HomeSiilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 16 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 16 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

Tvga SLNTV hawada yurub markuu soo galey waxa laga bixiyey ama hawada miisaanida looga jarey bilkasta hawada Sattlite Hotbird ee qaarada Europe  dowladana lagaa qaadaa ilaa hada 3MB(Megabayt) Hotbird  lacagteeduna dhantey 24,000 lacagta euro (yuurada ah) markaa uu hawada soo galey waxaa uu dhamaa tayadiisu 1.2 MB   waxaanu kasoo galaayey Frq:11566v oo aaney cidi la wadaagin mudo yar oo 3 bilood kadib ah  waxaa laga dhigey 0.8 MB  oo lactiisu dhantey 11,000 euro waxaa sanadkii markaa dowlada laga qaadaa lacag dhan 288,000 una dhiganta   $ 385,000  dolar waxaase 3 bilood la bixiyey 1.2 MB lacag gaadheysa 40,000 euro waxaana lacagata soo qaadaayey wiilka baashe cawil waxaanu lunsadaa oo geed ka go’an ah sanad walba SATTELITE KA HOTBIRD lacag dhan $135,000  dolar  waana sababii keeney inaan ka tago SLNTV .

Bal hada kalabaadna ufiirso  SATTELITE KA  THICOM waa 1.5 MB waxaana qiimaheedu yahey sanadkii oo dhan $192,000 dolar halka iyana dowlada laga qaado $ 288,000 dolar sanadkii waxa uu wiilka uu usodoga yahey Madaxweynaha wadanka heystaa ee Baashe cawil lunsadaa markeynu isku wada geyno lacag dhan $ 231,000 dolar  bal eegoo madaxweyne Siilaanyo ma baabiinkaraa musuqmaasuq ileyn isagaabay ka bilaabantey gurigiisa e  Maxaa xigay taana waxaa xigey in markii mujaahid Boobe wasiir looga dhigey wasaarada uu wiilkaasi Baashe ogaadey inaanu mujaahidku  nin aduunyo aheyn ee uu yahey nin wax hagaaja waxaana ay Khadar gaas ,Dhuxul iyo Axmed saleban weyne oo ah niman wax uu utuuro  markuu libaaxu wixiisa qaato ay ka fikiraan sidii ay mujaahid Boobe meel uga wada marilahaayeen taasina waa tii dhacdey oo halkaa waxa ka muuqata in xataa Agaasimii Feysal cali sheekh ee wasaarada loo badaley si aanu macluumaad u siin Mujaahid boobe lana keeney wiil dhago xidhan oo xataa markuu dhalinyarada ahaa warfaafin iyo saxaafadba daayoo aan xataa War aduunyaba la socon halkaasi waxaa ku guuleysatey kooxdii budhcada ee qasriga madaxtooyadu ufasaxeen hantida iyo boobka qaranka wiilka Baashe Cawilna howshiisii waa ufushey hada la soco oo $ 231,000 waa wasaarada warfaafinta uun ee hada xaalkiisu  waaba sii dhaafey halkaa. Waxaa tvga qaranka loo magacaabey Khadar cali gaas oo loo magacaabey fulinta iyo howl fududeynta wiilkaas waxaa gooni laga dhigey tvgii uu ku qudbadeeyey Siilaanyo inuu wasaaradii hoos geeyey markaasaa darajada lagu sameeyey iyo xeerka la cuskadey uu kaba daranyey kii ina Riyaale.Tvga qaranku waxa uu ku sharciyeysanyey Websate Qof iska leeyey ama (private) oo Cid dankalihiba majirto waxa ku baxda miisaaniyad aan waxba lagu qaban dalkana ka go’day .Waxaa la isugu keeney koox aan meel ay kabilaabaanba gareyn oo ina reer ku timi ina hayska joogaan waa Ayaan daroonyika ina la soo darsay.

Boobe Yuusuf  Alle ceebta ayuu ka kaxeeyey iyo Jirida iyo yuug yamaanyuuga meesha isugu yimi ee sidii ayaxa nabaad guurinaaya meesha ay galaan,Studio ga London waa sadex qeybood oo kala socda hadana wada jooga qeyb uu wato khaddar,qaar uu baashe wato iyo qayb uu ka midyey Daahir ka wariyaha ah oo ahaa nin basaas ah oo dowladii kaligii taliyii Siyaad bare usoo basaasi jirey mujaahidiintii xaqa aheyd ee SNM iyo gudoomiye ku xigeenka oo isaga aynaan iskuba diin aheyn (la sheeg inuu Kiniisad Jalaska ka garaaco iyaga iyo allaahoode ).Waxaa SLNTV laga hoos saarey Wasaaradii warfaafinta iyo Haayad madaxbanaan laga dhigey lana keeney Khadar sababtuna tahey inuu fududeeyo howlaha Baashe uga baahanyey.

Maareeyaha cusubi waxa uu la dhextagey wasaaradii howlo kaba sii daran kuwii hore waxay wadeen waxa uu kala qaybiyey shaqaalihii isagoo isna jifo yar la soo hadhey ilaa hada waad aragtaan dhibta wasaarada ka tagaan oo aad la yaabeyso .Waxaa wasaarada kasocda in shaqaaluhu ay ku mushahar qaataan sida ay madaxda ugu dhowyihiin oo qaar 8 malyuun qaataan aan waxba uqaban wasaarada qaar shaqeeya oo mesha raga ay kusocoto ahina ay qaataan 1 malyan miyaaney Ayaan daro aheyn.

Waxaa la furey Studio Birmingham ku yaala oo isna miisaaniyadi kubaxdo oo aan waxba lagu qaban taas wax aka sii daran ka dhawaan laga sameeyey magaalada Cardiff waa kii sadexaad oo aan lagaraneyn wuxu qabanyo waxaa taa kasii yaab badan Studio ga ku yaal dalka Sweden miyaynu aragney wali caalamka wariye laba tv ka howl gala waa maya taasi jawaabteedu. Waxaa jirtay sanadkan 2013  ayaa wadanka Biljim ay jaaliayada reer Somaliland magaalo madaxda ay mudaharaad ka sameeyeen guriga baarlamaanka Yurub kuna cadeynaayeen qadiyada gooni isytaaga waxa aan markaa anuu ka socdey Tvga Royal oo London Ayaan ka tagey waxaanu isugu nimi wariyii Tvga SLNTV ee Sweden Dalmar wareysiyadii oo aanu isku agqaadeyney ayaa  iga yaabiyey oo waxaabu sitaa magic ah SomalilandeuropeTv (SLETV) aad Ayaan ula yaabey waayo waxaabu ka howlgalaa tvga SLNTV ee dowladee side buu ugu shaqeynkaraa mid kale .Sow markaa xaq maaha kuwa wadankii joogaana inay xeerkaa raacaan oo ay iyaguna wariyayaashu ka shaqeeyaan kuwa local ka ah ama aan dalka dibadiisa laga daawan ee Bulsho tv iyo SLspace channel ka yaa ka mabnuucaaya isku soo wada duuboo waa aqoondarada maamulka meesha heysta. Studio ga London isagu heesaa wadaniga ah ee lagu amaanayo Somaliya ayaaba lagu sameeyaa isna hadalkiisaba daa.

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco……………………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories