Home‘Sidee Ayay Ku Soo Bixi Karaan Musharxiinta Doorashooyinka Golaha Wakiiilada Ee Beelaha...

‘Sidee Ayay Ku Soo Bixi Karaan Musharxiinta Doorashooyinka Golaha Wakiiilada Ee Beelaha Gabooye?’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NEC_Somaliland_eeee002-300x297Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato, marka hore waxa aan salaamayaa dhammaan warbaahinta xorta ah ee reer somaliland iyo akhristayaasha sharafta badan iyo dhammaan bulsho weynta reer somaliland bacdal salaan, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka qoro ama ka idhaahdo mawduuca aan ciwaanka uga dhigay maqaalkaygan “Sidee ayay ku soo bixi karaan musharxiinta doorashooyinka golaha wakiiilada ee beelaha gabooye?” Akhristayaal waxaan wada ognahay in la soo maray doorashooyin kala duwan kana qayb galeen beelaha gabooye balse aysan ku guulaysan in ay ka mid noqdaan xildhibaanadaas kana muuqdaan golayaasha kala duwan ee qaranka

Hadaba caqabadaha hortaagan dadyowgan, Waxaa aynu ku sababayn karnaa arrimahan soo socda :-

  1. Dadkan oo aanu deegaan lahayn tuulo, degmo , gobal iyo magaalo sida dadyowga kale
  2. Deegaan ahaa ka degan gobolada xaafado cayimin oo codadkana lala qaysbado saacaduna ka dhacdo
  3. Dadkan oo aan u bislayn siyaaasadda iyo ka qaybgalka siyaasadda sida asxaabta siyaasadda dalka
  4. Iyadoo goobaha codbixintu aad iyo aad ugu yar yihiin oo goobo ku filan aanay jirin
  5. Dadkan oo dhaqaale ahaan liita haysana cid ka caawisa

Side looga gudbi karaa caqabadahan kor ku xusan

Waxay ku soo bixi karaan oo kaliya haddii arrimahan soo socda la fuliyo

  1. Iyadoo goobaha codbixinta ee xaafadaha dadkani degan yihiin loo koriyo , si dadka codka bixinayaaay u helaan wakhti ay codkooda ku dhiibtaan
  2. Maadaama aysan tuulo, degmo, gobal iyo magalo lahayn ay xukumadda , saddexda xisbi qaran , iyo komishanka doorashooyinka qaranku dib u eegaan codadka dadkan oo loo laban laabo si ay u buuxiyaan codadkii ay ka heli lahaayeen tuulo, degmo, gobal iyo magaalo maadaama oo aanay lahayn

Mar labaad waxaan baaqa dheer iyo mid gaaabanba u dirayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane axmed maxamuud siilaanyo , gudoomiyaha xisbiga ucid eng. Faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga kulmiya mudan muuse biixi maxamed, gudomiyaha xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan cabdilaahi cirro, gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qarank, madax dhaqmeedyada , siyaasiinta, aqoonyahanada, culumada, haweenka iyo dhalinyarada reer Somaliland sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadan aan kor ku sheegay ee aan soo jeediyay , mar haddii la laalay Xeerka Saamiga Kuraasta Dadka laga Tirada Badanyahay iyo Haweenka, si ay u soo baxaan ugana dhexmuuqdaan golaha baarlamanka ee soo socda

 

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories