HomeSixir-bararka Dalka Ka Taagan Oo Saameeyay Nolosha Bulshada

Sixir-bararka Dalka Ka Taagan Oo Saameeyay Nolosha Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Sixi- bararka ba’an ee dalka ka taagan ayaa u muuqda inuu saameeyay guud ahaan nolosha shacabka Somaliland, iyadoo la dareemayo inaanu kor u kac mooyee hoos u dhac lahayn muddooyinkan dambe.

Sixir-bararka ayaa wuxuu saameeyay quutal daruuriga iyo adeegyada kale ee bulshada, waxaana isbedelay qiimaha dhammaan quutal daruuriga iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolosha bini-aadamka. Tusaale ahaan qaybo ka mid ah caasimadda Hargeysa ayaa basaska xaafadaha u kala gooshaa waxay kordhiyeen qiimihii lagu raacayay, gaar ahaan basaska xaafadaha idaacada iyo xero-awr, waxaanay basaslayaashu ku doodeen inay qiimaha kordhiyeen ka dib markii ay wax kastaa sare u kaceen, waxaana shalay haawanayay istaanka basaska ee Idaacadda oo shaqo joojin ka dhalatay qiimaha sare u kacay ay sameeyeen basasku.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah darawaliinta baabuurta basaska ah, waxaanu mid ka mid ah darawlada oo saxaafadda la hadlay sheegay in shidaalku ku qaali garoobay taas oo sababtay inay qiimaha kordhiyaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inaanay culays saarin basaska shaqada joojiyay ee ay nolosha sicir bararka wax ka qabato.
Waxyaabaha kale ee quutal daruuriga ah sida shaaha, quraaca, saambuusaha, buskudka iyo baalashka ayaa waxa ku kordhay qiime dhan 500 oo shillinka Somaliland ah, taas oo muujinaysa saamaynta nolosha ee sicir bararka. Hudheelada cuntada ayaa waxa ay iyaguna kordhiyeen qiimihii lagaga cuntayn jiray oo ay cunto kasta oo ay iibiyaan ku kordhiyeen lacag u dhaxaysa 1000-2000 oo lacagta Somaliland ah.

Tukaamada laga adeegsado ayaa iyaguna waxay kordhiyeen qiimaha alaabta quutal daruuriga ah ee ay iibiyaan.

1. Biyaha yaryar, waxa lagu kordhiyay 500 (Shan boqol)

2. sharaabka waxa lagu kordhiyay 500 (shan boqol)

3. Sonkorta, halka kiiloo waxa lagu kordhiyay 1000 (Kun shilin)

4. Baastada halka Kiiloo waxa lagu kordhiyay 1000 (Kun shilin)

5. Buskudyada oo kala duwan waxa lagu kordhiyay 500 (Shan boqol)

6. Daasadda caanaha ah ee waaweyn waxa lagu kordhiyay 1 dollar

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u muuqata in aanay haynin wax xal ah oo wax lagaga qabanayo sicir bararka saameeyay nolosha, waxaana u muuqda inaanay daawo noqon amaro uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray oo uu wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi saxaafadda u akhriyay, kuwaas oo ay xukuumadu aaminsanayd inay xal u noqon doonaan sicir bararka.
Somalilandpost.net
(SL.Post)
Somalilandpost.net

(SL.Post)
Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories