HomeSidee Warbaahinta Kenya uga faallootay Magacaabista Dibloomasiyiinta dalkaas ee Xafiiskooda Somaliland?

Sidee Warbaahinta Kenya uga faallootay Magacaabista Dibloomasiyiinta dalkaas ee Xafiiskooda Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta dalka Kenya, ayaa si weyn uga faalootay Xafiiska dibloomaasiyeed ee Kenya  ka furanayso Somaliland iyo Magacaabista Xubnaha ka hawl-geli doona oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaas.

Qoraal 2-dii bishan September ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa lagu magacaabay Afar xubnood oo ka hawl-gali doona xafiiskooda dibloomaasiyeed ee magaalada Hargeysa.

blank

Qoraalka magacaabista oo Wasaaraddu u dirtay xafiiska Somaliland ee Kenya, ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay Benson M. Mwaliko u magacowday Madaxa xafiiskooda Hargeysa (Head of Liaison Office), halka Charles K. Whaichari Qunsulku-xigeen (Second Counsellor) oo ah darajada 2aad ee xilalka Qunsuliyadaha. Sidoo kale Grace N. Musau iyo Ronald O. Yakweba ayaa loo magacaabay masuuliyiinta maamulka oo ka howlgali doona xafiiska (Administrative Attache).

Haddaba, warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya oo ay ka mid yihiin Wargeysyada The East African, The Standard iyo The Star, ayaa siyaabo kala duwan uga faallooday xafiiska dibloomasiyadeed ee Kenya ka furanayso Hargeysa iyo muhiimadda uu u leeyahay Somaliland.

Wargeyska The East African ayaa sheegay in Kenya tahay Waddamada Bariga Afrika ee xidhiidhka adag la yeeshay Somaliland oo aan beesha Caalamka ka haysan Aqoonsi buuxa. “Kenya waxay ka mid tahay waddamada faro-ku-tiriska ah ee mandaqadda ee xidhiidh adag la yeeshay Somaliland oo aan Haysan Aqoonsiga Beesha Caalamka.” Sidaas ayuu Wargeysku qoray.

Sidoo kale, Wargeyska The Standard ayaa qoray in tallaabada Kenya ay Xafiiska kaga furatay Hargeysa uu sii xoojinayo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya maaddaama Muqdisho aanay Raalli ka ahayn in Kenya iyo Ama Cid kale xidhiidh la samaysato Somaliland.

“Tallaabadani waxay abuuri kartaa khilaaf diblomaasiyadeed cusub oo u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, maxaa yeelay Muqdisho waxay ku adkaysanaysaa in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda,” ayuu qoray Wargeyska The Standard.

Sidoo kale, warbaahinta kale ee arrintan ka hadashay, ayaa tallaabo muhiim u ah xidhiidhada dibadeed ee labada waddan ku tilmaamay xafiiska Kenya ka furanayso Somaliland.

Heshiis laba geesood ah oo bishii December ee sanadkii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxwayneyaasha Kenya iyo Somaliland ayaa lagu qorsheeyay in Kenya xafiiskeeda Hargaysa furato marka la gaadho bisha March ee sanadka 2021, laakiin waxa dib u dhaca sababay faafitaanka xannuunka COVID-19.

Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa la rejaynaya inay si wada jir ah Dhowaan ugu dhawaaqaan daahfurka xafiiska Kenya ee Hargaysa, isla-markaana si rasmi ah xadhiga looga jaro, Xafiiskaasi oo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, imikana ah Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan uu hore u sheegay in la dhamaystiray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories