HomeSidee loola dagaalami karaa Maandooriyaha ku soo badanaya Somaliland?

Sidee loola dagaalami karaa Maandooriyaha ku soo badanaya Somaliland?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Somaliland waxa ku soo badanaya noocyada maandooriyaha kala duwan sida khamriga, xashiishadda jaadadkeeda kala gedisan, taliyaha ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in lix bilood gudahood ay qabteen 26,800-litter oo khamri ah, 10,055-tan oo xashiishad ah kuna eedaysanyihiin 1001 qof. Run ahaantii waa xadi maandooriye oo aad u weyn kana dhigan in bil kasta Soomaalilaand ay soo galaan 4,466 litter oo khamri ahi! Waa inta la qabtay uun marka laga qiyaas qaato.

blankKorodhka maandooriyuhu waxa uu keeni karaa xanuunno iyo in fac dhani lumo, taas oo khatar toos ah ku ah amniga qaranka. Dalal badan ayaa maandooriyuhu u yahay/ahaa khatar amni (national security threat) kuwaas oo ula dagaallama sida ciidan ku soo duulay oo kale. Khatartaa in  agu soo fool leh, dadkeenna qaarna ay hadaba dhibane u yihiin ayuu qoraalkanu xal u heliddeeda wax ku darsanayaa.

Yaraynta iyo dabargoynta noocyada maandooriyaha waxa lagu hagi karaa siyaasad qaran oo muujisa ujeedooyinka, qorshaha iyo fulinta la dagaalanka maandooriyaha. Siyaasaddaasi waa in ay ka duushaa laba tiir oo aasaas u ah idil ahaanba la dagaalanka maandooriye kasta oo kale ah;

1) Kahortag (Supply reduction)

2) Xakamayn iyo latacaalid (Demand reduction)

1) KAHORTAG.

Kahortaggu waa in iyada oo aan dhibaatada maandooriyuhu bulshada gaadhin halkeeda lagu joojiyo, tiirka kahortaggu waxa uu ka koobnaan karaa qorshe hoosaadyo ay ka  mid yihiin;

  • Ladagaalamidda beeridda xashiishadda iyo samaynta khamriga ee dalka gudihiisa.
  • Kahortegidda soogelinta maandooriyaha dalka.
  • Xidid-usiibidda ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha dalka gudihiisa.

Tiirkan kahortagga wasaarado badan ayaa door ku leh, laakiin cidda ugu horraysaa waa ciidanka Booliska si qorshayaashanu u fulaan waa in ciidanku yeeshaa xeelad iyo awood fulineed, tusaale ahaan;

  • Samaynta unug ciidan oo u gaar ah maandooriyaha si ay u fududaato sir-raadintoodu iyo fulinta hawlgalladoodu (ma maqal in uu jiro).
  • Baraarujinta bulshada ku dhaqan xuduudka si ay ula soo xidhiidhaan si fudud ciidanka (samaynta hannaan war-helid).
  • Samaynta hannaan wadashaqayn ka dhaxaysa ciidanka Immigration-ka iyo Unugga cusub ee la dagaalanka maandooriyaha.
  • Iskaashi goboleed ama wadan sida Itoobiya (gaar ahaan ciidaanka Liyuu booliska DDS).

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa ay ka qaadan kartaa door muhiim ah kahortagidda maandooriyaha iyada oo samaynaysa barnaamijyo ciyaareed kala duwan illaa heer degmo ama tuulo, maadaama cidda ugu badan ee maandooriyaha adeegsataa ay yihiin dhalinyaro.

2)  XAKAMAYN IYO LATACAALID

Qofka maandooriye istimaalaa waa bukaan ay tahay in la daweeyo, dunida maantana siyaasadda ’harm reduction policy’ ayaa aad loo dhiirigeliyaa marka ay tahay sida ugu haboon ee dadka daroogada looga bedbaadin karo. In qof buka oo dawo u baahan siyaasadda dawladdu u aqoonsato adeegsadaha waxa ay dhiirigelinaysaa in dad badani adeeg caafimaad dawladda usoo doontaan iskana daayaan isticmaalka maandooriyaha. Wasaaradda caafimaadka ayaa doorka ugu muhiimsan ka qaadan karta dhaqancelinta iyo daweynta qofka qabatimay maandooriyaha sida; u samaynta goobo gaar ah iyo tababaridda kooxo dhakhaatiir iyo lataliyeyaal caafimaad.

Si guud wacyigelintu waa qodob hoos imankara kahortagga maandooriyaha hadana muhiimadeeda darteed waa qodob ay tahay in sigaar ah awoodda loo saaro iyada oo lakaashanayo dhakhaatiir, wadaaddo, ururada bulshada, dhaqanka, haweenka iyo guud ahaanba bulshada noocyadeed kala duwan.

Siyaasaddaa qaran ee wadashaqayneed waxa ay u baahantahay iskuxidh wasaaradaha iyo laamaha amni ee kala duwan, dalal badan ayaa sameeya hay’ado xeer lagu unko oo masuul ka ah la dagaalanka maandooriyaha se tamarteenna dhaqaale oo yar iyo saamaynta daroogada oo weli kooban marka la inna barbardhigo dalal badan waxa aan soojeedinayaa in wasaaradda arrimaha guduhu samayso xafiis gooni ah oo ay masuuliyaddiisu tahay:

1)  Isku xidhka wasaaradaha kala duwan ee dawladda.
2) Dejinta iyo iskudubariddida siyaasadda iyo qorshaha lagu waajahayo maandooriyaha.
3) Ururuinta xogta la xidhiidha maandooriyaha iyo kaydintooda.
4) Diwaangelinta ururada bulsho ee ku hawlan ladagaalanka maandooriyaha si loo mideeyo dedaalkooda iyo farriimaha ay gudbinayaan.

 

W/Q. Maxamuud Cabdillaahi.

Email: ii2953884@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories