HomeSIR MA QABE ALLAA U SAHAN AH! Fashilka Heshiis Dhexmaray Suldaan Xiiray...

SIR MA QABE ALLAA U SAHAN AH! Fashilka Heshiis Dhexmaray Suldaan Xiiray iyo Xukuumadda Siilaanyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maxaa ii damaanada,Nin doonaa ha mehershee,Inuu daacad yahayoo,Ajenda u dahsoonayn?  Doorashdii dhacday 26 june 2010 ayaa Madaxweyne Siilaanyo loo doortay hogaaminta qaranka Somaliland, kadib mooshin ay xukuumadu hor gaysay baarlamaanka in la furo wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia, waxa isa soo tarayay tuhuno iyo galdaloolooyin ka muuqatay Siyaasada Arimaha Dibada ee Somaliland.

Hadaba,  Suldaan Xiiray oo warbaahinta qaar ka hadlay Waxa uu fashiliyay sir culus oo uu ka hayo Xukuumada M/weyne Siilaanyo,  runtii ismuu lahayn sheeg laakiin isagoo xukuumada deedafaynaya  jawaabna uga dhigaya hadal uu hore warbaahinta uga yidhi oo ah in Madax dhaqameedku ka qayb galayaan wada hadalka ( Somaliland iyo Somalia). Hore Somalidu waxay ku maahmaahday “Sir Ma Qabe Alow Sahan” Suldaan Xiiray waxa uu fashiliyay Sir iyo qorshe maleegan oo ka dhan ah Qadiyada iyo Jirtaanka Somaliland, waxa uu shaaca ka qaaday in xukuumadu  ay wado  nidaam midnimo soomaaliyeed ah, waxaanu xusay in Safiirka Turkiga ee Hargeysa fadhiyaa  uu noo xaqiijiyay in xukuumada Siilaanyo ka ogolaatay arinka midnimada, sidaas darteed aanu ka shaqayno sidii aanu wada hadalka usii wadi lahayn(Somaliland & Somalia) ilaa laga gaadhayo  midnimo, dariiq kastana loo maro sidii loo midayn lahaa. Arinkan ayaa fajac ku noqday shacabi waynaha reer Somaliland. Hadaba waxa ls waydiin leh hawsha ay Safaarada Turkiga ee Hargeysa  loogu talo galay inay ka shaqayso? Waxa jira dareeno badan oo ku xeeran  arintan, dadka siyaasada odorosaana waxay ku macneeyeen in la marin habaabinayo nidaamkii dawladnimo ee aynu lahayn si ay madax dhaqameedku qayb uga noqdaan wada hadalka iyo isfahamka labada dhinac, waana qorshe cusub oo qaranimada iyo dawladnimada kasoo horjeeda xukuumadeenuna raali ka tahay in loo badalo wadahadalka qaab dhaqan. Waxa hubaal ah in qaranimadii Somaliland dayacantay oo baylah badani ka muuqato waxaana cadaynaya halka laynala marayo in maanta la yidhaahdo Masiirka iyo Qaranimada Somaliland waxa ka talinaya madax dhaqameed, taasi waxay sheegaysaa in dawladnimadii luntay oo madmadow badan la galiyay. Dhowaan ayay ahayd markii Dawlada Xamar Madaxdeedu ay si cad u sheegeen in Somaliland qaadatay maamul goboleed qaybna ay ka yihiin siyaasada (NEW DEAL 2016), Nasiib daro Xukuumadu kamay bixin wax Jawaab ah oo lagu qanci karo ama beenaynaysa hadaladaa lidka ku ah Qaranimada Somaliland.

Waxaan leeyahay dalku maanta wuxuu u baahanyahay badbaado in Qaranimadii la burburiyo ayay maraysaa, iima muuqato xukuumad dhisan iyo maamul fayow oo maanta jira, Madaxtooyadii waxay noqotay guri cas laga guuray kadib markii ay ka dareereen ragii miisaanka xukuumada ahaa, markii ay ka baxeen xukuumadiina waxay ay madaxtooyadii noqotay mid ku mashquula ah Isbahaysiga kulmiye iyo shirarkooda. Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inaynu qaranimadeena iyo wada jirkeena ilaashano, waayo maanta wax halis ku jirta oo loo baqayaa Qaranimadii  inay mar labaad halawdo. Hala foojignaado wax walba way ka suurtoobaan kooxda macaash doonka ah ee maanta ina haysta ee waxay ka fekeraanba yahay dhaqaale iyo maxaan cunaa. Ilaahay nabadgalyada haynoo ilaalio.dhibaatooyinka xukuumada kulmiye iyo xisbigeeda ilaahay haynaga qabto

Ilaahay Siduu Khayrka Ku Jiro Hayna Waafajiyo

Alaa Mahad Leh

Mohamed Adan

Falanqeeya Arimaha Siyaasada

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories