HomeSidee Warbaahinta Dalka MALAWI wax uga Qortay Safarkii Wasiirkooda Khaarajigu ku tagay...

Sidee Warbaahinta Dalka MALAWI wax uga Qortay Safarkii Wasiirkooda Khaarajigu ku tagay Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Malawi, ayaa siyaabo kala duwan uga faallooday safarka uu Somaliland ku yimi Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas,  Eisenhower Mkaka oo Sabtidii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi oo ka kooban saddex xubnood oo wasaaraddiisa ka tirsan, ayaa Sabtidii la kulmay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  oo Aqalka madaxtooyada ku qaabilay, waxaanay labada dhinac kala wada-hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka, ganacsiga iyo dibloomasiyadda.

Sida ay faafisay warbaahinta dalka Malawi, weftiga wasiirka Arrimaha Dibadda waxa xubno ka ahaa Martin Toon oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Malawi iyo William Bambi oo ka tirsan Waaxda Xidhiidhka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Khaarajiga dalka Malawi.

Warbaahinta laga leeyahay Malawi ee ka faallooday socdaalka Wasiir Mkaka, waxa ka mid ah mareegaha wararka internekta ugu caansan dalkaas oo ka mid yihiin Malawi24 iyo Nyasa Times, kuwaas oo ugu horeyn warbixinahooda ku bilaabay in wasiirka Arrimaha Dibaddu uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyey salaan uu uga sido madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera, Isaga oo dhinaca kale Md Biixi uga mahad-celiyey sida diirran ee uu weftigiisa u soo dhaweeyey.

Malawi24, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in madaxweyne Biixi oo ka hadlay intii uu socday kulanka uu weftiga reer Malawi u soo bandhigay walaaca ay Somaliland iyo Shacabkeedu ka qabaan inaanay wali aqoonsi buuxa ka helin qaaradda Afrika iyo adduunka in kasta oo ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Warbaahinta Nyasa Times ayaa qortay in Wasiir Mkaka iyo waftiga Malawi ay la kulmeen masuuliyiin ka tirsan laamaha kala duwan ee Dawladda si ay ugu kuur galaan horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland.

“Dalkani wuxuu madax-banaanida ku dhawaaqay 1991-kii, wuxuuna leeyahay nidaam siyaasadeed oo shaqeynaya, hay’ado dowladeed, booliis iyo lacag u gaar ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta Malawi24 ka qoray kulanka wasiirka iyo madaxweynaha.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories