Home“Siillaanyo Sharciga Dalka Maaha Waxna Kama Bedeli Karo, Muuse Biixi, Faysal Iyo...

“Siillaanyo Sharciga Dalka Maaha Waxna Kama Bedeli Karo, Muuse Biixi, Faysal Iyo Cirro Midna Dastuur Maaha…”Boqor Buurmadoow

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in arinta Doorashada aanay awood u lahayn inay ka hadlaan ama wax ka bedelaan  Madaxweynaha, Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku, waxaanu tilmaamay in Maxkamada sare ee Somaliland oo qudhi wax ka bedeli karto, marka loo eego sharci ahaan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay Abaarta taagan iyo arrimo kale, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya abaaraha dalka ka jira islamarkaana baaqyo u diraya ganacsatada, muwaadiniinta iyo beesha caalamka uu yidhi  “Abaartu waa masiibo ILLAAHAY baana inaga saari kara, xaaladuna waxay gashay wakhtigii ugu adkaa, oo marxalad aad iyo aad u qadhaadh ayeynu ku jirnaa, oo dhammaanteen dhexda ayeynu ka xidhanahay, oo sidii dadka reer Somaliland wax loogu qaban lahaa ayaa lagu wada hawlan yahay, haddii aanu anagu nahay madax-dhaqameedkana si gaar ah ayaanu ugu sii hawlan nahay, marka dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga, kuwa guddaha jooga iyo Ganacsataduna iyagoo waxba hagran, oo mar walba dhexda ka xidhan haddana waxaan leeyahay dadaalka halkaas ka sii wada, beesha caalamkana waxaanu leenahay xaalada maanta taagan waa xaalad xun ee waxaanu ka codsanaynaa in inta aanay ka sii darin in si deg deg ah wax uga qabtaan, oo dadka baahan ee dhibaataysan wax ha lala soo gaadho, ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhici karto madaama abaaro ba’ani jiraan, wuxuu ku jawaabay “Doorashada ma la gali karaa iyo lama gali karo waxa ka horeeya in dadka loo gurmado, oo inagu waxaynu ku jirnaa gurmad, oo waxaynu muhimada kowaad siinaynaa gurmadka, laakiin inagu waxaynu leenahay Dastuur, qaanuun baynu leenahay, waxa baynu dajisanay, markii ugu dambaysay Doorashada waxa wax ka badashay Maxkamada, Maxkamad baa la isla galay, Dastuurkeena Maxkamadaa ugu sareeysa oo go’aan Maxkamadeed baa dhacay, oo ku dhacay in Doorashada la qabto xilligaas, oo xukun Maxkamadeed baa dhacay, cidda qudha ee wax ka bedeli kartaa waa Maxkamada sare, Axmed Siillaanyo sharciga dalka maaha, waxna kama bedeli karo, Xisbiyada Qarankuna Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro midna Dastuur maaha, oo iyagu sharciga gacanta kuma hayaan, sharci baynu leenahay, ma bedeli karaan, arintaa Maxkamad baa xukuntay, Maxkamada ayaana wax ka bedeli karta, Komishankuna waxba kama bedeli karo, kordhin haddii ay tahayna Guurtida ayaa kordhin karta, marka waxaad mooda arimahan ay maalmahan ka shirayaan ee ay ka dhawaajiyeen in aanay xaq u lahayn inay kordhiyaan iyo inay wax ku daraan, Xisbiyada iyo Madaxweynuhu midna in aanu xaq u lahayn ayaan anigu u arkaa, waxa weeye in sharciga iyo qanuunka u hoggaansano oo Madaxweynena aanu ku xad gudbin oo Xisbiyo aanay ku xad gudbin”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafkaadkii Xisbiyada ee ay dhammeeyeen ayaa yidhi “Hawshaasi arin masiibo ah ayey ahayd, caytan, aflagaado, yoon-yootan, colaad iyo xaalad abuur ayaa ka dhex jirtay Xisbiyad tiina wax baanu ka qabanay weyna nala qaateen, weyna ku mahadsan yihiin, waana ku hambaliyeynayaa, waxaana jecel nahay inay sidaas ku shaqeeyaan”.

Boqor Cismaan Buurmadaw oo la weydiiyay sida uu u arko in warbixintii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midobay u gudbiyay golaha ammaanka lagu daro hadal uu saaafadda ugu hanjabay kal hore, Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi, wuxuu yidhi  “Aniga taasi ima muuqato anigu waxaan u arkaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay Saxaafadda, Saxaafaddu waxay leedahay laba qaybood, waa Seef laba af leh, Saxaafadda waxa jira dad badan oo aan khibrad lahayn oo tababarnayn, dadka noocaas ah waxaan qabaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay, Xukuumaddu wey ku hagaagsan tahay xoriyatul qawlka, maxaa yeelay maalin walba waxaynu aragnaa Madaxweynaha oo la caayayo, oo wax laga sheegayo, waxaana odhan karaa dalkeena waxa ka jirta Dimuqraadiyad taam ah iyo Saxaafad madax banaan, Ban Ki Moon marka uu sidaas u hadlayo xaaladeena hoos wax ugama hayo. Markaas  anigu waxaan qabaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay Saxaafadda, hub ka dhigista loo jeedo anigu sidaan qabo waa in dadka khibrad lahayn ee qoriga saxaafadda ka dhigtay la jiheeyo, Saxaafadduna waa hub waana qori markaas in la jiheeyo hubkooda ayey  u baahan tahay, aniguna sidaan u arko sidaas weeye”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories