HomeSiilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 22 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe(Lasoco gabagabada)

Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 22 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe(Lasoco gabagabada)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

Inagoo yaaban oo Aroos wadareedyadu inaga bateen oo dawakhnay ayaa laynagu yidhi Madaarkii Hargaysa oo aanu dib uhabayn aada ku samaynay ayuu xadhiga ka jarey madaxweynuhu ,dhankana waxaa ka socda Arooskii Shidaal qodista waynagii ku war helney inay diyaaradii Ethopian Airline diiday inay soo fadhiisato oo ay ku qanciwaydey adeega hadana midkalaa ka dambeysey waa shirkadii Shidaalka qodeysey oo dalka ka soo baxdey layidhi iyana amaan darro ayey ka soo carartay waa wax yaalo aynaan meeshaba soo dhigan. Lasheeg oo laynoo cadee in lacagtii Madaarka Hargaysa uu wasiirka Duulistu laba guri oo qiimahoodu yahay 2.5 milyan uu ka iibsadey UK gaar ahaan magaalada Bristol ugana qoranyey nin ay Seediyo yihiin waxaa kaloo dhacdey in qandaraaska ninkii la siiyey oo ahaa Cumaani ninka layidhaa iyo wasiirka duulistu ay lacagta boobkeedii isku laayeen oo Baastooladu laysula baxay oo waliba leys eryadey ka dibna madaxweyne Siilaanyo dhexgaley iyadoo arinba sidaa yahey oo Madaxweyne Siilaanyo laga sugaayo jawaabta arimahan is isku biiray ayuu bilaabay Caadadiisii oo uu socdaal ku soo gaalo bixiyey gobolo dalka ah waa Aroos wadareedyadii isna midka mida silo mashquulo ayaa uu dhagax dhigay wadada Ceerigaabo oo lacagta ku baxaysaa ay gaadhayso 400 malyuun haba dhagxdhigo ama xadhig haka jaree waxaa ka sii daran Gudida uu umagacaabay oo ay kamid yihiin Sheekh Adan Siiro,Nacnac iyo Maxamuud Aadan Dheri . Bal ufiirsa oo sadexduba waxay la itaal daranyiin sadex wado oo kale oo ay gacanta ku hayaan oo ay utaagla’yihiin ayuu culeys kale dusha ka sii saarey aan idin Tusaaleeyo

1. Maxamuud Aadan Dheri oo guddoomiye u ah Guddida horumarinta Gobolka Togdheer oo wakhtigan gacanta ku haya dhismaha Jid Laami ah oo isku xidhaya Magaalooyinka Burco- Oodweyne-Hargeisa, kaas oo dhismihiisu marayo marxalad nilow ah.

2. Sh. Aadan X. Maxamuud (Aadan-Siiro), oo ka mid ah guddi iskeed isugu xilsaartay qaadhaan-ururinta Jid Laami ah oo isku xidhaya magaalada Hargeysa iyo tuulada Ceelsheekh oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee Woqooyiga magaalada Hargeisa, kaas oo ilaa imika aan weli la dhammaystirin hawshiisa qaadhaan ururinta iyo dhismihiisuna Socdaan.

3. Iyo Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan guddi ku hawlan dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa magaalooyinka Hargeisa iyo Baligubadle, kaas bilowga iyo qabanqaabada bilowgiisu ay socoto.

In kasta oo Xukuumaddu wax ku darsatay dhismaha labada waddo ee 1 iyo 2, ma jiro ilaa imika wax qaadhaan ah oo ay ku darasatay dhismaha waddada Baligubadle oo Xildhibaan Nacnac ka yahay Shakhsiga ugu Miisaanka culus guddida gacanta ku haysa dhismaheeda.

Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo madaxweyne Siilaanyo dhagax-dhigay dhammaadkii bishii hore, ayaa noqonaya Mashruucii ugu ballaadhnaa ee xukuumadda Kulmiye ay fulintiisa la gacan gashay, arrintaasina waxa ay ku kelliftay si loo helo lacagta ku baxaysa, inay Guddi qaadhaan u magacowdo shakhsiyaad bulshada magac ku leh balse markooda horeba la daalaadhacayey dhismaha waddooyin ay qaadhaan ururinteeda gacanta ku hayeen .In kasta oo madaxweyne dhismaha waddada Ceerigaabo uu Dawladda Turkiga ka codsaday inay ka taageerto dhaqaalaha ku baxaya isla markaana laga aqbalay, waxa ay isweyndiintu tahay sababta waddooyinka dhismahoodu socdo ee qabyada ah loogu loogay qaadhaankab Waddo aan weli la bilaabin dhismaheeda, maadaama raggii gacanta ku hayay waddooyinkaas lagu daray Guddida Qaadhaanka Jidka Ceerigaabo.

 

Markaynu intaa ka gudubno waxa uu usoo anba baxay dalka Turkiga waynu arkayna isagoo Siilaanyo ina le wada hadalada inoo dhaxeeyey Somaliya waynu sii wadeynaa ayaa qodobkii la yidhi hawada ee laynoogu sheegey in Somaliland laga maamulaayo maadaama 70%  ay hawada Somaliland diyaaraduu maraan in laga maamulo iyadoo cad ayaa layidhi wax aynu heshiis ku gaadhnay majiro markaasuu hadana leeyey wadahadaladii waanu sii wadaynaa bal waxa ay inoogu sheekeynayaan ufiirso.

Iyagoo aan wax heshiisa galin oo been iyo wax aynaan kaba ilbixin inoo sheegaya oo Qaranimadii ay qirinqiiro tahay ayaa tii shidaalkana layna yidhi mucaaridka iyo qurbo joogbaa waraaqo shirkadii uqorey miyaanay ogeyn in labaadhayo oo la daba galayo oo runta lasoo ogaanayo waxaad indhihhina ku arkeyseen in aanu Baarlamaan jirin oo waxa uu doono horkeeno xeerkii ugu dambeeyey ee Cashuuraa waakii si cad umeelmariyey balse wali maynaan wada fahmine waa shuruud iyo balan ka dhaxeysey gudoomyaha Baarlamaanka C/raxmaan Ciro iyo Siilaanyo oo ah in uu wixii uu soo dhigaba u an sixiyo isna uu udiyaar garoobo lana garab galo madaxweynaha ku xigi doona Siilaanyo ,mr Ciro gudoomiyuhu waa ninka sharcigii iyo umadii diratay ka raacay Xukuumada isagoo tiisa eegaya ninka dadka masaakiinta ah ee eegaya inuu cadaalad ugu shaqeeyo khaayimay ayaa hadana uga fadhiya inay cod kooda siiyaan si uu madaxweyne unoqdo oo sidee loo aaminayaa horta isgoo gudoomiyii wakiilada ah ayuu sharcigii ku tuntee .

Akhriste runta yaynaan dacal marin oo aynaan iska qarin Siilaanyo kaligii ma usuurtoobi laheyd inuu sidii doono yeelo waa maya bal inyar ufiirso aan tusaale idinsiiyee gudoomiyaha Baarlamaanku mr Ciro tiraba sadex jeer ayuu Hadley kuna tiraabay isagoon danta shacbigii soo doortay ka hadal yidhi Doorashadu dib uma dhaceyso mana yeelaayo waana qasab in ay dhacdo xiliga ay xukuumada ka dhamaato ,maba xuma’e tiisa ayuu ka Hadley ilayn isagaa madaxweyne ku socdee marna kamaynu maqal waxaas haloo qabto shacbiga ,hadaba hadaynu shacbiga nahey ma waxaynu aaminaa ninkaa maantaba isagoo gudoomiya ah sharcigii ku tuntay oo aynu kursigii ugu sareeyey udhiibnaa oo inooga fadhiya codkeena waxaan shacbiga odhan lahaa horaa leynoo siray maanta toosa oo indhaa kala fura oo codkiinu yaanu idinka khasaarin.

Alle ha u naxariistee,  M I Cigaal wakhtigii uu madaxwaynaha ka ahaa dalka, marbaa waxa uu damcay in uu  siyaasada waddanka ku daro siyaasad ka duwan tii lagu soo doortay, waa markuu soo jeediyay in Somaliland ku fadhiisato kursigii Somaliya ee UN. Waxa dhacday in madaxwaynaha la hor keenay Baarlamaanka waxna laga waydiiyo. Waxa xusid mudan sida kalsoonida leh ee ay xildhibaanadu u imtixaamayeen M/waynaha iyo sida hambalnimada leh ama u hogaansamida sharcigu  ka muuqato ee Madaxwaynuhu ku jawaabay, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa: Gudoomiye iyo mudanayaal,waan qirtay, oo waan qaldamay, oo waddankaygaan ku gafay oo waxan diyaar u ahay in laygu qaado layguna Maxkamadeeyo dunaabtaa aan galay, waxa aan balan qaadayaa hadii la i cafiyo inaan ku shaqeeyo wixiiummadaydu doonayso ! waan ka xumahay ! oo waan ka xumahay ! oo waan ka xumahay !

liibaan

Lasoco gabagabada…………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories