HomeSiilaanyo Ayaa Sidaa Ku Dambayn Marna Maan Suuraysan!

Siilaanyo Ayaa Sidaa Ku Dambayn Marna Maan Suuraysan!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qorshe iimay ahayn inaan qalinka siyaasad u qaato bil Ramadaan taladana kumaan darsan ka hadalkeedaba. Waxaase saaka igu diray ficillada aan siisan waayay ee ku lamaanaa ama ku gadaamnaa soo guryo noqoshadii Madaxweyne Siilaanyo. Anigoo hamuun iyo xiise weyn u qaba ayaan u holaday inaan warbaahinta ka daawado imaatinka madaxweynaha dabcan dareen iimay samayn qaabka buunbuuniska ah ee madaxweynaha dalkiisa loogu soo dhaweynayo waxaase dareen xadanto leh ii samaynaysay waxay ahayd ee aan dhawrayay warbixinta uu madaxweynuhu ka bixinayo safarka uu ku maqnaa iyo waxyaabaha u soo qabsoomay waxaan maanka ku hayay in aanu sidii hore xidhiidhka soomaaliland iyo wadamada derisku u adkayn; walaw uu is kaashigu jiro oo aan marnaba la kala maarmayn. Waxaan sidoo kale xusuusnaa in safarka madaxweynuhu ku soo beegmay xili dal-ku-galkii safaarada itoobiya hakad ku jiray, waxa iyada laftigeeda aan xusuustayda ka maqnayn inaan madaxweynuhu xog cuntami karta ka bixin safarkii uu dhawaan uun kaga soo noqday Imaaraadka , isla jeerkaas waxa iyaduna igu taagnay bulshadana aan dareensanahay inay ku mudan tahay dhamaadka muddo xileedka xaqa ah ee madaxweynaha oo aan wali xal loo helin.

Akhriste tirin kari maayo meelaha maankayga taabanayay ee aad ila dhawraysay inuu madaxweynuhu ka hadli doono.

Dhinaca kalena waxa xusuustayda ku dhararnaa dharaarihii madaxweynuhu mucaaridka ahaa weedhihii dhaxal galka ahaa ee ku duri jiray ama ku faaqidi jiray madaxweyne Rayaale kuwaas oo u badnaa inuu bulshada u iftiimin jiray qalaadaadka ku jiray safaradii madaxweynaha wakhtigaas isagoo aynu wada ogsoonay in Siilaanyo aad saluug uga muujin jiray warbixinaha uu Rayaale bixiyo xiliyada uu soo noqdo inkasta oo uu Rayaale ogolaa in su’aalo laga waydiiyo safarada uu baxo isla markaana uu ka hadli jiray xaalad kasta oo jirtaba.

Waxba yaanay mawjadaha xusuustu hirar tagay i muquurinine.

Haddiiba ay filashadaydu sidaa ahayd waxaan fagaaraha soo tabinta warbaahinta kula kulmay madaxweynihii qarankan, odaygii bulshadan, astaantii ummaddan oo isaga oo soo taagan la yidhaahdo wax su’aal ah ma waydiin kartaan way dhamaatay, oo waayee hadii aan isaga wax su’aal ah la waydiin yaa bulshada u waramaya? Goorma ayay bulshadu xog ka helaysaa wixii loogu maqnaa? Wixii u soo qabsoomay iyo wixii qabyo ka nodayba?

Bal idinkuba jawaab u hela waydiimahan iyo kuwa idinka dhex guuxayaba!

Waxa intaas igaga darnaa madaxweynaha haba u diidaan in su’aalo la waydiiyee isagii oo soo taagan ayaa inta ay sidii ilmo yar oo sabi ah oo daawanaya ama ku maqan wax yar oo garaadkiisu la cajabay inta ay gacanta odaygii qabteen u duduceen sidii neef sayladii lagu iibinayay lagu sii waddo. Bal idinkaan idiin dhiibay xaaladaas oo kale maxaa ka fool xun miyaanay ahayn in magaciisii iyo meeqaamkiisiiba in la tirtiray oo laga dhigay dhalaan aan dhugmo u lahayn waxa dhacaya!

Marka ay iyadoo sidaa loo buuxo odaygii dhankay doonaan u dhaqaajiyaan sidee ayay hadhaw u odhan karayaan madaxweynaa la caayay marka dadka qaar yidhaahdaan madaxweynuhu waxba ma oga iyo cid kale ayaa wax maamusha! Xaasha anigu odhan maayee.

Isku soo wada duuboo madaxweyne Siilaanyo aan qudbadihiisa iyo hadaladii in badan dhugan jiray qabashada xilka madaxweynenimo ka hor marnaba maan soo dhigan mana suuraysan waxaad hadana la kulmi oo aad dhagaysan ama daawan isagoo warkiisuna gaaban yahay bulshadana inuu xog siiyo loo diidan yahay!

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories