HomeSiilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 12aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe

Siilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 12aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Inkasta oo aanay dadku aad u dhaadin waxa jiray in dowladaha reer galbeedku ay dabada ka riixayeen in Kulmiye ku guulaysto doorashada Somaliland. Danaha maraykanku ay ka lahaayeen Siilaanyo way caddaayeen, kadib markay arkeen in Ahmed ahaa Gudoomiyihii SNM, in Ahmed yahay aqoon yahan caan ah oo bulshadana sharaf ku leh, in Ahmed ka so jeedo qabaa’ilada waawayn ee Somaliland waliba kuwa ay ku adagtahay qadiyada gooni isutaagu, waxaa u cadaatay in Duqani yahay kii meel marin lahaa qorshahooda ay la damac sanyihiin wixii la isku odhan jiray Somalia.
Maadaama Ameerikaanka ay u cadayd danaha ay ka lahaayeen heshiiskan, waxa aynaan wali garan maxay ahayd danaha Axmed kalahaa in uu sexeexo maamul goboleed?.

Dadyowga Soomaaliyeed meelay joogaanba waxaa dhacda in hadba cidii maamulka u haysaa ay ku takri fasho dhaqaalaha ummada, in ay ka leexdaan qawaaninta, in ay xoriyadtil qawlka cidhiidhi galiyaan. Hadaba shicibka oo intaa oo duudsiya lagu sameeyay waxay u yeeshaan dulqaad inta ay ka so gaadhayso Diintooda iyo Qabiilkooda oo ay u arkaan lama taabtaan.Dadka Somaliland waxa intaa u dheer Gooni isu taaga oo iyana ugu jirta qaybaha lama taabtaanka ah. Waxa ayaan daro ah in is Maamul Goboleedka Kulmiye lagu maamuuso guulo aanu soo hoyn.

Waxa jirtay xiligii Riyaale cabasho balse sidan maanta looma cabaneyn waxaa jirtay in la odhanjirey Riyaale aqaluu dibada ka iibsadey ama waxa uu lunsadey hantida iyadoo hadana ay qoyska Siilaanyo aad udhaleeceyn jireen waxa uu ahaa madaxweyne iyo xukuumad udhabar adeygtey waxkasta oo laga sheego sanadii 2008 shirkii la gufalaan qeeyey qabsoomida doorashadii Somaliland oo xiligaas ay soo foodsaartey dhaqaale la aan isla sanadaa waxaa dhacdey in Riyaale looga yeedhey dalka mareykanka oo ay waxa mudo kordhin la sameeyey oo ahayd 1 halsano hase ahaatee way ku qabsoomiweydey waxaana markale loo kordhiyey madaxweyne Riyaale 1 sano oo kale ilaa 2009 kii.

Xiligaa dambe ee loo kordhiyey waa markii uu Siiraanyo mudaharaadka soo horkacey ee uu lahaa ma yeeleyno mudo kordhinta isagoo caruurtii wax ku noqotey yidhi ma ogolin in shacbiga ay Ciidanku Rasaas kufaraan halkaa waxa ka bilaabantey siyaasadii ABAAH QASKA aheyd ee siilaanyo.

Hadaba Siyaasadan ABAAH QASKA ee Siilaanyo intaanay sal dhigin 2009 kulankii dhabarjabinta qaran ahaa ee ku dhexmarey gudoomiyii xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo uu weheliyo Xoghayihiisii arimaha dibada imikana ah wasiirka Ganacsiga iyo Donald payne kii haligmay oo wakhtigaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka oo wakhtigaasi alifey qorshe uu watey oo ah kan maata fulintiisii socoto iyadoo xiligaasi dowladii Daahir Riyaale ee ku qaadaceen . Bal hadaba hadaad dib ugu noqotaan Siilaanyo sadexdii hadal ee uhoreeyey ee uu jeediyey intuu xukunka hayey waxa uu ku sheegey inuu badaley siyaasadii arimaha dibada Somaliland isagoon inoocadeyn waxa uu badaley iyo halka uu u badaley . waa su’aale ma dowladii Carabtaa badaley mowqifkii ay ka taagnaayeen Somaliland ? ma dowladii Masar ayaa badashey mowqifkii ay Somaliland ka taagneyd? Mise isbadalku xageenuu kayimi?. Sikastaba ha ahaatee siyaasada uu watey maraykanku ayaa aheyd hadii aynu inyar dib ugu noqono in la sameeyo -Reginal approach -ama sidii gobol gobal loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho Regime Change oo baryahan dambe qayb wayn ka ah siyaasadaha dibada ee maraykanka waxa uu markaa siilaanyo saxeexey shirqoolkaa ay maleegayeen mareykanku .

Waxaa markaa kuu cad ina aanu siilaanyo qaranimada Somaliland dank a laheyn balse uu sameeyo waxkastoo uu ku helikaro kursiga madaxtinimada waxaanu goobtaa darajada uu wax ku saxeexey aheyd inuu ka masuul yahey maamul goboleed waxa arinta ka biyo diidey xukuumada Somaliland waxaanay dooneen inay siilaanyo talaabo kaqaadaan maadaama uu sameeyey khiyaamo qaran balse shacbiaga Somaliland oo ubadnaa dhalinyaro ayaa ka diidey isagoo Siilaanyo yidhi cid aniga wax iyeelikartaa majirto waxaana siwayn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa iyadoo ay dowladu iska cafidey .

Waxa uu Riyaale soo qabtey waxyaabo aad ubadan waxa markaa jirtay umad isku duuban ,waxa hadaba ay xisbiga Kulmiye bilaabeen in ay ololohooda ku bilaabaan hab qabiil oo aad ufoolxun oo runtii aan wanaagsaney waxa uu khilaaf ka yimi komiishankii ay xisbiyada mucaaridku soo xulanayeen inkastoo ay iska dhamaatey waxa aan isna marnaba la ilaawayn Abwaan gaariye iyo culimada oo khilaafaadka dhexgalijirtay isagoo Gaariye ahaa Shakhsiga kaliya ee runta usheegijirey dowladkasta maanta se boos kiisii waa uu banaanyey, waxaa komiishankii ay ku dhawaaqeen in ay doorashada madaxtinimada ee Somaliland dhicidoonto maalinta 26/Jun/2010. Waxaa ay xusbiyadu bilaabeen ololohoodii waxa uu Siilaanyo iyo Xisbigiisu ku ololeynjireen dhowr wax yaabood oo ay ka mid ahey ( Udub way tageysaa ee ha tahriibina iyo dadka shaqo abuuris ayaan usameyneynaa) waxaa ay ku eedeynjireen Xisbiga kulmiye Riyaale iyo Marwadiisii in ay wasaaradaha Somaliland shaqaaleysiiyeen dad iyaga ka soo jeeda oo la odhanjirey wasaarad walba nin madaxa ayey geeyeen ama shaqaalaha ugu sareeya ah walaw aanuu hal qof aheyn wax la sheegaba waxa kaloo aan xasuustaa in uu Siilaanyo ku ololeynjirey meelkasta waxaan geynayaa Dad aqoontoodii le in aanu jiridoonin in qabyaalad aaney ku dhaqmidoonin iyo in shacbiga simanyey Somaliland.

Waxa doorashadii madaxtinimada Somaliland lagu dhawaaqey

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoc…………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories