la hayo ee suuqa wareegaysaa waxa ay la mid tahay qiimaha oo lagu dhuftay alaabta iyo adeegga waddanka yaal. Haddaba marka aynu aragtidan ka hadlayno sixir bararku waxa uu ka yimaaddaa lacagta oo uu dawladda bangiga dhexe masuul ugu yahay oo wax ka beddal uu ku sameeyo lacagta wareegaysa suuqa, tusaale ahaan isaga oo lacag cusub oo uu soo daabaca iyada oo aan alaabtii suuqana waxba iska beddalin, taasina waxay dhalinaysaa sixir barar. Tusaale ahaan  haddii lacagta waddanka taalaa tahay (M= Money Supply)  100’000 kun oo shilling, alaabta wadanka taallaa ay iyaduna tahay 100 KG oo ka kooban alaabo kala duwan, markaa qiimuhu (Price) wuxuu noqonayaa isku celcelis ahaan Qiimaha oo Loo Qaybiyay Lacagta Guud iyo xadiga alaabta ( P=M/Y 100’000/100= 1’000 shiling. Taas oo ah in halkii kiloo ee alaab ah qiimihiisu yahay yahay Kun shilling.

Dhinaca kale haddaba haddii iyada oo qiimaha halkii kiloo suuqa ka joogto intaas uu bangiga dhexe soo daabaco lacag cusub iyada oo alaabta suuqana aanay waxba iska beddalin oo lacagtii markii hore suuqa ku jirtay ee ahayd 100’000 kun uu ku kordhiyo in leeg oo ay suuqa lacagta wareegaysaa noqonto 200’000 kun oo shilling, qiimaha rasmiga ah ee halkii kiloo wuxuu noqonayaa 20’000/100= 2’000 kun oo shiling

Qodobkan marka aynu waddankeena ku eegno waxa aynu ognahay in baanka dhexe uu inta badan iska soo daabaco lacagta isagoo aan u eegin wakhti iyo suuq toona halka aannu sidiisaba baankeenu qaban adeegyadii baanka dhexe waddanka uga masuulka ahaa, bal se kaliya uun uu ka adag yahay daabacaadda lacagta, waxaanan odhan karnaa waa qodob qayb weyn ka ah dhibtaada sixir bararka.

Ta labaad ee keeni kartaa waxa weeyaan iyadoo dhaqaalaha wadanku kor u kaco (Economic Overheating) oo shaqada iyo wax soo saarka wadanku bato,dadkana dakhligoogu kor u kaco taasina sababto in baahidooda wax iibsigu badato (Demand ) markaas oo uu yimaaddo nooca sixir bararka ah ee loo yaqaan (Demand Pull Infilation) noocan oo ay sal u tahay baahida wax iibsi ee dadku maaddaama dakhliga dadku batay. Marka aynu kan u eegno wadankeena wax saamayn ah kuma laha waayo wax sugan oo aynu kaga cabir qaadano wadankeenu ma laha.

Arrinta saddexaad ee keeni karta sixir barar, waa marka ay qaaliyoobaan alaabta ay warshaduhu wax ku soo saarayaan sida shiidaalka, mushaharooyinka iyo Iwm, taasina ay keento inay qaaliyeeyaan alaabta shirkaduhu. Taas oo noqonaysa nooca sixir bararka ee loo yaqaan (Cost Push Inflation) aragtidana waxa si faahfaahsan u sharxaya (Production Model) oo ah in wax soo saarku la mid yahay shaqalaaha, qalabka dhulka Iwm, wax yaabahaasi aasaaska u ah wax soo saarkuna  waxay saldhig u ah kharashka. Arrintanna Soomaalilaan saamayn kuma laha oo waddanka warshado sidaasi ahi kama jiraan. Waxaase halkaas inoogu jira alaabta aynu dibadda ka soo iibsano oo ah wax ugu badan ee aynu isticmaalno taas oo aanay jirin cid ama dawladda si toos ah ula socota heerarka wax is badalayaan iyo heerka ganacsatadeenu isla beddalayso.

Ta afraad ee aynu xusi karnaa waxa weeyaan isu beddalka lacagaha, tusaale ahaan haddii lacagta waddanku hoos u dhacdo iyada oo  sababtu tahay lacago cusub oo la soo daabaco taasina waxay sababi karta in ay samayso isu beddelkii lacagta Soomaalilaan oo hoos u dhacda oo doolarkiina sare u kaco taas oo micnaheedu yahay in shillinka qiimihiisu lumo,  arrintani waxa ay sababtaa in baahida doolarka loo qabo ay badato oo ka saro marto lacagta suuqa taalla, waxaanay keensanaysaa lacagtii shillinka ahayd oo lagu wada doono doolar, taas oo saldhig u ah in doolarku kaco. Arrintan isu beddelka lacagaha oo aan waddankeenu siyaasad cad ka yeellan iyo baahida aynu doolarka u qabno in aynu wax ku soo iibsano dabcan door ayay ku leeyihiin dhibaatada jirta.

Ugu danbayntii dhawrkaa qodob ee aynu xusnay waa meelaha aasaaska ama saldhigga u ah sixir bararka sidaas oo ay tahay dhawrkaas qodob waxa intooda ugu mihiimsan waxa maamuliddooda iyo haggidoodaba leh baanka dhexe iyada oo ay jiraan siyaasado loo raaco oo lagu yareeyo aafada sixir bararka.

Gabagabo: si loo yareeyo khatarta baahsan ee sixir bararka waxa looga baahan yahay dawladda in ay ka shaqaysiiso baanka dhexe  isla markaana la dajiyo dhawrkan arrimood ee hoos xusan

  1. Siyaasadda Lacagta (Monetary Policy)
  2. Siyaasadda Maaliyadda(Fiscal Policy)
  3. Siyaasada isu beddalka lacagta (Exchange Rate Policy)

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories