HomeSidee Xal Loogu Heli Karaa Dhibaatada Dooxyada Somaliland. W/Q: Liibaan Maxamed Faarax

Sidee Xal Loogu Heli Karaa Dhibaatada Dooxyada Somaliland. W/Q: Liibaan Maxamed Faarax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
IMG_3295Nimco waliba nusqaan leh. Masiibooyinka debeeciga ah ee adduunyada aynu ku nool nahay guudkeeda ka dhacaa waa kuwo fara badan. Waxaana ka mid ah Dabaylaha, Duufaannada, Daadadka, Dhul-gariirka iyo Foolkaanaha.
Haddaynu si gaar ah isu-dul-taagno ujeeddada aan maanta qalinka u qaatay, waxaa jira Dooxyada taxan waddada Laamiga ah ee isku xidha Berbera illaa Hargeysa, waxay galaaftay boqollaal nafood, kuna sahayatay hanti  badan, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno ee Gu’ga oo Roobabku curtay ay ka dhashaan Daadad laxaad leh oo ku soo rogmada Dooxyada isdaba-yaal jidka u dhexeeya magaalo-xeebeedda Berbera iyo Caasimadda Hargeysa. Sannadkasta waxa dhegahaygu maqlayaan Haldoor, Mudane, Siyaasi, Sheekh iyo Shariif ummadda qiime ku lahaa oo Daadka Dooxyadaasi la tegeen, ILLAAHAY naxariistii Janno haka waraabiyo dhammaantoode.
Saacaddu kama soo dheerayso kamana dib dhacdo wakhtiga ILLAAHAY noole kasta u qoray inuu dunida ka tago oo u kicitimo dhinaca hoyga dhabta ah ee Aakhiro. Hase-yeeshee, geeri kasta Noolaha maanta ku timaadda waa loo magac-bixiyaa oo wax baa loo arkaa ama Aadamuhu xaqiiqsadaa inay sabab u yihiin dhimashadiisa.
Sannad kasta waxay Dooxyadaasi sababaan dhimashada Muwaaddiniin reer Somaliland ah, waxaanay qaataan gaadiid iyo hanta ay leeyihiin Muwaaddiniin dalka u dhashay, sidaa daraaddeed, waxay is-weydiintu tahay maxaa wax looga qaban waayey? Inkasta oo aanay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray weli mid ka mid ahi ku guulaysan helitaanka xal lagu bedbaadin karo dadka iyo duunyada sannad walba Dooxyadu qaadaan. Waana inay dawladdu ogaato inay dadka iyo duunyadooda maalin walba Dooxyadu qaadayaan masuuliyadda koowaad iyada ka saaran yahay.T
Si loo bedbaadiyo nafta iyo maalka shacabka, haddii aanay dawladdu awood u lahayn inay Biriijyo ka dhisto Dooxyadaas, waxaa jira qorshayaal kale oo ay ku yarayn karto khasaaraha tirada beelay ee maalin kasta laga soo sheegayo Dooxadaas dadka iyo duunyada-ba halaaga ee dhimashada badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin; in dawladdu xilliyada Roobabka shaqaale kormeera geyso dhammaan Dooxyada waaweyn ee Bulshada halista ku haya, kuwaasoo masuulliyaddoodu tahay inay la socdaan xaaladda Daadadka Dooxyada mara iyo xaddigooda, oo marka ay Dooxyadu socdaan la soo socodsiiya dawladda, oo Idaacadaha iyo Warbaahinta looga digo shacabka marista waddada, lana xidho Dooxyadaas inta uu Daadadku dhammaanayaan.
Sidoo kale, waxaa dawladda looga baahan yahay inay wakhtiyada Roobabku tusan yihiin ama curran yihiin inay hawl-geliso Masuuliyiinta dawladda ee gobollada iyo degmooyinka Dooxyadu maraan ama ku dhaw yihiin, isla markaana ay ku taageerto Boolis la hawlgala madaxda degmooyinka, gobollada iyo kooxda hadday u suuragasho kormeerka samaynaysa ee soo jeedinteenna koowaad ku jira. Haddii ay Xukuumaddu ku guulaysato inay taladeennan aqbasho ama tixgeliso waxaan odhan karaa, waxaa lagu guulaysan karaa inay yaraadaan khasaaraha ay maalin kasta sababayaan Daadadka Dooxyada dadka iyo duunyada halaaga marayaa
Liibaan Maxamed Faarax
Berbera/Somaliland
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories