HomeSirta Madaxtooyada Maxaa Keena Suuqyada?

Sirta Madaxtooyada Maxaa Keena Suuqyada?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cabdifataax Sheekh Nuux

Shacabka Somalida guud ahaan gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland ayaa lagu xantaa inay ka mid yihiin dadyawga caalamka ugu hadalka iyo falanqaynta badan, sidoo kale ayaa soomalida lagu sheegaa inay yihiin dad hadal wax iskugu gudbiya ( Oral Society ) hadaba tan iyo maalintii la yagleelay qarankan Somaliland ayaad arkaysaa ayaan daro ina haysata oo la maareeyn kari waayay taasi oo aan marna xukuumadihii is badbadalayay aanay xal waara u helin, hadaba arintan oo qarankan Somaliland dhabar jab ku keeni karta awood badan iyo xogna siin karta cadawgiisa ayaad moodaa inay isa soo tarayso ayaamahan , hadaba waxaa jira in go’aanka madaxtooyada ay ku maamulayso wadanka guud ahaantii ay tahay sir aan qarsoonayn taas oo intaanay madaxtooyada soo dhaafin banaanada lagu sii hadal hayo, taasi oo keentay amakaag iyo af-kala qaad marka go’aankii madaxtooyada laga soo saaraaba uu suuqa ku soo horeeyo taas oo iyagoo dadkii sii haya go’aanka ka dib ay madaxtooyadu ku dhawaaqdo, hadaba arintan ayaa ah mid aan ugub ahayn balse ah arin curad ah oo soo jirtay tan iyo markii xoriyada dalka dib loogula soo noqday,tan ugu danbaysay hadaan soo qaato khilaafka cakiran ee ka dhex taagan madawaynaha jamhuuriyada Somaliland iyo ku-xigeenkiisa oo aad moodayso in meel kasta iyo goob kasta ay saamayn ku yeelatay lagana hadal hayo , sidoo kale is qabsashadii labadii wasiir ee xukuumada ka tirsanayaa ayaa iyaguna ahaa kuwo si wayn loo dareemay, sidoo kale waxad arkaysaa wasiir la magacaabayo oo intaan la magacaabin suuqa ay hadal hayntiisu ku sii jirto, waxaad arkaysa wasiiro la badalayo oo ay shacabku warkooda sii hayaan , waxaad arkaysaa madaxwaynihii oo la rajaynayo inuu baxo safar qarsoodi ah balse warkaasi ay shacabku sii hayaan, iyo warar kale oo badan oo xukuumada iyo sirteeda ah, hadaba arintan ayaa dadka falanqeeya arimaha siyaasadu ay ku tilmaameen mid qarankan curdinkaa u horseedi karta dhabar jab taasi oo ay ka faa’idaysan karaan cadawga Somaliland, sidoo kale dadkan falanqeeya arimaha siyaasada ayaa sheegay inay gol daloolooyin ka jiraan gudaha madaxtooyada taasina ay sababtay in go’aankasta oo madaxtooyada lagu gaadho uu suuqa soo galo taasi oo aad arkayso go’aankii madaxtooyada laga soo saari lahaa oo suuqa lagu sii falanqaynayo, hadaba arintani ayaa ah mid dhibteeda leh sidoo kalana qarankan u horseedi kara in hadimooyin badan iyo hagar daamo waxyeelaysa loo yagleelo, si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland ayaa guud ahaan ah dad aad u falanqeeya arimaha siyaasada kuwaas oo aad arkayso yar iyo wayn , ciroole iyo caruur , caamo & caalin, garoob iyo gaari, indheer garad iyo indhow garad, oo dhamaantood ka wada faaloonaya arimaha siyaasada taasi oo iyaduna dhibteeda leh, balse dadkan arimaha siyaasada falanqeeya ayaa aanay jirin shaqooyin ama camal ay ku mashquulaan oo ka jeediya falanqayntan siyaasada, sidoo kale ayaa marfashyada iyo meelaha lagu qayilo ee loo yaqaano fadhi ku dirirka ee ay fadhiistaan wasiirada, agaasimayaasha iyo dadka xilalka ka haya qarankan ay yihin goobaha ugu waawayn ee iyagana lagu falanqeeyo arimaha siyaasada kuwaas oo qayb wayn ka qaata in sirta madaxtooyada iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ay dibada u soo baxdo maadaama oo dadka qayilaadaa iyo fadhigaa isugu yimaadaa aanay ahayn qaar ay maskaxdoodu fadhido oo uu mirqaanku ka tan batay kuwaas oo wixii ay sir hayeen ee uu qarankani lahaa dibada soo dhiga , sidoo kale ayaad moodaa in madaxtooyada lafteedu aanay lahayn jaranjaro la sii maro oo xogta lagu ilaaliyo ee ay tahay Min Madaxwayne Ilaa Sagxada Ugu Hoosaysa Ee Bulshada , hadaba marka la barbar dhigo Somaliland wadamada jaarkeena ayaad moodaa inay wadamada jaarkeena iyo caalamkuba ay inagaga fiican yihiin arimaha ilaalinta sirtooda kuwaas oo ay muwaadin kasta qasab ku tahay inuu ilaaliyo sirta wadankiisa kana hor taga wixii dhibaato u keenaya qarankooda, balse shacabka Somaliland oo iyagu ceeb u yaqaana muwaadinimada ayaad moodaa inay arintaasi ay faan iyo horumar u haystaan kuwaas oo maalinkasta wixii sir ah ee qarankoodu uu leeyahay soo dhiga shaashadaha iyo meelaha loo yaqaano internetyada kuwaas oo ilbidhiqsiyo gudahood laga daalacdo guud ahaanba caalamka gaar ahaana inta aan raalida ka ahayn qarankani, hadaba waa maxay dhibta ay inoo keeni karto sirtan sida dhibta yar uga soo baxaysa madaxtooyadu ? run ahaantii su’aasha jawaabtani ayaa ah inay cawaaqib xumo ku keeni karto guud ahaanba Somaliland gaar ahaan qasriga madaxtooyada oo ah halka ugu mudan ee wadanka looga taliyo , sidoo kalana uu ka faa’idaysan karo cadawga meel kasta inagaga xeeran oo ay keeni karto inay mandaqadan aynu kalideen xasiloonida aynu ka haysano aynu la mid noqono hadii aan maareeyn iyo xal daawo ah loo helin sirtan sida isdaba jooga ah uga soo baxaysa qasriga looga taliyo wadankani, ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa maamulka madaxtooyada iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay xil wayn iska saaraan sidii ay u ilaashan lahaayeen sirta qarankooda iyo dhamaanba wixii warar ah ee ku saabsan wadankoodu si uu horumarka, rajada iyo yididiilada ay hiigsanayaan ay u noqdana qaar lagu guulaysto, waxaanan kula talin lahaa qofkastaa inuu sirtiisa xitaa ka ilaaliyo naftiisa oo uu la dhinto wixii sir ah ee uu wadankiisa ka hayo ugu danbayntii caalamka waxaa lagu xukumaa qofka dalkiisa hal war oo sir ha ka bixiya dil taasi oo waliba si cad loo dilo, balse shacabka Somaliland ayaa aad moodaa inay moogan yihin qiimaha ay leedahay in sirta wadankooda ay ilaaliyaan markaa waa inuu qofkastaa masuuliyad dheerada iska saaraa oo uu afkiisa haystaa, masuuliyiinta qasriga madaxtooyada joogana waxaan leeyahay waa ayaan daro in madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa oo is haysta ay dadka hortooda kolba ku murmaan taasi oo aan ahayn marnaba sharaftii iyo karamadii uu dalkani mudnaa idinkana waxaan idin leeyahay isla xishooda oo sirta madaxtooyada xil dheerada iska saara hadii aydaan haysan karayn oo markaad qayishaan aad masraxa keenaysaana qolkiina hoosta ka soo xidha.
C/fataax Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)
Email: Samriye99@hotmail.com
Mobile: 4474468

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories