HomeSiilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 14 Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 14 Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Deeley Dareenley

Rag Allow Madooxaa

Ma Dilaaciyaa Nabar –

 ‘Waa markhaati Ma doon iyo Muran-reeb, waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno, waa manfac aynu leenay haddana aynu moog nahey, ee bal aan miidda iyo Micnaha u daadego…

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.’ – QORAAGA

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la kowsadey Safaaradihii iyo Wakiilladii dibloomasiyadeed ee Somaliland ku laheyd adduunka oo in kabadan kala badh ahaana kuwii ugu muhiimsanaa kana mid ahaayeen kuwii waddamada Galbeedka Africa iyo Dalka South Africa oo ahaa dhamaantood dalalkii gooni isu taagga Somaliland u ololeynaayey, oo albaabada loo soo wada Xidhay. Ma waddamadaas ayaa beddaley mowqifkoodii Mise Somaliland ayaa mowqifkeedii beddeshay?

Akhriste, Su’aashaa jawaabteedu waxa ay u baahan tahay falan-qeyn qotodheer iyo in xukuumadda fashilaadda ku dhow ee Siilaanyo ay bulshada u sharraxdo sababaha albaabada u laabay xafiisyadaas. Haseyeeshee, halkaa waxa kaaga muuqata in safaaradihii la soo koobey, taas oo ka shidaal-qaadanaysa heshiiskii uu [Siilaanyo] la soo galey dawladda Mareykanka ee aynu qormooyinkii hore kaga soo hadalnay halka uu Madaxweynihii ka horeeyey [Rayaale] la garnaqsanayey dawladaha aynu Qaarad-wadaaga nahey kuwaas oo qoraal-garnaqsi ah oo uu 23 January, 2008-dii u diray Toddoba hoggaamiye oo Afrikaan ah uu u diray Madaxweynaha Gaana John Kufour oo uu ugu sheegay in Midowga Afrika iska indho tirayo xaqaa’iqa ka jira Somaliland iyo weliba in cadaalad darro lagula kacay shacabka reer Somaliland.

Ugu horayn wuxuu Daahir Rayaale, salaan ka dib, madaxweynaha Gaana dareensiiyay aragtida shacabka Somaliland ee ku waajahan dawladnimadooda, amnigaiyo aayo ka tashigooda, isagoo intaas u raaciyay safarkiisii uu wakhtigaas ku tagay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ay ka soo wada hadleen danaha ay la wadaagaan Somaliland. Madaxweynihii hore, wuxuu dhambaalkiisa uu u diray Madaxweynihii Gaana ku soo koobay afar qodob oo uu qodobka u horeeyaa u dhignaa; “Waa cadaalad darro iyo weliba sharci darro in hantidii ay wada lahaayeen Somaliland iyo Somaliya la siiyo dhinac keliya, iyadoo aan dhinacii kale lala tashan,” ayuu ku yidhi Rayaale qodobkiisa koowaad, isagoo qodobka labaadna ku yidhi, “Kursiga Somalidu ay ku leedahay Midowga Afrika waa inuu banaanaadaa inta ay Somaliland iyo Somaliya khilaafkooda ku xalinayaan wada hadal.”
Daahir Rayaale oo qoraalkiisa uu Madaxweynihii Gaana u diray ay ka muuqatay dhiirranaan iyo isku kalsooni badani, waxa uu qodobkiisa saddexaad ku sheegay in Somaliland iyo Somaliya si siman kursi goob-jooge looga siiyo Midowga Afrika, inta lagu jiro muddadaas [xalinta khilaafkooda]. Waxaanu qodobkiisa u dambeeya ku yidhi, “Ugu dambayna, Somaliland iyo Somaliya waa in la siiyaa laba kursi iyaga oo ah laba dal oo kala madaxbanaan.”
Madaxweynihii hore, Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu Madaxweyne John Kufour oo wakhtigaas ahaa guddoomiyihii Midowga Afrika dareensiiyay sida aanu Midowga Afrika ugu camal falin warbixin ay guddi uu Ururku soo diray ka diyaariyeen Somaliland, taas oo nuxurkeedu ahaa inaanu aqoonsiga Somaliland dhibaato u keeni doonin Afrika.

“Mudane, xuquuqda shacabka Somaliland waa la iska indho tiray 17-kii sannadood ee u dambeeyay, iyada oo ay sidaas tahayna Somaliland waxay maraysaa marxalad adag, xuquuqda Somaliland oo keliyana lama dafirin ee weliba wadankayga waxa loo ciqaabay dambiyada ka dhacaya waxa loo yaqaano Koonfurta Somaliya. Dambiyadan waxa ka mid ah tahriibinta bani-aadamka, budhcad-badeedda, tahriibinta hubka sharci-darrada ah iyo waxyaabo kale,”ayuu ku yidhi qoraalkiisa Madaxweyne Rayaale, isagoo raaciyay, “Marka ay sidaas tahayna, muddada uu caqligaaga wanaagsani Midowga Afrika hoggaaminayo, waxaan rajaynayaa inaan la iska dhego-tirin codsiyada Somaliland ee ah cadaalad iyo garsoor. Cadaaladda oo dib loo dhigaa, waa cadaaladdii oo la dafiray,” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Rayaale.
Rayaale, waxa uu guddoomiye John Kufour ku wargeliyay inuu mar labaad madaxda Midowga Afrika ku martiqaadayo inay Somaliland u soo diraan wefti labaad oo xaqiiqo raadis ah. “Ugu dambayn, Mudane aan kaa codsado inaad codsigaygan soo hordhigto shirka Midowga Afrika ee soo socda ee 31 January, 2008,” ayuu ku yidhi, isagoo intaas raaciyay, “Waxaan ku rajo weynahay oo aan kalsooni ku qabaa in la horumarin doono mabaa’dida aasaaska u ah Midowga Afrika oo ah xoojinta nabadgelyada iyo dawlad wanaagga, talaabo habboona la qaadi doono . Waxaan kaa sugayaa jawaab deg deg ah.”
Madaxweynihii hore, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu qoraalkan uu u diray Madaxweynihii Gaana oo ahaa guddoomiyaha Midowga Afrika ee wakhtigaas, wargelin ahaan iyagana ku siiyay Madaxda kala ah Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo wahktigaas ahaa guddoomiyaha IGAD, Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame, Madaxweynihii Koonfur Afrika Thabo Embeki, Madaxweynaha Tansaniya Jakaya Kigwete iyo Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Umaru Yar Adua.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalada Daahir Rayaale u diray bulshada caalamka, ayaa waxa ka muuqatay isku kalsooni iyo inaanu la gabban jirin difaaca qaranimada Somaliland, waxaanay dad badani aaminsanyihiin wakhtiga uu talada wareejiyay inuu waxyaabo badan oo muhiim ah ka qabtay dhinaca xidhiidhka caalamka iyo weliba isu soo dhawaynta bulshada Somaliland.

Qormadeenan, aan ku soo gunaanado tixdan maansada ah;

Dagal laga hayaamaa
Laygaga dareeree
Duligaan kunoolney
Kaan dooraney weeyoo
Noloshaad ududeysaan
Taad diideen weeye

 liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LA SOCO…………………………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories