HomeSifaha xadhig ee Ganacsade Cumar Caydiid ma beenin doontaa isbedeladii CADAALADA ee...

Sifaha xadhig ee Ganacsade Cumar Caydiid ma beenin doontaa isbedeladii CADAALADA ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Ummad walba jiritaankeeda & horumarkeeda waxa saldhig u ah kuna xidhan yahay dhaqanka shuruucda iyo qawaaniinta ay dejistaan, taa la’aanteedna waxay ka dhigan tahay in ummadaasi ku dambayso burbur, sidii hore u soo martay in badan oo shucuubta dunnida ka mid ah, innaga lafteenu shacabka Somaliland qeyb ka nahay ummadihii ku aafoobay markii ay ka leexdeen shuruucdii u degsanayd rajiimkii Siyaad Barre.

Maanta waxa dalkeena ka taagan qadiyad xadhig loo geystay nin Ganacsade ajaanib ah, una dhashay dalka Jabuuti Cumar Caydiid Axmed, taasoo sifaha loo maray xadhigiisu baalmarsan yahay nidaamka shuruucda iyo qawaaniinta dalka u degsan, marka laga yimaado hadday jiraan eedo loo haysto.

Dastuurka Somaliland waxuu si cad u bayaamiyey xuquuqaha aasaasiga ee muwaadiniintu Somaliland leeyahiin iyo sifaha loo marayo dacwad kastoo timaada,

Sida ku cad qodobka sideedaad ee dastuurka dalka oo ka hdlaya sinnaanta muwaadiniinta waxuu farqadiisa saddexaad dhigaysaa:

3.Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortiisa ku leeyihiin xuquuqiyo waajibaad la siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

Sidoo kale qodobka ee sheegaya xaqa XORRIYDDA, DAMAANA-QAADKA waxay farqadiisa labaad sheegaysaa:

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

Sidoo kale qodobka 29aad ee dastuurka dalka oo ka hadla XURMAYNTA HOYGA oo u dhigan sidan:

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

Inkastoo dhamaan qodobadan iyo kuwo kaloo badan oo dastuurka Somaliland, shuruucda iyo qawaaniinta u yaal dalka dhigayaan, u ilaaliyeen sharafta qofka bani’aadamka ah, haddana waxa si cad u muuqata in ciidamada booliiska Somaliland sifo sharci-daro ah iyo fal si cad u jebinaya qodobada dastuurka Somaliland dhigayo iyo guud ahaan qawaaniinta dalku dhigayaan u mareen xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed.

Waxa isweydiin leh shuruucda iyo qawaaniinta dalka Somaliland u yaala, hadii ku dhaqankooda la baalmaro yaa iska leh masuuliyada inay wax ka qabato, saxdo, isla markaana cid kastoo gefkaa samaysay baadhitaan ka dib, ciqaabta uu mutaysto marsiisa?

Xadiis nebigeena Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa “Hadaad xumaan aragtaa, ku suuliya gacantiina, afkiina ama uurka (niyada) ka naca..waana halka ugu hooseysa iimaanka), waxa dhamaan ummada islaamka ah ku

waajib ah inay qaab waano iyo waxsheeg kaga jawaabaan diiditaanka xumaan ama khald kastoo yimaada, laakiin, marnaba ma banana islaamkuna ma ogola in qaab adadayg, dagaal iyo wax la mid ah looga jawaabo, taasoo sii hurin karta ama abuuri karta dhibaato cusub, sida xadiis nebigeena Maxamed CSW laga weriyey macnahiisu ayaa “Fitnadu way hurudaa, ILAAHAY ha nacdalo, qof kastoo toosiya”, markaa waxaan ugu baaqayaa qof kasta inuu iska ilaaliyo talaabo khaldan oo isaga naftiisa iyo guud ahaan ummada waxyeelo ku keenta.

Nin baa laga hayey “Waayeel Waa Ayo-iyo Waa Innaga Hadaynaan is-yeelyeelayn!, waxaan uga socdaa ka hadalka khalad kastoo dhaca, tilmaamidiisa iyo wax ka qabashadiisa, waa masuuliyad saran guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaana lagula xisaabtami doono dhamaan inta masuuliyada u haysa ummada oo waaxda GARSOORKA iyo GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE Md. ADAN XAAJI ADAN ugu horeeyo.

Miisaan xikmadeed ayaa odhanaya “Hadaad ka aamusto xumaan ka hadalkeedu waajib kugu yahay, macnaheedu waa inaad la qabto”, waxaan uga socdaa muddo laba maalmood ayaa ka soo wareegay markii ciidamada booliisku sifo baalmarsan sharciga xabsiga ugu taxaabeen ganacsade Cumar Caydiid, laakiin nasiibdaro, weli lama hayo wax jawaab ama sixitaan guud ahaan masuuliyiinta kala duwan ee Waaxda CADAALADA, oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Md. ADan Xaaji ugu horeeyo ka yidhaahdeen? Taa macnaheedu miyaanu noqonayn inay la qabaan ku talaabsiga sharci darada? Jawaabta waa HAA.

Isbedelkii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo ku sameeyey hay’adaha Garsoorka, kuna yimi Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Md. Adan Xaaji Adan waxuu ahaa talaabo si weyn guud ahaan shacabka Somaliland u soo dhoweeyeen, maadama dhibaatooyin badan hore uga taagnaan jireen nidaamka garsoorka iyo maxkamadaha

 dalka. Sidoo kale talaabooyinka isbedelada uu qaaday Gudoomiyaha Cusub Md. Adan oo wax badan ka bedelay caqabadihii ka taagna ahelitaanka cadaalad wanaagsan ee shacabku waxay sii kordhiyeen yidiiladii iyo aaminaada guud ahaan bulshadu ka dheehdeen inay ka go’an tahay isbedel muuqda oo la gaadhsiiyo cadaalada dalka oo Gudoomiyaha Maxkamada sare Md. Adan horseed u yahay.

Haddaba, guntii iyo gebagebadii qoraalkaygan waxaan kaga baxayaa sifahan ku khaldan shuruucda, qawaaniinta iyo dastuurka dalka Somaliland ee ciidamada booliisku u mareen xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed waxuu noqon doonaa miisaan guud ahaan bulshadu ku qiimayso in isbedelada Gudoomiyaha Maxkamada Sare Md. Adan Xaaji Adan hore ugu dhawaaqay inuu ku sameeyo hanaanka cadaalada dalka inay dhab ka tahay iyo inkale? Sidoo kale guul iyo guuldaro uu ka kasbado bulshada Somaliland guud ahaana waxay ku xidhaan doonaan jawaabta uu ka bixiyo wakhtigan ugu horeeya.

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed Walaaleye.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories