HomeSiilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 13 Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe

Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 13 Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto,

Waxa lagu dhawaaqey natiijadii doorashada madaxtinimada Somaliland 1 juley 2010 waa afar cisho kadib uun maalintii loo dareerey codbixinta waxaana ku guuleystey xisbaga kulmiye waxaa noqdey madaxweynaha cusub ee Somaliland Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo uu ku xigeena unoqdey C/raxmaan C/lahi Ismaciil Saylici waana madaxweynhii afraad iyo madaxweyne kuxigeenkii Shanaad ee jamuuriyada Somaliland .

Aynu kunoqono doorashadii ka horeysey ee madaxtinimada ee 2003 ee uu kuguuleystey Riyaale waxa uu Qudbadiisii ugu horeysey iyo hadalkiisiiba kubilaabey waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland intii idooratey iyo intii aan idooranba waxaan u ahey hada madaxweynahoodii waxaanad dunida tusteen dumuquraadiyad dhaba aad ayaanan idiinku mahad naqayaa.

Waxa kamida waxyaabaha xilwareejinta in ay labada madaxweyne Bil kadib ay xilka la kala wareegidoonaan waana arin dastuuriya markii Madaxweyne siilaanyo loo sheegey in uu laga bilaabo 1july 2010 yahey madaxweynaha Somaliland qodbadiisii ugu horeysey ama hadalkiisii ugu horeeyey waxa uu uhambalyeeyey intii codka siisey markaa halkaa waxaa kaaga muuqata in uu madaxweyne uyahey intii dooratey oo kaliya balse Riyaale uu Somaliland oo dhan u ahaa madaxweyne maadaama uu intii codka siisey iyo intii aan siinba uu hambalyeeyey. Maalintii uu Riyaale xilka Siilaanyo ku wareejinaayey waxa uu ku yidhi waxaan kugu wareejiyey dal iyo dadmideysan oo aan kala qeybsaneyn waxa aan la ilaawikarin madaxweyne Riyaale waxa uu Siilaanyo ku yidhi waligey igumaad odhan oo iimaad quudhin ereyga madaxweyne maantase anuu waxaan kuleeyey madaxweyne kusoo dhawow.

Waxa uu bilaabey kuna soo rogaal celiyey siyaasadii uu mujaahidiintii SNM ku bilaabey 1984 kii ee aheyd gudiyo waxaanu bilaabey gudi ka soo talisa habka dhismaa xukuumada ee golaha wasiirada .gudidii waxay gaadheen iyo wixii uu jeebada kala soobaxayba waxaa uu ku dhawaaqey golihii wasiirada ee ugu horeeyey oo ka koobnaa 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen taasi oo uu kubalan qaadey inuu yareyndoono wasiirada maadaama uu kharash badani kubaxo oo uu wasaaradaa isku dardaridoono waxa uu sidoo kale ku balan qaadey lacagaa la lunsado ee madaxweyne riyaale lagu eedeynjirey in wasaaradahooda ku shaqada le la hoosgeyndoono sida dekada Berbera oo wasaaradeeda la hoosgeyndoono haayadaha ay kamidka yihiin Tvga qaranaka ee SLNTV oo madax banaanaa la hoos geyndoono wasaarada warfaafinta iyo waxyaabo kale .

Dhismihii wasiirada ee xukuumada siilaanyo ugu horeeyey waxa uu la magacaabey halSafiir kaasi oo uu u magacaabey dalka Ethopia kana turjumayey sitoosa isbadalka ku yimi siyaasda arimaha dibada Somaliland, waxa kuugu xigtay Safaaradihii iyo wakiiladii aynu kulaheyn aduunka oo inkabadan kala badh ahaana kuwii ugu muhiimsanaa kana mid ahaayeen kuwii wadamada Galbeedka Africa iyo dalka South Africa oo ahaa dhamaantood dalalkii gooni usu taaga Somaliland u ololeynaayey ayaa albaabada loosoo wada xidhay .Ma wadamadaas ayaa badley mowqifkoodii mise Somaliland ayaa mowqifkeedii badashey? . Halkaa waxa kaaga muuqata in safaaradihiina la soo koobey.

Waxaa ay xukuumadii bilowdey inay yidhaahdaan hanala xisabiyo iyo inay bilaabaan nadaafad ama xashiish gurid waxa ay bilaabeen 100 boqolkii cisho ee u horeeyey inay soo bandhigeen wax qabadkoodii waxay 45 cishaba sameeyaan maalin uu madaxweyne Siilaanyo majarafad qaato oo uu yidhaa xashiish baynu ururinaynaa ,bal aynu kuyara noqo nin la odhan jirey Sheekh Biliso oo Hargeysa xiligii dowladii Kaligii taliyihii Afweyne joogey ayaa wuxuu ahaa Falalow waxa uu Hargeysa sida la sheegey koonayaasha Ku qalijirey Xoolo kaas oo Sixir ahaa ,Hadaba dowlada Siilaanyo na waxa ya bilowdey inay shacbiga jeediso oo aan la ogaan wax yaabaha khiyaamada ah ama

marka ay fulinayaa arintii maraykanka ee sanadii 2009 uu siilaanyo soo saxeexey waxa ay bilaabeen iska daa wax kaloo inay seef la dhex qaadaan shaqaala hoosaad aan ahey iyagu qaar lagu tuhmikaro inay ka mid ahaayeen xisbigii Udub .Aan kuyara noqdee waxa ay shacbigu bixiyaan magac kolba sida uu yahey ama ushaqeyso dowladaasi waxay ubixiyeen dowladii riyaale (Cawaro) halka ay tan Siilaanyana ay ubixiyeen isla sanadkii ugu horeyseyba magaca (Ciil Qaba ) markaa waxaad xasuusaneysaa qudbadii ugu horeysey ee uu Siilaanyo ujeediyo shacbiga inuu cadaawad uqabo intii xisbiyada kale raacdey.

Waxaa udhamaatey sanadkii ugu horeeyey isagoo madaxweyne siilaanyo qudbad ka horjeediyey labada gole ee Somaliland waxaana qudbadiisii ka mid ahey in ay miisaaniyada Somaliland kor uqaadeen in ay haayadii madaxa banaanaa mid walba hoos geeyeen wasaaradii ay ka tirsanaayeen. Runtii markaad eegto wax waa qabteen balse waxa.

Hadii aynu dib ugu yara noqono waxyaabihii uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilijirey Daahir Riyaale waxaa ka mid aheyd heshiisyada lala galo shirkadaha shisheeye kuwaas oo uu sheegi jiray inaanay xukuumadii Daahir Rayaale hor keeni jiray Baarlamaan ,ma doonayno Baarlamaan dhufaanan, waxaanu doonaynaa Baarlamaan qoodhi iskugu tagto.

sawir-200x300

Lasoco………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories