HomeSidee Ku Noqon Kartaa Qof Gulaystay! – W/Q: Mukhtaar Bulshaawi - Q.2aad

Sidee Ku Noqon Kartaa Qof Gulaystay! – W/Q: Mukhtaar Bulshaawi – Q.2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Noloshu Micne ayay leedahay, ha micno tirin, waa inay dhadhan kuu leedahay oo aad ujeedo u nooshahay, waa inaad ku dadaasha Cibaadada Alle, haka daalin dadaal naftu haday karaahiyaysato ku adkee oo ku Ciqaab inay Cibaadaysato markaad sidaas ku wadid wakhtii yar kadib waxa aad arki doontaa iyadoo naftu kugu hagaysa inaad cibaadada u dadaashid, wax walba iyo rabitaan walba oo aad leedahay waxa aad ku gaadhi kartaa Dadaal iyo Samir.

Aan u soo noqdo Mawduuca,Guusha Qofwal oo inaga mid ahi wuu jecel yahay, jeclow, oo ma xuma, sidee ayaad ku guulaysan kartaa, ma tahay qof soo jeeda oo nolosha la haysta, mase tahay qof fahansan micnaha ay noloshu leedahay iyo Ujeedada aad u nooshahay, noloshu micno ma kuu leedahay mise waa aad iska noshahay uun, ma ku fikirtaa inaad isbadal samayso oo aad badasho habka iyo hanaanka aad u nooshahay, ma ku fikirtaa inaad samayso Qorshe iyo Wado aad ku dhisi karto Mustaqbal wanaagsan, fikirkaagu muxuu yahay, sided u fikirta, ma meel dhow ayaad wax ka eegtaa mise meel fog ayaad jalecdaa, maxaad ku salaysaa fikirkaaga sided se ugu salaysaa ama u diyaarisaa waxa aad doonaysid inaad qabatid ama noqotid mustaqbalka fog, waxa ku horyaala su’aalo badan oo loo bahan yahay inaad naftaada waydiiso, is daji hana warwarin waxwaliba Guul ayay insha allah kugu dhamanayaan, ma jiro aduunka wax adag oo aan la qaban Karin, naftaada diciif haka dhigin waxa aad tahay qof nool waad guulaysan kartaa waliba si dhib yar ayaad ku guulaysan kartaa, niyad jab lagagma baahna inaad qof dhiiran oo soo jeeda noqotid weyaan, hana isku adkayn nolosha, ma jirto nolol adagi waxa aad amintaa Allaha wayn ee Waaxidka ah, Caqligaaga kaasho isku day inaad waxa aad jeceshahay samayso, dadka la tasho oo wax waydii lakiin ha u malayn in talo wal oo lagu siyaa saxsan tahay, ka fikir talada qofku ku siiyo kadibna kala dhex bax waxa kaa anfacaaya ee aad is leedahay dariiga aad u socotid ayay kuu fududaynaysaa ama Guul ayaad ku gaadhi kartaa, hanoqon qof fudud oo si dagdag ah waxwalba uga fikira, maxaa ku dadajinaaya bal is daji niyadana khayr u sheeg, shaydaankana iska naar, kadib adoo dagan oo aan wax kale ka fikirayn Go’aan dagan qaado, Fudaydku waxa uu ku seejinayaa waxyaabo badan oo aad ku qabsan lahayd si dagan, Naftu marwalba waxa ay jeceshahay inay waxa ay doonayso si dhib yar ku hesho oo aanay dhibaato u marin ama wakhti badan u hurin, hadaba, Nafta hogaami adigu yaanay naftu ku hogaamin hana samayn waxa ay naftu rabto ee waxa aad adigu rabto same, Dhalinyaranimada iyo waayaheedana ka taxadir.

Hadaba, aan ku tilmaamo, ma doonaysaa inaad guulaysatid oo qof Dariiqa Guusha Haysta aad noqotid, waxa filayaa jawaabtadu waa haa, waxa aad samaysaa sidan…… Waa aad soo toostay, Alxamdulilaah, Allaha wayn u mahadnaq, kadib waysayso oo Salaada Tuko (Subax), kadib Quraan iska akhriso markaad Quraanka akhrisato Ducayso oo Illahay bari, haku noqon Hurdada, waayo Hurdada aroortii lagu noqdo waxa laga qaada Fakhri adiguna ma jeclid Fakhriga iyo dib u noqoshada, ujeedadu waa horusocod, kadib iska labiso waxa aad tagtaa goobtaada shaqada’ hadaad tahay qof shaqeeya oo camal haya, dadka u qaabil si wanaagsan oo dhoola cadayn leh, ma tahay qof maamule ah, haday jawaabtaadu haa tahay, shaqaalahaga ku qaabil waji furan oo dabacsan ha noqon qof aanay waxba u sheegi karayn oo anay talo iyo tusaale anfic laaha anay siin karayn, looma baahna taasi, waxa lagaga baahan yahay Waji Furan iyo Go’aan adag.

Hadii, aad tahay Qof Bilaa Camal ah oo aan shaqo hayn, waxa aad haysataa Fursad anay haysan dadka shaqeeya, kori maskaxdaada iyo garashadaada, waxa aad samaysaa Akhris faro badan oo buugaagta Cilmiga iyo Aqoonta aad jeceshahay ah, kuwa ka hadlaaya nolosha iyo habka aad ujeedada u gaadhi kartid,ka digtoonow inaad wakhtigaaga ku lumisid goobaha dadku iskugu yimadaan ee aan waxba laga fa’iidin sida Makhaayadaha iyo Majlisyada lagu qayilo, ogow in hadalka faraha badan iyo Dooda laga qaado Qalbi Madow, iska ilaali naftaadana ka dhawr, la macaamil dad aad is leedahay wax ayaad ka faa’iidaysaa oo wax ayay kugu tari karaan Cilmi Diiniya iyo Mid maadiyaba, haka fikirin sidaad dadkasi ula kulmi lahayd, adoo dagan waxwalba qabo una bandhig waxa aad uga baahan tahay qofka aad rabtid inaad wax ka faaiido adoon khajilaad iyo waji foorara ku qaabilayn, ha ahaado Rag ama Dumar, Niyadada waxa aad ka dhaadhicisaa inaad u socotid sidaad yoolkaga u gaadhi lahayd.

Lasoco Qayb kale oo xiiso badan.

Mukhtaar Bulshaawi.

Mukho4me@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories