HomeSidee Warbaahinta Caalamku uga Faallootay Doorashooyinka Somaliland?

Sidee Warbaahinta Caalamku uga Faallootay Doorashooyinka Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta caalamka ayaa maanta si weyn wax uga qortay nabadgelyadda iyo dimuqraadiyadda ay Jamhuuriyadda Somaliland uga qabsoomeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixinno kala duwan oo laga qoray doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Telefishanka Aljazeera oo baahiyey in shacbiga Somaliland ay Isniintii maanta u dareereen doorashooyinka Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

blankTelefishanka Aljazeera wuxuu intaas ku daray inay Somaliland qabsatay doorashadii Wakiillada oo muddo ka badan toban sanno muddo dhaaftay, halka Muddo xileedka Dawladaha hoosena uu kal-dhaafay afar sannadood.

Waxa kaloo Telefishanka Aljazeera uu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo martiqaaday goobjoogeyaal caalami ah iyo siyaasiyiin magac leh oo ka socda dalal kale oo Afrikaan ah oo korjoogtaynaya doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Aljazeera waxa uu qormadiisa ku soo gabogabeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, iyadoo ilaa xilligaas baadi-doon ugu jirta aqoonsi caalami ah, kuna naaloonaysa dawladnimo madax-bannaan, isla markaana ay ka jirto xasilooni iyo lacag u gaar ah.

Somaliland elections 2021Greg Mills oo ah Agaasimaha Koox goobjoogayaal ah oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay Somaliland dimuqraadiyadda iyo horumarka tusaale ugu tahay dal kasta oo Afrikaan ah oo doonaya inuu gaadho dimuqraadiyad iyo horumar.

Sidoo kale, Warsidaha African Arguments ayaa sheegay warbixin uu qoray ku sheegay in Somaliland oo muddo 30 sannadood ah aan la aqoonsani ay haddana jirto oo ay oo ay aqoonsi la’aan is-bixisay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in aqoonsi la’aantu ay Somaliland waxtartay oo ay iskeed u gaadhay nabadgelyo, dawladnimo shaqeynaysa iyo dimuqraadiyad. Wargeys Shiine ah oo Macau Business, ayaa wax ka qoray doorashooyinka Somaliland waxaanu tilmaamay in doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka oo labaduba muddo dheer dib u dhacay saaka loo dareeray oo dadweynuhu ay u galeen sufuuf dhaadheer.

Macau Business wuxuu soo xigtay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo shacbiga ku boorriyey inay si nabdoon u codeeyaan.

Waxa kaloo uu warsidahaasi tilmaamay in Daahir Axmed oo ah sarkaal Booliska ka tirsan oo ilaalinayey goob codbixineed uu u sheegay in doorashadu u dhacday si layaable oo codbixiyeyaasha qaarkood ay safka soo galeen intii aanu waaguba baryin.

Wargeyska Macau Business wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya oo ku fashilantay inay qabsato doorasho qof iyo cod ah.

@SOLNA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories