HomeSifo Sharci ah ha Lagula Dagaalamo Cidkasta oo Faafisa Been-abuur iyo Macluumaad...

Sifo Sharci ah ha Lagula Dagaalamo Cidkasta oo Faafisa Been-abuur iyo Macluumaad Khuraafaad ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankFaalo: Suxufi Maxamed Cirro

Dalalka Adduunku waxa ay xiligan ku hawlan yihiin laba dagaal oo isbarkan oo kala ah; dagaalka lagu xakammaynayo xannuunkan halista ah ee Coronovirus ama covid-19 iyo dagaal kale oo ah sidii wax looga qaban lahaa wararka been-abuurka ah ee laga faafinayo xannuunkan saamaynta xun ku yeeshay caalamka, iyadoo ay macluumaadyada khaldan iyo wararka been-abuurka ah ay khalkhal xooggan ku hayaan bulshada.

Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa xidhiidhka bulshada (Social Media) ee ay ka mid tahay Shirkadda Facebook, ayaa iyaguna dhinacooda ku jira dagaal xooggan oo ay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan dadka faafinaya been-abuurka iyo wararka samayska ah (fake news) ee la xidhiidha xannuunkan Covid-19, waxayna maalin walba hawada ka saaraan boqolaal kun oo ciwaanno been-abuur ah (fake accounts) iyo sidoo kale ciwaanno sax ah oo dadka isticmaalaa ay ku baahiyeen waxyaabo been ah iyo macluumaadyo halis ku ah caafimaadka bulshada.

Haddaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah meelaha dagaalka kula jira xannuunkan Covid-19, ayaa sidoo kale waxa uu la daalaa-dhacayaa wararka beenta iyo macmalka ah (fake news) ee laga faafinayo cudurkan halista ah, waxaanna baraha xidhiidhka bulshada oo uu ugu muhiimsan yahay facebook-gu lagu baahiyaa macluumaadyo lagu jaho-wareerinayo dadka rayidka ah, waxaanna wararkaas ugu dambeeyey qaar la faafinayey 48-kii saacood ee u dambeeyey oo ay ka mid yihiin inay baxsadeen laba qof oo ka mid ah saddex ruux oo la sheegay in xannuunkan Coronovirus laga helay.

Waxa kaloo jira in mararka qaarkood fasiraad khaldan laga bixiyo ama si marin-habaabin ah loo faafiyo go’aannada soo baxa ee lagu xakammaynayo xannuunkan Covid-19, taasoo bulshada ku abuurta jaho-warareer, waxaanna taas tusaale u ah qodob ku jiray go’aan soo baxay 13 April 2020, kaasoo u dhignaa; “Guddidu markay daristay qodobka 6-aad ee talo-soo-jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii April, kuna aaddanaa ka-hortagga cudurka COVID-19, una dhigan sidan; “In shareecadeenna suubban ay u bannaysay ummadda in jamcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo, lana xaqiijiyo daruuro adag, sida; xannuunada faafa, IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xannuunka COVID-19,” waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4 toddobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan, taas oo ka billaabmaysa 15-April-2020, ayna ku tukadaan guryahooda, si looga baaqsado faafidda cudurka, waxaa mu’addiniinta masaajidda la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada (Salluu fii rixaalikum).

Qodobkan ahaa in dadku ku tukadaan guryahooda, waxa laga bixiyey turjumaad been-abuur ah oo sheegaysa in albaabada loo xidhayo masaajidada lagu cibaadaysto, waxayna taasi sababtay in culimada iyo dadku ka cadhoodaan, diidmana ka muujiyaan, iyagoo soo daliishaday Aayado qur’aan ah oo tilmaamaya ciqaabta Ilaahay (SWT) marinayo cidda amarta in la xidho masjid Ilaahay oo lagu cibaadaysto, balse Dowladda Somaliland iyo Guddida Heer Qaran midkoodna ma sheegin, mana amrin in masaajidada la xidho, sida saxda ah ee uu qodobkaasi u qornaana waxay ahayd in guryaha lagu tukado, si loo kala yareeyo culayska ay leeyihiin dadka ku cibaadaysta masaajidada.

Hasayeeshee, Guddida Heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hortagga Xannuunka Covid-19, ayaa qoraal ay faafiyeen ku caddeeyey inay dacwad ka gudbiyeen shaqsiyaad lagu haysto inay faafiyeen warar been-abuur ah, iyadoo ay tallaabadaasi tahay mid muhiim ah oo lagaga hortegayo macluumaadka beenta ah ee loo gudbinayo dadka muwaadiniinta iyo bulshooyinka kale ee ku nool dalka Somaliland.

Qoraalka Guddida oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Waxa aannu Dacwad ka gudbinay shakhsiyaad dhawr ah oo Bulshada dhexdeeda ku faafiyay warar been-abuur ah (Fake news) oo ku saabsan xaaladaha Cudurka Coronavirus, kaas oo aynu dhammaanteen si wadajir ah maanta ula dagaalamayno.

Waxa aannu caddaynaynaa;

1. Inaanu jirin Bukaan la xaqiijiyay in Cudurkani haleelay ama Muwaadin Karantiin ku jira oo baxsaday ama xogtiisa la waayay.

2. In Muuqaalka baraha Bulshada wareegaya ee loo turjumay inuu yahay Bukaan uu haleelay Cudurku oo Gaadiidka dadweynaha laga dejinayaa uu yahay mid xaqiiqada ka fog, isla markaana muuqaalkaasi baraha Bulshada lagu arkay dabayaaqadii sannadkii hore oo ka horraysay intii xaaladda cudurkani soo gaadhay dalkeena iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Xilligan adag warka been-abuurka ah ee ku saabsan cudurkani, wuxuu khatargelin karaa nolosha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu abuuri karaa Jaho-wareer Bulsho, kaas oo liddi ku ah wacyigelinta iyo dedaalada ka hortagga ee Guddidu ku hawlantahay, sidaas darteed waxa aannu xil iska saari doonaa in aanu ka ilaalino in Bulshada lagu dhex faafiyo warar noocaas, sidoo kalena waxa aannu Booliiska iyo Hay’adaha Garsoorka la kaashan doonaa sidii talaabo sharci ah looga qaadi lahaa ciddii ku kacda falal noocaas ah.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Booliiska, Xeer-ilaalinta, Culimada, Ururada Bulshada, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay noola shaqaynayaan Guddi ahaan, waxaanan rajaynaynaa inaan dedaaladeena kor u sii qaadno innaga oo isku duuban.”

Haddaba, waxa muhiim ah in si sax ah, run ah, xaqiiqdana ku fadhida loo iftiimiyey waxyaabaha ay ka gaabiyaan ama gal-daloolooyinka ka muuqda Xukuumadda Somaliland, Guddida Heer Qaran iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee la xidhiidha xannuunkan Coronavirus, iyadoo mar walba dhiilasha iyo toosinta lagu salaynayo dhinaca wanaagsan ee wax dhisidda ah (Objective Criticism), taasoo ah in waxa wanaagsan ee la qabtay la tilmaamo, wixii khaldana si sax ah loo soo bandhigo, si loogu wada faa’iideeyo bulshada Somaliland.

Hasayeeshee, wax fiican maaha in qofku uu si ku-talo-gal ah ama dhayalsi ah ama aqoon-darro ku jirto uu bulshada ugu dhex faafiyo warar been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin, looguna talogalay in khalkhal-gelin lagu abuuro, diinteena islaamkuna ma ogola in la faafiyo beenta iyo macluumaadka aan runta ahayn, taasoo ifka iyo aakhiraba lagu mutaysan karo dambi iyo ciqaab adag.

Halkan hoose ka eeg maqaal uu telefiishanka Aljazeera ka diyaariyey sida uu caalamku ula dagaalamayo wararka been-abuurka ah.

https://www.aljazeera.com/news/2020/04/fighting-fake-news-front-coronavirus-battle-200413164832300.html

Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories