HomeSidee Qorshaha Ka-bixitaanka Midowga Yurub u galaaftay Theresa May? - WARBIXIN

Sidee Qorshaha Ka-bixitaanka Midowga Yurub u galaaftay Theresa May? – WARBIXIN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ra’iisal wasaarahii labaad ee haweenay ah dalka Britain yeesho, ayaa waxa ugu danbeyntii galaaftay dagaalka muxaafidku la gelayaan Yurub.

 

Laakiin Theresa May waxay u egtahay inaysan ku biirin liiska ay ka mid tahay haweenaydii ka horeysay ee Margaret Thatcher ee taariikh ahaan, calaamad aan la illoobi karin kaga tegey dalkooda.

 

Ugu yaraan ma aha habkii ay rabtey markii ay soo gashay aqalka looga taliyo Britain ee Downing Street bishii July, sannadkii 2016.

blank

Ujeeddo kasta oo ay rabtey, oo uu ka mid ahaa inay gaadho qaybaha la illoobay ee dalkaasi ama wax ka qabato “caddaalad darrada gubaysa” bulshada reer Britain, waxaa dhammaantood galaafatay kelmad keliyaata taas oo ah “Brexit”.

 

Ku dhawaad saddexdii sano ee ay xafiiska joogtay, waxaa guud ahaan lagu qeexay go’aankii Ingiriisku ku doonayey inuu ka go’ midowga yurub iyo dedaalladii murugada lahaa ee ku aaddanaa si u ay u gaadho afti loo qaado.

 

Janaury 2019-kii waxay baarlamaanku qaaddaceen qorshaheedii, iyada oo uu ahaa qorshihii xubnaha ugu badan ka soo horjeetsteen taariikhda dawladda British-ka.

 

May, waxay samaysay dedaallo laba ka badan si ay ugu guulaysato aqbalaadda baarlamaanka. Iyadoo marba wax ka beddelaysay oo saxaysay qorshahaas, laakiin wuu guuldurraysanayey markasta.

 

Dadka ka codeeyey waxay filayeen in qorshahaasi xun yahay, halka safkeeda muxaafadku uu ku dooday inaysan fogeyn inay si buuxda UK uga tagto Midowga Yurub.

 

Isku day ahaa inay ka wada xaajoodan ka bixitaana Ingiriiska ee Yurub oo ay la gashay hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn wuxuu ku soo dhammaaday lix toddobaad oo wadahadallo ah oo aan wax natiijo ah la gaadhin.

 

Xaqiiqdii way walaacday, waxaana May xaqiiqsatay ugu danbayntii inaanay sii wadin shaqadii ay jeclayd iyo muddo xileedkeedii aqalka looga taliyo dalkaasna uu halkaas ku dhammaado.

 

Markii ay ku dhawaaqday go’aankeeda ah in ay ka tagto hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka iyo Ra’iisul Wasaarahaha, ayaa codkeedii gaabtay waxayna noqotay mid dareenku ka tanbadiyey

 

Waxay si rasmi ah u sii wadi doontaa illaa iyo 7-da Juun, iyada oo jidka u sii xaadhaysa tartanka xisbiga muxaafadku kaga go’aan gaadhayaan raysalwasaaraha cusub ee xigi doona.

 

Waa tuma Theresa May?

• Taariikhda dhalashada: 1 Oktoober 1956 (da’da 62)

• Shaqooyinka: Xildhibaan Maidenhead tan iyo 1997-kii, haddana waxay noqotay raysalwasaare 2016-kii. kaddib marki ay lixsano ahayd xoghayaha arrimaha gudaha.

• Waxbarashada: badankeeda waxay ka baxday dugsiya dawladda ,dugsiga Hoose ee Wheatley Park, wakhti gaaban oo ay ka baxday dugsi madaxbannaan ,St Hugh’s College, Oxford.

• Qoyska: waxay guursatay Philip May

• Hiwaayaddeeda: Cunto karinta – waxayna sheegtay in ay haysato in ka badan 150 buug oo ku saabsan sida wax loo kariyo. Fasaxyadeeda waxay aaddaa buuraha iyada iyo odaygeeda.

 

XIGASHO: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories