HomeSidee ayaynu ula dhaqannaa Da’yarteena? – Q.2aad ~ W/Q: C/raxmaan C/laahi

Sidee ayaynu ula dhaqannaa Da’yarteena? – Q.2aad ~ W/Q: C/raxmaan C/laahi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ilmahaagu haddii uu qalad galo, qaabka aad uga saxaysaa waxa uu saamayn togan ama mid taban ku yeelanayaa shakhsiyadiisa, kalsoonidiisa iyo mustaqbalkiisa wax qabad.

Ilmuhu haddii uu  sameeyo qalad ka dhan ah xeerarka qoyska,marka uu qaladkaasi cusubyahay waxa iska cad in ay aqoon-darro u geysay  iyo isaga oo aan garanayn in waxa uu sameeyay qaynuunka qoysku aanu oggolayn. Haddaba haddii aad uga saxdo si hanjabaad iyo dhaliil isbarkan ah waxtar badan uma laha qofkan nolosha ku cusub. Waxa ka fiican adiga oo si fiican oo deggan ula fadhiista meel gaar ah, kadibna si deggan ugu sheega in waxa uu falay aanay ahayn wax wanaagsan oo qaynuun ahaan dhaqanka ama xeerarka bulshada ka hor imanaya, sidaa daraadeed ay  fiicantahay in aanu mar danbe ku noqon.

cabdiraxmaan cabdilaahi warsameTusaale:  Nin reer miyi ah ayaa soo galay masaaidka nabiga SCW. Kadibna waa uu ku kaadjay isaga oo aan garanayn. Asxaabtii markii ay arkeen aadbay u wada xanaaqeen, waxana ay dooneen in ay mar kaliya gacanta wada saaraan. Nabigu SCW markii uu arkay waa uu u dhawaaqay waxana uu ku yidhi asxaabtiisii, xadiis macnihiisu yahay “ iska daaya ha dhammaystee, la idiinma soo dirin in aad wax ad adkaysaane waxa la idiin soo diray in aad wax fududaysaan”. Markuu ninkii dhammaystay kaadidii ayuu nabigu SCW u yeedhay, waxana uu ku yidhi “ halkani waa guri Ilaahay, wax aan cibaadadiisa ahaynna kuma habboona”.  Ninkii markii danbe waxa uu odhan jiray, waligay ma arag macallin ka wanaagsan Nabi Muxammed SCW.  Qof yarna maxaad u malayn?

Haddii marka ilmuhu qalad galo, hanjabaad, qaylo iyo garaacis loogu jawaabo, waxa ay waxaas oo dhammi hoos u dhigaan kalsoonidiisa uu hadhow  isaga oo madax bannaan uu hawl amma shaqo qaban karo. Wax walba waxa uu qabanayaa isaga oo ka baqaya in lagu dhalleeceeyo amma lagu canaanto.

Dhanka kale, sideedaba hadallada taban ee ilmaha mar walba lagu yidhaahdaa, sida doqonyow,  ma fiicnid, fulay baad tahay, waxba ma karaysid iwm. Waxa ay gayaysiin karaan in isaga laftiisu aamino in uu sidaasi yahay.  Marka ardayda yaryar ee fasallada hoose ku jirta wax loo dhigayo, talooyinka dhanka khibradda dhanka macallinnimada waxa ka mid ah in aan ilmaha haddii uu su’aal qaldo aan lagu canaanan loona muujin in aanu waxba garanayn, laakiin taa baddalkeeda la dhiirrigaliyo laguna yidhaahdo “ in yar uun baa kaa dhiman sida kale waad saxsantahay”. Xataa haddii ardaygaasi aanu gabi ahaanba waxba sixin. Tani faa’idadeedu waxa weeyaan in ardaygii hankiisu kor u kaco islamrkaan dadaalka kordhiyo si inta ka dhiman uu u keeno. Laakiin haddii la dareensiiyo in aanay gabi ahaanba wixiisu sax ahayn waxa suurtagal ah in uu niyad jabo. Qof walibana waa sidaa.

Cilmi nafsiga cusub ee waayadan danbe la ogaaday(Positive psychology) waxa ka mid ah in qofka waxa uu maskax ahaan iska dhaadhiciyo ama ka dhaadhacsan laga arki karo dabcigiisa iyo ficilladiisa. Tusaale ahaan haddii qofka lagu yidhaahdo waxaa ma karaysid mana qaban kartid oo annagaa oge iska daa ha ku daalin, qofkaasi waxa laga yaabaa in haddii xataa uu isku dayo in uu waxaa qabto, maadaama uu niyad ahaan aaminsanyahay in aanay suurtagal ahayn, in aanu karti ahaanna qaban Karin. Sidaa daraadeed waxa aynu odhan karnaa qofku waxa uu qaban karaa waxa ay ku xidhanyihiin hadba sida uu u fikiro.

Tusaale “gabadh macallimad tarbiyadda caruurta qabilsan ahayd ayaa ku qanci weyday qaabkii loola dhaqmayay caruurta dugsigii ay joogtay, ardaydaas oo lagula dhaqmi jiray siyaasad ah in dugsiyada lagu hayo inta ay 12 jir ka gaadhayaan maadaama oo aanay waxba barin Karin( waa sida laga dhaadhiciyaye). Si aanay ugu biirin dadka balwadaha.      Gabadhaas oo mageceeda la odhan jiray M. Collins oo ahayd maraykan (Mulatto). Waxa ay kijad gurigeeda ka samaysay fasal ay wax ugu dhigto laba caruur ah oo ay iyadu dhashay iyo laba jaarkeeda ah. Ardaydaa waxa ay ku odhan jirtay sida aan waxbarshadiinna ka arkayo waxa aad gaadhaysaan heer aad u sarreeya shaqooyin fiic fiicanna waad qaban doontaan oo aad mushahar fiican ka heshaan. Ardayga qalad sameeya waxa ay ku ciqaabaysay, in uu meel fadhiisto oo xarfaha alifbeetada ingiriisida mid walba ka soo qoro waxa uu ku fiicanyahay.  Ardaydii markii danbe waxa la sheegay in ay noqdeen kuwo waxbarashad iyo shaqooyinkaba meel fiican ka gaadhay”

In adiga laftaadu aad xagga wanaagsan wax ka eegto oo aad tidhaado ilmahayga waxa wanaagsan ee uu sameeyay waa maxay, kadibna aad ku hambalyayso ayaa ka fiican in aad xumaantiisa ku canaanato. Sida ugu haboon ee qalad uu galay aad uga saxdaa waxa ay noqonaysaa in aad wixii uu qalday adiga laftaadu aad sida saxda ah u qabato, kadibna u sheegti in uu sidaa u qabto wixii maanta ka danbeeya.

Cabdiraxmaan   C/laahi Warsame

cbdrxmngeni@yahoo.com

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories