HomeSirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga

Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad– Ankara

Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; “Hieroglyphic.” Magacaas oo ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; “Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas u yiqiineen; “Sixir.”

Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa.

  • Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen
  • Magacyada Boqoradoodii iyo
  • Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore

Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn.

Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay:

  • Dhinaca Galbeedka Afrika,
  • Dhinaca Bariga Afrika

Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika.

Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan:

blank

Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga ka mid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen.

Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn. Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo

W: o, u.

Y: a, e, i.

Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; “Sawirka A loo qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa.

Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha Reer Yurub (Khawaajayaashu).

Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da’weyn aataarta iyo taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo.

Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba da’weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas  oo loo maleeyey xabaalo-wadareed.

Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; “Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa; “Geeri.”

Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had. Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama had ah oo H ku bilaabma.

blank

Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah:

  • AB = (heart) wadne iyo
  • BA = (good soul) nafta karaamada leh.

Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay.

Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB.

Ereyga labasdna BH.

Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga waa Wadnaha. Bal heestan eeg;

Abdiyaw habi laawe lo’daadan harraadan……

Waa cabdiyaw wadne-laawe.

Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH).

bal eeg weedhan’ “Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay.

Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u yahay ee “HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay “H.”

Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa oo la yidhaahdo; “Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo’da meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn (Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel.

Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad isna la odhan jiray; “Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa dabar go’ay uu ku noolaa.!

Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa; “Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore!

Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, mise waa meelihii lo’da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; “Kii koowaad.”

Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka “S” ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka “S.” Markaas waxaad arkaysaa “Horus,” halkii hore ama hoori noqon lahayd.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories